Abubakar Mohammed

Follow Abubakar Mohammed
Share on
Copy link to clipboard

Abubakar Mohammed is a Somali motivational speaker, author, preacher and a life-coach from the Netherlands. Along with his older brother Omar Mohammed, he became famous through online motivational speeches and short Islamic reminders. He published his first book Ku Raaxayso Noloshaada (Enjoy Your Life) in 2019, which was a great success within Somali communities worldwide.

Abubakar Mohammed


    • Nov 5, 2022 LATEST EPISODE
    • infrequent NEW EPISODES
    • 19m AVG DURATION
    • 11 EPISODES


    Search for episodes from Abubakar Mohammed with a specific topic:

    Latest episodes from Abubakar Mohammed

    Ka Farxi Dadka 6 - Ku Raaxayso Noloshaada

    Play Episode Listen Later Nov 5, 2022 32:40


    Qabta 6aad: Ka farxi dadka: In aad xiriir fiican la samaysid bulshada oo qalbigooda soo jiidatid ka farxisid, ayaa ah waddada ugu wanaagsan loo maro ku raaxaysiga nolosha. Qaybtan wuxuu si dhab ah kaaga caawin doonaa: Sida aad farxad ugu abuuri lahayd qalbiyada dadka kale. Sida aad u beddeli lahayd dabeecadaha aan wanaagsanayn. Sida hadalkaaga aad ugu dari lahayd malab si dadka aad u soo jiidatid. Waddada ugu wanaagsan ee lagu qurxiyo wajiga. Sida aad ku noqon lahayd qof dadka oo dhan ay jecelyihiin.

    ka sida dadka
    Raaxada Jirka 5 (Full) - Ku Raaxayso Noloshaada

    Play Episode Listen Later Nov 3, 2022 19:11


    Qaybta 5aad: Raaxada Jirka: Daryeelidda jirkaagu saamayn aad u weyn bay ku yeelataa ku raaxaysiga noloshaada. Nabiga scw wuxuu inoo tilmaamay in qofka naftiisa ay xaq ku leedahay. Qaybtani waxay si dhab ah kaaga caawin doontaa: Sida aad u daryeeli lahayd caafimaadkaaga. Sida aad ku heli lahayd dhammaan maaddooyinka jirka u baahanyahay. Sida aad u ilaalin lahayd nadaafadda jirkaaga. In aad maalin walba samaysid jimicsi fudud. In aad heshid hurdo kuugu filan iyo daawada hurdo la'aanta. In aad aaddid safar, si jirkaaga firfircooni u helo iyo faa'idooyinka uu leeyahay safarku.

    Jaceylka Nabiga ee Xaasiskiisa - Ku Raaxayso Noloshaada

    Play Episode Listen Later Oct 24, 2022 8:22


    Waxaan ka xiran karnaa indhaha waxyaabaha aanan rabin in aan aragno, laakiin kama xiran karno qalbigeena, waxyaabaha aanan rabin in aan dareeno.

    nabiga
    Raaxada Qalbiga 4 (FULL) - Ku Raaxayso Noloshaada

    Play Episode Listen Later Oct 24, 2022 30:19


    Waxa ugu weyn ee uu ku raaxaysto qalbigu, waa in uu helo jacayl joogta ah. Jacaylka waa waxa ugu quruxda badan ee la haysto. Sooma aad arkin marwalba oo aad fiirisid qofka aad jeceshahay, wajigaaga waxa ka muuqda farxad iyo dhoolla caddayn. Waxaan qaybtan kuugu soo bandhigi doonaa: Sida Jacayl qurux badan loo dhiso. Sida Jacayl kaas quruxda badan loogu noolaado. Sida loo doorto lammaanaha mustaqbalka. Qofka sida dhabta ah kuu jecel waxyaabaha lagu garto. Bankiga jacaylku waa maxay? Sida uu Nabiga ula dhaqmi jiray xaasaskiisa. Qalbiga sida loo nadiifiyo.

    sida nabiga
    Nimcada Alle - Ku Raaxayso Noloshaada

    Play Episode Listen Later Oct 22, 2022 16:34


    Ka faker waxa aad haysatid inta aadan ka fakerin waxyaabaha kaa maqan!

    Ha is barbardhigin - Ku raaxayso Noloshaada

    Play Episode Listen Later Oct 22, 2022 7:09


    “Ahoow qofka adiga aad tahay. Faraxsanow kuna noolow noloshaada dhabta ah. Waxaa jira sabab uu illaahay kaaga dhigay sida aad tahay, kuu siiyay waxa aad haysato”

    Raaxada Maskaxda 3 (FULL) - Ku Raaxayso Noloshaada

    Play Episode Listen Later Oct 22, 2022 36:45


    Inta aad nooshahay waxa ugu weyn oo farxad ama murug ku dareensiiya waa sida aad u fekerayso. Sababta aad ugu raaxaysan wayday noloshaada waa natiijad ka dhalatay qaabka liita ee aad u isticmaalayso maskaxdaada. Qaybtan wuxuu si dhab ah kaaga caawin doonaa: Sida loo oggaado waxa si dhab ahaan kuu farxad geliya. Sida aad u qaadan lahayd mas'uuliyadda nafsadaada. Sida ugu fiican ee loo dejiyo hadafyadaada iyo sida degdeg loogu gaaro hadaf kasta oo aad leedahay noloshaada. Sida aad ugu raaxaysan lahayd inta yar ee aad haysatid. Sida aad ku oggolaan lahayd noloshaada. Sida loo noqdo mid mar walba Alle u mahadceliya. Sida wax walba dhinaca wanaagsan loogu fiiriyo. In aadan is barbardhigin. Sida aad u ahaan lahayd qofka adiga aad tahay, una joojin lahayd saamaynta hadallada dadka.

    Hooyooy Macaan - Abubakar Mohammed & Ilyas moa

    Play Episode Listen Later Oct 20, 2022 3:11


    Hooyooy Macaan Adigaa aduunka I keenay Adigaa uurka igu qaaday Adigaa dhiigaaga nuugay Adigaa Ifka igu barbaarshay Hooyoy Abaalkaga Bini'adam gudi waayay Amaantaada hooyo waan soo koobi kari waayay Marka ku arko waan Ka maqsuudi la Murugadan qabee Hooyo macaan Muuqaagu wuu Iga meydhi la Dhibtaan so maree Hooyo macaan Intan ka maqnay Waan magano Manfac iyo hurdaba Wayska maanacee hoyoo macaan Maa aragtida Waxay Ila mid tahay Anigoo makkah iyo madinaba tagoo Xajka soo maree Hooyo magan ilaah Markastaba ahow Maamoy dhib aah Ila soo martee Miisaan xaq aah Lama maagi karee Mininkaa janada mowla haka dhigo Mamoy macaan mowla haka dhigo Allow Hooyo Hoygeeda Janada Fardowsa ka Yeel Allow Hooyo Hamigeda U Yeel Allow Hooyo Kitaabkeeda midig ka sii Allow ugu deeq farxad, caafimaad, cumri dheer, Allow Hooyo ugu Naxariiso siday yaraanteyda iigu naxariisan jirtay Maa aragtida Waxay Ila mid tahay Anigoo makkah iyo madinaba tagoo Xajka soo maree Hooyo magan ilaah Markastaba ahow Maamoy dhib aah Ila soo martee Miisaan xaq aah Lama maagi karee Mininkaa janada mowla haka dhigo Mamoy macaan mowla haka dhigo

    Raaxada Ruuxda 2 - Ku Raaxayso Noloshaada

    Play Episode Listen Later Oct 17, 2022 17:28


    Marka aan raadiyay waxa ay ku raaxaysato ruuxdu, waxaan oggaaday qofka kaliya oo ii sheegi kara jawaabtaas in uu yahay midka abuuray ruuxda iyo dadka oo dhan; Allaah, kadib waxaan ka baaray Qur'aanka iyo sunnada, waxaan oggaaday in ruuxda aysan raaxaysanaynin illaa marka ay u dhowaato midka abuuray, Allaah! Waxaan soo qaadan doonnaa qaybtan: Macaanka uu leeyahay iimaanka iyo sida aan u heli lahayn macaankaas. Raaxada salaadda laga helo iyo sida aad ugu raaxaysan lahayd salaadda. Deggenaanshaha qalbiga halka laga helo.

    Ha Murugoon 1 (FULL) - Ku Raaxayso Noloshaada

    Play Episode Listen Later Oct 9, 2022 37:07


    Waxaan marka ugu horreeya ku billaabi doonaa safarkeenna quruxda badan ku raaxaysiga nolosha, in aan daawo u helno muruggada aan dareemayno. Waxaan qaybtan kuugu soo bandhigi doonnaa: Sida aad maskaxdaada uga masaxi lahayd maalmo mugdi ah oo aad soo martay, uguna diyaarin lahayd maalmo nuur badan. Muhiimadda ay leedahay in aad noolaatid HADDA. Sida aad u qeexi (fahmi) lahayd dhibaatada ku haysata. Sida aad ku oggaan lahayd asal ahaan halka ay ka timid dhibaatada. Waxyaabaha aad ku xallin karto dhibaatada. Ducooyin iftiiminaya noloshaada. Alle in uu kuu abuuray Farxad.

    Hordhac - Ku Raaxeyso Noloshaada

    Play Episode Listen Later Oct 7, 2022 10:58


    Miyaad faraxsantahay? Ma tahay noloshan aad ku nooshahay, nolosha aad dhab ahaan u rabtay inaad ku noolaato? Hadaba, Kaalay oo ila fuul doonta "Ku Raaxeysiga Nolasha”, doontaas oo kaa qaadi doonta halka aad maanta taagan tahay, kuna gayn doonta jasiirad aad u qurux badan oo ay naftaadu raalli ku tahay.

    Claim Abubakar Mohammed

    In order to claim this podcast we'll send an email to with a verification link. Simply click the link and you will be able to edit tags, request a refresh, and other features to take control of your podcast page!

    Claim Cancel