Kulammadani waa muxaadarooyin, doodo, iyo gorfaynno kala duwan oo ay agaasimto Avalites Foundation
09 Ogtoobar 2021 ayuu AHN Maxamad Daahir Afrax geeriyooday. Cabdillaahi Raage "Sayyidka", Cabdicasiis Guudcadde iyo Ayaanle Hoori ayaa labdan fadhi ee 7aad iyo 8aad ugu baroordiiqaya, ku faaqidaya sooyaalkiisii iyo waayihii uu soo noolaa. Waxa kale oo ay ka warramayaan waxsoosaarkiisii noocyada badnaa. Dhan kale waxa ay is dul taagayaan sidii ay ku barteen, sidii ay warka geeridiisa ku maqleen, macnihii uu Afrax ugu fadhiyay hidda qoran ee umadda Soomaaliyeed iyo sida loo xasuusan doono. Naxariistii janno Eebbe ha ka waraabiyo Afrax. Qoyskiisii iyo akhristayaashiisiina samir iyo iimaan ha ka siiyo. Dhagaysi wanaagsan. *** Cambaabur Pocast kal soco: Apple Podcasts https://apple.co/3nAj3Bg Spotify https://spoti.fi/3nz0762 Google Podcasts https://bit.ly/3xzwje5 Anchor https://bit.ly/3nz2Hcl Breaker https://bit.ly/3u98hED Overcast https://bit.ly/3gPsfR9 Pocket Casts https://bit.ly/3t7g7NZ RadioPublic https://bit.ly/3e41LcQ Youtube https://bit.ly/3em1X7r Iyo meel kasta oo kale oo aad Podcast-yada ka macmiilato. SUBSCRIBE oo ku taxnaw.
09 Ogtoobar 2021 ayuu AHN Maxamad Daahir Afrax geeriyooday. Cabdillaahi Raage "Sayyidka", Cabdicasiis Guudcadde iyo Ayaanle Hoori ayaa labdan fadhi ee 7aad iyo 8aad ugu baroordiiqaya, ku faaqidaya sooyaalkiisii iyo waayihii uu soo noolaa. Waxa kale oo ay ka warramayaan waxsoosaarkiisii noocyada badnaa. Dhan kale waxa ay is dul taagayaan sidii ay ku barteen, sidii ay warka geeridiisa ku maqleen, macnihii uu Afrax ugu fadhiyay hidda qoran ee umadda Soomaaliyeed iyo sida loo xasuusan doono. Naxariistii janno Eebbe ha ka waraabiyo Afrax. Qoyskiisii iyo akhristayaashiisiina samir iyo iimaan ha ka siiyo. Dhagaysi wanaagsan. *** Cambaabur Pocast kal soco: Apple Podcasts https://apple.co/3nAj3Bg Spotify https://spoti.fi/3nz0762 Google Podcasts https://bit.ly/3xzwje5 Anchor https://bit.ly/3nz2Hcl Breaker https://bit.ly/3u98hED Overcast https://bit.ly/3gPsfR9 Pocket Casts https://bit.ly/3t7g7NZ RadioPublic https://bit.ly/3e41LcQ Youtube https://bit.ly/3em1X7r Iyo meel kasta oo kale oo aad Podcast-yada ka macmiilato. SUBSCRIBE oo ku taxnaw.
Waa mar kale iyo Cambaabur Podcast Waxa marti ku ah Maxamad Siciid Mire. Waa qoraa u dhuundaloola sheekooyinka, waxna ka qora. Waxa aan kala sheekaysannay: Sooyaalka Sheeko-faneedda, Sheekafa, sheeko xariirta iyo jaadadka kale ee sheekaynta xidhiidhka ka dhexeeya, Jaadadka sheeko-faneedka, Sheeko-faneedku aqoon ma xambaari karaa, iyo arrimo kale oo sheekada la xidhiidha. Dhagaysi wacan #Sheeko, #SheekoFaneed, #Sheekayn, #Riwaayad, #SheekadaSoomaalida, #SheekafaneeddaSoomaalida, رواية_الصومالية#, #SomaliNovel
Waa Cambaabur Podcast #5 Kulankan waxa uu daba socdaa kii hore ee #4, Cumar Cali Baashe ayaa sii wada qaadaadhigista fahanka XADAASADA IYO XADAASADA-KA-DIB. Qaybtanna waxa aan ku eegaynaa sida uu dhaqdhaqaaqa XADAASADA-KA-DIB U NAQDIYAY XADAASADA? (Xadaasada-ka-dib/Post Modernity/ما بعد الحداثة ), si lamid ah sidii horena waxa aan ka hadli doonna curashadeedii iyo taabbagalkeegii, dhinacyada ay saamaysay/ka koobantahay iyo fikradaha seesdhigga u ah. Cumar waa aqoonyahan ku takhasusay Dhaqaalaha iyo Horumarinta Dhaqaalaha, daneeya oo wax ka qora dhaqanka (saqaafada), falsafadda iyo arrimaha danta guud. *** Ku Taxnaw Cambaabur Podcast oo kala soco: Apple Podcasts https://apple.co/3nAj3Bg Spotify https://spoti.fi/3nz0762 Google Podcasts https://bit.ly/3xzwje5 Anchor https://bit.ly/3nz2Hcl Breaker https://bit.ly/3u98hED Overcast https://bit.ly/3gPsfR9 Pocket Casts https://bit.ly/3t7g7NZ RadioPublic https://bit.ly/3e41LcQ Youtube https://bit.ly/3em1X7r Iyo meel kasta oo kale oo aad Podcast-yada ka macmiilato. Ku taxnaw oo SUBSCRIBE - LIKE - SHARE. #AvalitesFoundation #CambaaburPodcast
Waa Cambaabur Podcast #4 Kulankan waxa uu Cumar Cali Baashe ku qaadaa dhigayaa fahanka XADAASADA: MAXAY TAHAY, SIDEE AYAY SE U CURATAY? (Xadaaso/Modernity/الحداثة ), curashadeedii iyo taabbagalkeegii. Sidaas oo kale dhinacyada ay saamaysay/ka koobantahay iyo fikradaha seesdhigga u ah. Cumar waa aqoonyahan ku takhasusay Dhaqaalaha iyo Horumarinta Dhaqaalaha, daneeya oo wax ka qora dhaqanka (saqaafada), falsafadda iyo arrimaha danta guud. Ku Taxnaw Cambaabur Podcast, SUBSCRIBE - LIKE - SHARE. #AvalitesFoundation #CambaaburPodcast
Cabdiwahaab Almasiiri (1938-2008) wuxu ahaa faylasuuf Masaari ah oo waxsoosaar badan, waxsoosaarkiisuna saamayn badanaa, noloshiisii iyo imikaba. Sidaas oo kale wuxu ahaa Indheergarad magiciisa iyo miisaankiisa aqooneed kaga qaybqaata masraxa guud. Qof ahaan Cabdiwahaab wuxu maray isbadallo rumayneed oo isku lid ah mararka qaar intii uu noolaa, raadna kaga tagay fikirkiisa. Ridwaan Maxamuud Sheekh (Maygaag) ayaa jeedin muxaadaradan oo ciwaankeegu yahay: Cabdiwahaab Al-Masiiri: Maalmihiisii iyo Mucda Fikirkiisii. #المسيري #Elmessiri #Avalites
Qormadan Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud ayaa curiyay, waxa lagu faafiyay Bandhige Sebtambar 01, 2020 iyada oo qoraal ah. Codkiisa isaga oo ku gudbinaya ayaan halkanna ku faafinaynaa iyada oo ah Qorm Codeed ah. Halkan ka akhri: https://bandhige.com/maqaallo/sahanka-raage-wq-cabdiraxmaan-aadan-maxamuud Halkan kala xidhiidh qoraaga: https://www.facebook.com/abdirahman.adan.98
Muxaadaradan ciwaankeedu yahay KACAANKA WARSHADAHA IYO CURASHADA BULSHADA CASRIGA AH: Saamaynta Tiknoloojiyaddu ku Leedahay Nolosha Aadamaha waxa ay qayb ka tahay silsiladda muxaadarooyinka Avalites Foundation. Macalin Mustafe Faysruus oo bare sare iyo baadhe ah ayaa ka jeediyay Maktabadda Qaranka ee Soomaalilaan, 11 Sep 2020 ka.
Mar kale Cambaabur Podcast ku soo dhawaada, waxa innala sheeko wadaaga Mustafe Fayruus. Mustafa Feiruz wuxu madax ka yahay Machadka Cilmibaadhista Soomaaliyeed ee raacsan Jaamacadda Muqdisho. Sidoo kale Jaamacadda Muqdisho ayuu ka dhigaa cilmiga afafka, suugaanta, daraasadaha Soomaaliyeed iyo daraasadaha Afrika. Waxa kale oo uu ka tirsanyahay Naadiga Halabuurka iyo Qalinlayda Soomaaliyeed (SomaliPen) iyo Akadamiyad Goboleedka Af Soomaaliga-AGA. Mustafe Fayruus waxa aan kala sheekaysannay fadhigan iyo labada xigaba waxa ay tahay cilmibaadhista Soomaaliyeed (Somali Studeis), sida ay u curtay iyo duruufihii curiyay, arrimaha lagu darso, qaddiyadaa lagaga hadlo iyo halka ay kaga jirto aqoonaha kala duwan. Sidaas oo kale waxa aan ka waraysannay dugsiyada kala duwan ee ka jira daraasadaha Soomalaiyeed, sida ay dugsiyadaasi u oo kala kobceen iyo marxaladaha taariikheed ee ay soo mareen. Sawir guud waxa uu sidoo kale naga siiyay haayadaha ka shaqeeya daraasadahan, culaysyada haysta iyo meelaha ay horumarinta uga baahantahay. Waxa kale oo aan ka hadalnay waraysigan furan haayadaha loo yaqaanno "ThinkTanks" shaqada ay qabtaan iyo mudnaanta ay leeyihiin. Sida ay uga jiraan carriga Soomaaliyeed iyo baahida loo qabo. Qaybtii saddexaad uguna danbaysay weeyi tani, tii koobaad iyo labaad ka dhagayso isla meesha aad ka dhagaysanayso hadda. Ku soo biir saaxibada Avalites Foundation oo "subscribe" saar meesha aad ka dhagaysanayso, barnaamujyada cusubna halkaas kala soco. Dhagaysi wacan.
Mar kale Cambaabur Podcast ku soo dhawaada, waxa innala sheeko wadaaga Mustafe Fayruus. Mustafa Feiruz wuxu madax ka yahay Machadka Cilmibaadhista Soomaaliyeed ee raacsan Jaamacadda Muqdisho. Sidoo kale Jaamacadda Muqdisho ayuu ka dhigaa cilmiga afafka, suugaanta, daraasadaha Soomaaliyeed iyo daraasadaha Afrika. Waxa kale oo uu ka tirsanyahay Naadiga Halabuurka iyo Qalinlayda Soomaaliyeed (SomaliPen) iyo Akadamiyad Goboleedka Af Soomaaliga-AGA. Mustafe Fayruus waxa aan kala sheekaysannay fadhigan iyo labada xigaba waxa ay tahay cilmibaadhista Soomaaliyeed (Somali Studeis), sida ay u curtay iyo duruufihii curiyay, arrimaha lagu darso, qaddiyadaa lagaga hadlo iyo halka ay kaga jirto aqoonaha kala duwan. Sidaas oo kale waxa aan ka waraysannay dugsiyada kala duwan ee ka jira daraasadaha Soomalaiyeed, sida ay dugsiyadaasi u oo kala kobceen iyo marxaladaha taariikheed ee ay soo mareen. Sawir guud waxa uu sidoo kale naga siiyay haayadaha ka shaqeeya daraasadahan, culaysyada haysta iyo meelaha ay horumarinta uga baahantahay. Waxa kale oo aan ka hadalnay waraysigan furan haayadaha loo yaqaanno "ThinkTanks" shaqada ay qabtaan iyo mudnaanta ay leeyihiin. Sida ay uga jiraan carriga Soomaaliyeed iyo baahida loo qabo. Qaybtii labaad weeyi tani, tii koobaad ka dhagayso isla meesha aad ka dhagaysanayso hadda. Ku soo biir saaxibada Avalites Foundation oo "subscribe" saar meesha aad ka dhagaysanayso, qaybyta saddexaad ee soo socta iyo kuwa cusubba halkaas kala soco. Halkan kala soco Mustafe Fayruus: https://www.facebook.com/MustafaFeiruz/ Dhagaysi wacan.
Cambaabur Podcast waxa aan ku bilaabaynaa Mustafe Fayruus. Mustafe Fayruus wuxu madax ka yahay Machadka Cilmibaadhista Soomaaliyeed ee raacsan Jaamacadda Muqdisho. Sidoo kale Jaamacadda Muqdisho ayuu ka dhigaa cilmiga afafka, suugaanta, daraasadaha Soomaaliyeed iyo daraasadaha Afrika. Sidoo kale waxa uu ka tirsanyahay Naadiga Halabuurka iyo Qalinlayda Soomaaliyeed (SomaliPen) iyo Akadamiyad Goboleedka Af Soomaaliga-AGA. Mustafe Fayruus waxa aan kala sheekaysanay fadhigan iyo labada xigaba waxa ay tahay cilmibaadhista Soomaaliyeed (Somali Studeis), sida ay u curtay iyo duruufihii curiyay, arrimaha lagu darso iyo qaddiyadaa lagaga hadlo iyo halka ay kaga jirto aqoonaha kala duwan. Sidaas oo kale waxa aan ka waraysannay dugsiyada kala duwan ee ka jira daraasadaha Soomalaiyeed, sida ay dugsiyadaasi u oo kala kobceen iyo marxaladaha taariikheed ee soo mareen. Sawir guud waxa uu sidoo kale naga siiyay haayadaha ka shaqeeya daraasadahan, culaysyada haysta iyo meelaha ay hore u marinta uga baahantahay. Waxa kale oo aan ka hadalnay waraysigan furan haayadaha loo yaqaanno "ThinkTanks" shaqada ay qabtaan iyo mudnaanta ay leeyihiin. Sida ay uga jiraan carriga Soomaaliyeed iyo baahida loo qabo. Dhagaysi wacan.
Baraha bulashadu waa shaacsane (phenomenon) casri ah, baadhisyada ku sahabsani bilaw yihiin lakiin saamayn wayn oo baaxadda doodaha la xidhiidha ay taxanyhiin fiqiga diinta illaa falsafadda nolosha. Qaddiyado doodahaas la xidhiidha ayay Ayaanle Hoorri iyo Cabdillaahi Raage "sayidka" kaga sheekaysteen fadhigan. Waxa ka mid ah qaddiyadahaas #1 Dimuqraadiyadda iyo Baraha bulshada, #2 Caafimaadka nafeed ee qofka. xidhiidhada qoys iyo baraha bulshaad, # 3 Amaanka xogta qofka iyo ta umaddeed xilligan ay xog ururinta aan abid hore u dhicin shirkada barasha bulshadu sameeyeen # 4 Qumanaanta qofka iyo qaabka ay baraha bulshadu u saameeyeen, una qaabeeyeen qaab nololeedkiisa. Baahitani waxa ay hordhac iyo tijaabo u tahay bodkaastiyo (PODCASTS) ay Avalites ay samayn doonto timaadada dhaw. Waxa aan ku rajowaynnahay in uu idin cajabiyo bodkaaskani, baahi wayna waxa aan u qabnaa aragtidiina. DHAGAYSI WACAN.
Naadiga Akhriska iyo Falanqaynta Doodaha ee Ogaal oo fadhigiisu yahay Boorama iyo Haayadda Dhaqan ee Avaliteis ayaa kulankan wadajir u qabtay 28 Feb, 2020. Cabdillaahi Raage, oo ka tirsan Avaliteis waxa uu muxaadaradan ku akhrinayaa buugga Yuusuf Maxammad Xayd ee Kalahaadkii Muqdisho indhaha labada fahan ee Xasuusta iyo Taariikhda. Wuxuna soo gudbinayaa dood buuga u arkaysa hanti ay tahay in lala falgalo, loona adeegsado sida taariikhda akaadamiga ahi u adeegsato dhukumentiyada qoran. Dhagaysi wacan.
Sheekada Beerta Xawayaanka ee uu curiyay qoraagii reer Ingiriis ee Joorj Orwil oo ka mid ah sheekooyinka dunnida kuwa ugu caansan ayuu Cabdillaahi Raage ku falanqeeyay 17 Ogtoobar 2017 kii Madasha Buugga oo ah koox Faysbuug oo buugta lagu wadaago, laguna falanqeeyo. Muuqaalkan oo ah kii sida tooska ah (live) uga baxay madasha ayaan mar kale halkan idinku la wadaagnay. Dhagaysi wacan.
Muxaadaradan oo ka mid ah shaqooyinka Avalites Foundation waxa uu Ayaanle Hoorri ka jeediayay xarunta gobolka Awdal ee Boorama. Waxa uu awoodda saaray Ayaanle, gorfayntana ku Iftiimiyay: - Sidee baynu ula falgali karnaa gabay-jacburka Dhoodaan, - Muxuu se inooga bildhaamin karaa magaaloobiddii Soomaalida tobanlayaashii dambe ee qarnigii labaatannaad? - Hannaanka gabay-jacburku (style) se ma noqon karaa alban aynu ka daawan karno waayihii jiray xilligaas? - Albaynaynta gabay jacburka maxaa ku jabay? - Ugu dambayn, maxay ka dhigan tahay in aynu ‘dhaxalno’, xilligan, gabay-jacburka Dhoodaan? Dhagaysi wacan.
Kulankan oo ay soo agaasimatay AVALITES Foundation waxa uu ka qabsoomay xarunta Boorama Youth Job Center 07/Nov/2019 waxana lagu gorfeeyay muujinta dabaqadaha, shakhsiyadaha, dhaqan naqdinta iyo doodaha falsafadeed ee sheekada Ibraahim Hawd Yuusuf ee Saddex Nafood. Qodobadda Gorfayntu Awoodda Saartay: - Maxay macno leedahay in aan akhrino, wadar iyo qof ahaan ba, sheekafaneed Soomaaliyeed? - Waayaheenu se muxuu ka dalbanayaa akhrinta sheekafaneeddan gaaban? - Saddex Nafood ma noqon kartaa maaddo gorfayneed? Sidee bay se gorfayntaasi, dood ahaan, u eekaan kartaa? AVALITES FOUNDATION waa haayad dhaqan (culture) oo awoodda saarta qofka iyo dheefta uu ka dhaxlayo shaqooyinka aqooneed.