BUUNDO

Follow BUUNDO
Share on
Copy link to clipboard

BUUNDO waa madal kulmisa dadka ka lib keenay hammigoodu iyo dadka barbilawga taagan. Waxaanan bulshada kula wadaagaan xikmad, qisooyinka yididiilo leh, aqoon, wacyi iyo tabo u shaqeeyay dadka aan ku kula sheekaysanno madashan. Ujeedadu waa in aan abuurno horseed lagu dayan karo. 

Mohamed Omer


    • Sep 20, 2023 LATEST EPISODE
    • monthly NEW EPISODES
    • 40m AVG DURATION
    • 6 EPISODES


    Search for episodes from BUUNDO with a specific topic:

    Latest episodes from BUUNDO

    Episode 6: Xalqad Gaar ah | Karti & Kalsooni | Mohamed Omer

    Play Episode Listen Later Sep 20, 2023 17:12


    Xalqaddan Maxamed, wuxuu innagula wadaagayaa tabo iyo talooyin wax weyn ka tari kara ka lib keenidda hayaanka nolosheena. Marka aad ka bogato, Kusoo biir Channel-keenna,  lanasii wadaag saaxiibbadaa. 

    Episode 5: Xalqadda 4aad | Abdirahman Kahin | Founder, Afro Delli

    Play Episode Listen Later Sep 16, 2023 56:22


    Season 1,  Xalqadda 4aad.Cabdirahman Kahin, Aasaasaha Afro Deli. Cabdiraxmaan waa ganacsade, Abaabule bulsho iyo samafale aad looga dhex yaqaan bulshada soomaalida ee Maraykanka. Sannadkan wuxuu ku guulaystay abaalmarinta ganacsiyada yaryar ee dalka Maraykanka. (US Small Business Personal Of The Year).  Halkan ka bogo safarkiisa curineed, Caqabadaha uu la kumlay,  hiigsigiisa iyo waxyaabo kale. Marka aad ka bogato, Kusoo biir Channel-keenna,  lanasii wadaag saaxiibbadaa. 

    founders afro marka delli abdirahman halkan
    Episode 4: Xalqadda 5aad | Naima Mohamoud | Co-founder, ENZA HOMES - Somalia

    Play Episode Listen Later Sep 14, 2023 26:11


    Waxaan kula sheekaysanaynaa Naima Mohamud, Aasaasaha Enza Homes - Somalia. Naciima waxa aan kala sheekaysanayaa safarkooda ganacsi ee Enza Homes. Caqabadaha ay la kulmeen, fursadaha ay arkayeen, hiigsigooda iyo waxyaabo kale. Marka ka bogato, kusoo biir Channel-keenna,  lana sii wadaag saaxiibbadaa. 

    Episode 3: Xalqadda 3aad | Najiib Abdullahi | Co-founder, Beydan

    Play Episode Listen Later Aug 19, 2023 53:39


    Waxaan kula sheekaysanaynaa Najiib Abdullah, Aasaasaha Beydan Coffee. Najiib waxa aan kala sheekaysanayaa safarkooda curineed ee Beydan. Caqabadaha ay la kulmeen, fursadaha ay arkayeen,  hiigsigooda iyo waxyaabo kale. 

    Episode 2: Xalqadda 2aad | Cabdalla Sh. Axmednuur | CFO Hormuud

    Play Episode Listen Later Aug 8, 2023 53:03


    Xalqadan waxaan kula sheekaysanaynaa Cabdalla Sh. Axmednuur, Madaxa Maaliyadda ee Hormuud. Cabdalle marka hore waxa uu xalqaddan innagula wadaagayaa macluumaad muhiim ah oo ku saabsan suuqa shaqada.Intaas kedib waxa aan kala sheekaysanayaa suuqa shaqada ee Soomaaliya, fursadaha ka jira, caqabada ku horgudban dhallinyarada shaqo raadiska ah, waxyaabaha ay shirkahada waaweyn sida Hormuud ay uga baahanyihiin dadka shaqo-doonka ah iyo waxyaabo kale. Dhagaysi wanaagan!

    soomaaliya
    Episode 1: Xalqadda 1aad | Abdihakim Mohamed | CEO, Hadiid Industries

    Play Episode Listen Later Aug 6, 2023 36:40


    Xalqadan waxaan kula sheekaysanayaa Cabdixakiim Maxamed, Aasaasaha Shirkadaha Xadiid.Safarka curineed ee Cabdixakiim waxaa ku jira casharo wax laga baran karo, yididiilo iyo xujooyin badhitaari kara qof kastę oo raba in uu curiyo hal-abuur guulaysta. Halkan kaga bogo qisada Cabdixakiim iyo sida uu u dhisay shirkad nooceedu innagu cusub yahay isla markaana uga dhigay ganacsi guulaystay oo saamayn wanaagsan ku yeeshay suuqa dhismaha ee Soomaaliya. Marka aad ka bogato, Kusoo biir Channel-keenna,  lanasii wadaag saaxiibbadaa. dhagaysi wanaagsan!

    industries marka halkan soomaaliya

    Claim BUUNDO

    In order to claim this podcast we'll send an email to with a verification link. Simply click the link and you will be able to edit tags, request a refresh, and other features to take control of your podcast page!

    Claim Cancel