Podcasts about muqdisho

  • 15PODCASTS
  • 82EPISODES
  • 20mAVG DURATION
  • 1MONTHLY NEW EPISODE
  • Jan 8, 2025LATEST

POPULARITY

20172018201920202021202220232024


Best podcasts about muqdisho

Latest podcast episodes about muqdisho

Maamul Wanaag
Qaab-dhismeedka Nidaamka Federaalka & Federaaleynta Maaliyadda Soomaaliya

Maamul Wanaag

Play Episode Listen Later Jan 8, 2025 42:33


Hirgelinta nidaamka federaalka Soomaaliya weli lama dhameystirin. Inkastoo la dhisay dhowr dowlad-goboleed muddadii u dhexeysay 2013 iyo 2016, haddana ka shaqeysiinta nidaamka federaalka waxa uu ku jiraa marxalad bilow ah. Arrimaha aanan weli caddeyn oo marxalad heshiis siyaasadeed maraya waxaa kamid ah daadejinta awoodaha fulinta, federaaleynta maaliyadda, nidaamka garsoorka, iyo maqaamka Muqdisho. Qeybtan 47-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & Dr Ali Isse oo ah Agaasimaha Horn Economic and Social Policy Institute (HESPI), sidoo kalena khabiir ku ah arrimaha dhaqaalaha, ayaa ku gorfeynaya qaab-dhsmeedka nidaamka federaalka & federaaleynta maaliyadda SoomaaliyaContact Somali Public Agenda's Maamul Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host) · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!

spa somalia federalism soomaaliya muqdisho nidaamka
Maamul Wanaag
Heerka daahfurnaanta, ka qeybgalka dadweynaha & korjoogteynta miisaaniyadda Soomaaliya

Maamul Wanaag

Play Episode Listen Later Dec 11, 2024 34:27


Dhawaan Open Budget Survey (OBS) oo sameeya cilmibaaris madax-bannaan oo lagu baaro miisaaniyadaha dalalka, fursadaha ay qeybaha bulshada uga qeyb gaadan karaan miisaaniyadda xilliga la diyaarinayo, iyo kaalinta hay'adaha ka shaqeeya daahfurnaanta ku leeyihiin miisaaniyadda ayaa daabacay natiijada daraasad laga sameeyay miisaaniyadda Soomaaliya sanadkii 2023. Heerka daahfurnaanta, Soomaaliya waxa ay keentay 37 dhibcood (109 halbeeg). Ka qeyb galka bulshada 0 ayay ahayd (18 halbeeg), halka korjoogteynta miisaaniyadda ay noqotay 30 dhibcood (18 halbeeg). Wadarta halbeegyada waxa ay ahaayeen 145. Xog uruurinta waxaa laga sameeyay 125 dal. Natiijada daraasaddan waxaa lagusoo bandhigay madal lagu qabtay Muqdisho oo ay kasoo qeyb galeen hay'adaha dowladda & bulshada rayidka ah oo ay khuseyso. Qeybtan 45-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & Maxamed Roble oo ah khabiir arrimaha maaliyadda ah ayaa isla gorfeynaya natiijada daraasadda laga sameeyay heerka daahfurnaanta, ka qeybgalka dadweynaha & korjoogteynta miisaaniyadda Soomaaliya.  Contact Somali Public Agenda's Maamul Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host) · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!

Somali Public Agenda
Canshuurta Iibka iyo Caqabadaha ku Gedaaman

Somali Public Agenda

Play Episode Listen Later Dec 3, 2024 28:47


Dowladda federaalka ayaa dhawaan billowday canshuurta iibka, taas oo ka hirgashay suuqyada magaalada Muqdisho. Somali Public Agenda (SPA) ayaa daabacaday faallo qoto-dheer oo falanqeyneysa canshuurta iibka, shuruucda lagu saleeyay, habka loo qaadayo, iyo sidoo kale caqabadaha ku gedaaman hirgelinta canshuurta iibka.Qeybtan 26-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Aweys Axmed & Farxiya Maxamuud oo ah cilmibaare katirsan Somali Public Agenda & sidoo kale mid kamid ah qorayaasha warbixinta ayaa ku falanqeynaya nuxurka daraasadda & talooyinka lasoo jeediyay.Contact Somali Public Agenda's Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisahmedM (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!

SBS Somali - SBS Afomali
Booliska Muqdisho oo ka digay dhibaatada maandooriyaha

SBS Somali - SBS Afomali

Play Episode Listen Later Aug 30, 2024 6:03


Taliska qaybta guud ee ciidamada booliska gobalka Banaadir ayaa muqdisho kusoo bandhigay maandooriye kalagadisan oo boolisku soo qabtay, laguna gubay goob fagaara ah. Boolisku waxa ay sheegeen in maandooriyuhu uu sabab u yahay dhibaatooyin badan oo magaalada ka dhaca.

muqdisho
Somali Public Agenda
Wacyiga Bulshada ee Dawooyinka La Isku Cadeeyo & Khatartooda

Somali Public Agenda

Play Episode Listen Later Aug 12, 2024 49:00


Sanadahii dambe waxaa kordhay bulshada qeybo ka mid ah oo is caddeynaya ama midabkooda doorinaya, iyagoo ujeedkoodu yahay in ay qurux dheeraad ah ka helaan. Dadka is caddeeya waxa ay adeegsadaan dawooyin la isku dardaray oo kiimiko ah. Arrintan ayaa noqotay mid bulshada qeybaheeda kala duwan saameyn weyn ku yeelatay. Qeybtan 23-aad ee Adeeg Wanaag Podcast waxaa lagu falanqeynayaa guud ahaan waxyaabaha sababa doorinta midabka qofka iyo dawooyinka ay adeegsadaan dadka is caddeeya. Waxan sidoo kale lagu falanqeynayaa wacyiga bulshada Soomaaliyeed ee ku aadan khatarta ka dhalan karta adeegsiga daawooyinka la isku cadeeyo iyo talooyin la xiriira dadka raba in ay iska joojiyaan adeegsiga dawooyinkan.  Waxaa marti ku ah Dr. Fartuun Xasan Maxamed oo ah dhakhtarad ku takhasustay daryeelka wejiga, timaha iyo maqaarka, islamarkaana ka howgsha xarun caafimaad oo ku taalla magaalda Muqdisho.   Contact Somali Public Agenda's Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisahmedM (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!

spa somalia mogadishu isku dadka soomaaliyeed muqdisho
Somali Public Agenda
Biyo-mareennada iyo Bullaacadaha Muqdisho

Somali Public Agenda

Play Episode Listen Later Jul 31, 2024 32:46


Dagaallada sokeeye waxa ay sababeen burbur iyo dayac ku yimid guud ahaan biyo-mareennada, bullaacadaha iyo goobaha biyaha lagu keydiyo ee magaalada Muqdisho. Waxaa ka dhashay in biyaha roobabku ay fadhiistaan wadooyinka, qaarkoodna ay burbur joogta ah u geystaan. Xaaladdan waxa ay dhalisay in bulshada caasimadda ay soo gaarto khasaare naf iyo maal isugu jira, bilicda magaaladana saameyn taban ayay ku yeelatay. Qeybtan 21-aad ee Adeeg Wanaag Podcast waxaa lagu falanqeynayaa sababaha ugu waaweyn ee loo aaneyn karo maareyn la'aanta biyo mareennada iyo bullaacadaha magaalada Muqdisho iyo cilladaha farsamo ee jira oo ay tahay in lagu baraarugo si loo mareeyo qulqulka biyaha ee magaalada. Waxaa marti iigu ah Eng. Yaxya Guuleed oo arrimhaasi si dhaw ula socday, islamarkaana qoraallo ka sameeyay.Contact Somali Public Agenda's Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisahmedM (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!

Somali Public Agenda
Adeegga Madadaallada & Saameynta Dhaqan-dhaqaale ee Bulshada

Somali Public Agenda

Play Episode Listen Later Jul 17, 2024 59:12


Adeegga madadaallada, gaar ahaan musalsallada, waxaa caan ka ahaa gudaha dalka musalsallada qalaad sida kuwa Meksikaanka, Carabta, Hindida, Turkida, Kuuriyaanka iyo qaar kale. Sanadihii dambe waxaa soo badanayay musalsallo ay sameynayaan shirkado maxalli ah, musalsalladaas oo qeyb weyn ka qaatay adeegga madadaallada ee ka jira dalka, islamarkaana ka tarjumaya nolosha dadka Soomaaliyeed. Qeybtan 21-aad ee Adeeg Wanaag Podcast waxaa lagu falanqeynayaa guud ahaan adeegga madadaallada ee ka jira dalka, gaar ahaan musalsallada shirkadaha maxalliga ah ay sameeyaan iyo kaalinta musalsalladan ee sare-u-qaadidda wacayiga iyo dhaqaalaha bulshada Soomaaliyeed.  Waxaa marti ku Abshir Rageh oo ah director ama filim sameeye, kaasoo qoray islamarkaana sameeyay musalsallo maxalli ah oo aad loo daawaday sida Habboon oo sanadkii hore dhammaaday iyo musalsalka Dhaxal oo weli socda.Contact Somali Public Agenda's Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!

spa somalia soomaaliyeed muqdisho
SBS Somali - SBS Afomali
C/raxman Sahal, oo ka faaloonaya natiijada Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka.

SBS Somali - SBS Afomali

Play Episode Listen Later May 21, 2024 14:15


Idaacada SBS, Laanta Afsoomaaliga (Australia) ayaa waraysi kala yeelatay saxafi, qoraa C/raxmaan Sahal Yusuf arimaha shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee dhawaan Muqdisho ka dhacay.

muqdisho
Maamul Wanaag
Geeddi-socodka doorashooyinka Soomaaliya labo sano kadib

Maamul Wanaag

Play Episode Listen Later May 21, 2024 38:12


17-kii bishan May ayuu soo gabagaboobay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran uga socday Muqdisho. Nuxurka warmurtiyeedka kasoo baxay shirka waxa uu ahaa in la isla aqbalay wax-ka-beddelkii iyo ansixintii uu baarlamaanka ku sameeyay 4-ta cutub ee ugu horreysa dastuurka, iyo in la hirgeliyo cutubka 4-aad iyadoo wax-ka-beddel lagu sameynayo sharciyada qaar kadibna la dhisayo guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha.Siyaasiyiinta mucaaradka qaarkood ayaa warsaxaafadeed ay soo saareen ku dhaliilay qodobbada kasoo baxay shirka Golaha Wadatashiga Qaran. Isla bishan May sanadkii hore ayay xubnaha Golaha gaareen heshiiska doorashada. Qeybtan 37-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & Farxaan ISxaaq Yuusuf ayaa ku falanqeynaya geeddi-socodka doorashooyinka Soomaaliya labo sano kadib.  Contact Somali Public Agenda's Maamul Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host) · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!

spa sano labo soomaaliya muqdisho
SBS Somali - SBS Afomali
Shirka wadatashiga qaranka Soomaaliya oo Muqdisho ka furmay.

SBS Somali - SBS Afomali

Play Episode Listen Later May 15, 2024 6:13


Shirka wadatashiga qaranka Soomaaliya ayaa xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho ka furmay. Shirkan ayaa waxaa isugu yimid madaxda federaalka Madaxweyne Xassan Sh Maxamuud, Ra'iisul Wasaare Xamza C Barre, R/wasaare ku xigeen Saalax Axmed Jaamac iyo madaxweynayaasha maamulada kala ah Jubbaland, Garmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeele iyo maamulka gobalka Banaadir. Shirkan ayaa waxaa ka maqan madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni. shirkana ayaan la shaacin mudada uu soconayo.

ra soomaaliya muqdisho
Muqdisho Podcast
Maxaad ka Taqanaa Fanaan caan ah oo sheikh Daacii diinta faafiyo noqday

Muqdisho Podcast

Play Episode Listen Later Feb 21, 2024 3:53


Cabdirisaaq Cabdullaahi Aadan (Jiir) wuxuu noloshiisa ku soo qaatay intii uu yaraa Kismaayo, balse Barbaarkiisu waxaa ku noolaa Muqdisho xiligii Dowladii Kacaanka. Wuxuu ahaa mid ka mid ahaa dhalinyaradii caanka ka ahaa goobaha lagu caweeyo ee Muusigga iyo qoob ka ciyaarka lagu qabto, gaaar ahaan Hoteladii caanka ahaa ee Jubba iyo Curubo ee Muqdisho, Jiir ayaa qiray inuu ku faani jiray inuu ahaa qofka koowaad ee xaadira inta aan la bilaabin miyuusiga cawaysyada ee hotelada. Noloshii Suuq-galka Sheekha iyo Silsiladdi dahabka ahayd ee uu xiran jiray ayuu sheegay inuu raacay dhalinyaro xiligaas loo yaqaanay ciyaal biib oo ku caan ahaa dhaqamada dhallinyaranimada, nolashiisana uu gaaray halka ugu hooseysay. Cabdirisaaq Cabdullaahi Aadan (Jiir)  ayaa yirir Waxaan xiran jiray Silsilad dahab ah, gabdhaha aan dariska nahay ayaa toobal caaro iiga qaadan jiray, dharkayga iyo silisyada aan lahaa, waxaan ku faani jiray in aan ahaado qofka kowaad ee taga hoteelada Curubo iyo Jubba saqda dhaxe ee habeenka inta an la daarin heesaha caweyska halkaas oo aan caan ka noqday”. Isagoo si kaftan ah ula hadlayey boqolaal qof oo ku sugnaa kulan-weyne diini ah oo si sannadle ah u qabato Ansaaru-suna ayuu xusay in habeenkaas loo yaqaanay “habeenka Nataalaha” balse waa ka gaabsadan inuu sharraxo wuxuu ahaa. "Gabar aan aroosyada iskala niikin jirnay ayaa iga soo hor baxday, gacanta ayey ii soo taagtay, waxaana ku iri weeso ayaa ii dhowran waxay ahayd nolol suuq gal ah, oo aad u xumayd " Diee ayuu isku bedelay Muddo dheer oo uu ka mid ahaa dhalinyaradii cawayska heesaha iyo qoob ka ciyaarka caan ku ahayd ka dib wuxuu xusay in isbadalka nololeed ay ku dhiiri galiyeen  dhalinyaro ay saaxiib ahaayeen oo ku dhiri galiyey inuu u raaco masaajidka Shiikh Cali Suufi ee Muqdisho xili lagu jiray bishii Ramadaan taasna ay sahashay inuu si fudud uga baxo noloshiisii hore ciyaal biibka. wuxuu tilmaamay in yar ka dib uu ku xirmay masaajidka oo uu jaray ama gooyey dhalinyaradii hore ee ay iskala ciyaari jireen hotelada iyo aroosyada. Doorkii uu ku lahaa Aasaaska Iskuullada Islaamiga ah ee KenyaSheekhu wuxuu bilowgii sagaashameeyadii bilaabay inuu furo Madarasada Khadiija ee Quraanka lagu barto oo caan ka ah Kenya, laguna tilmaamo inay hormuud u ahayd kuwa kale oo laga furay xaafadda Islii oo ah degeenka Somaalidu ugu badan tahay Magaalada Nairobi. Wuxuu kale oo lahaa asaaskooda Iskuulada Islaamiga ah ee Ansaaru-Suna Trust oo hadda ka mida kuwa ugu balaaran ee ka jira Kenya. Ninkii yaraantiisa ahaa ciyaal biibka hadda waa caalim diinta islaamka oo caan ka ah dhulka soomaalida, isagoo ka qayb gala kulamada waaweyn ee diiniga ee ka dhaca Soomaaliya iyo qurbaha. Dhanka kale, wuxuu hadda sheegay inuu dhalinyarada ku sugan xaaladihii uu ku sugnaa afartan sano ka hor uga digo khataraha ku gadaaman noloshooda dhalinyarnimada, suurgalnimada is dabaqabashadana ay tahay mid u furan xili kasta oo ay ka bixi karaan. Sheekh Jiir waa nin ku dhex jira dhallinyarada oo aan ku ekayn inuu la hadlo oo kaliya, balse duruuftooda hoose la socda, kubbaddana la cayaara. "Waxaan bilaabay inaan xifdiyo quraanka waxayna igu qaadatay Sodon sano inaan dusha ka qaybo Quraanka" ayuu intaas raaciyey sheekh Jiir.  Support the show

kenya sheikhs caan ramadaan soomaaliya muqdisho
Muqdisho Podcast
MW XASAN BOOQDAY SUUQYADA MUQDISHO

Muqdisho Podcast

Play Episode Listen Later Feb 13, 2024 8:31


Support the show

muqdisho
Muqdisho Podcast
MACALIN SCHOOL AYAA LAGU DILAY MUQDISHO WADAJIR.

Muqdisho Podcast

Play Episode Listen Later Feb 12, 2024 3:10


Support the show

school lagu muqdisho
Gorfeyn Podcast
Gorfeyn Podcast – Wargeysyadda Muqdisho - Abdirahman Diimow

Gorfeyn Podcast

Play Episode Listen Later Dec 4, 2023 32:42


Gorfeyn Podcast – Wargeysyadda Muqdisho  - Abdirahman Diimow oo in ka badan 30 sano wargeysyada ku wareejinayay wadooyinka Muqdisho.See omnystudio.com/listener for privacy information.

abdirahman muqdisho
Ladnaan Podcast
# 52: Aragtida caruurta laga qabo iyo saameynta - wareeysi Dr. Faadumo M.

Ladnaan Podcast

Play Episode Play 30 sec Highlight Listen Later Nov 15, 2023 62:49


Waxaan xalqadan xiisaha leh idinkugu soo gudbineynaa wareysi aan la yeelanay Dr. Faadumo Mohamud Mohamed aragtida caruurta ay bulshada ka qabto iyo saameynta ay ku yeelaneyso tarbiyada iyo tacliintaba. Dr. Faadumo waxeey xanaanad ka furtay magaalada Muqdisho taasoo ula jeedadeeda tahay in lasoo saaro fac naxariis iyo jaceyl wax lagu baray iyo ineey u arkaan waxbarasha mid socota oo aan dhamaaneyn. Bal nala dhageysta xalqadan xiisaha leh. Nala soo wadaaga ra'yigiina, idinkoo Instagram keena @LADNAAN_PODCAST  noogu soo diraya. La wadaaga walaalihiina Ladnaan podcast. Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye  Logo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar   Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: ladnaanpodcast@gmail.com waxaad kaloo nagala socon kartaan Instagramkeena: @LADNAAN_PODCAST  

bal laga waa muqdisho
Muqdisho Podcast
Buundo laga dhisay maagalada Muqdisho, Tahriibayaal dalka dib loogu soo celiyay

Muqdisho Podcast

Play Episode Listen Later Oct 25, 2023 22:40


 Buundo laga dhisay maagalada muqdishu Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaaale ayaa xarriga ka jaray buundo loogu tala galay fududeynta isu socodka bulshada guud ahaan iyo gaarhaan ardayda iskoolada degmada waaberi. Buundadan wax dhisay  Shirakada  a Alburuuj waxaana  dhaqalaha badan ku bixiye  shirkada hormuud  oo codsigeeyna  aqbashay Iskaashiga Ururada Bulshada Rayidka iyo Hay'adaha Dowladda.Shirakan  oo labomaalin  ka so day hotel jasiro ayaa looga Hadley  doorka  wadashqeyn  hayadaha  dowlada  iyo hayadaha bulshada oo kala ah ganacsiyada iyo NGO ya da ka holgalo  dalka waxan kasoo baxay baaq in lafuro wadiiqo ay ku wada xaririan bulshada rayidkai yo dowlada  Haweeynka  ku baaqay xabadjoojin deg deg ah gagalka ka socod degmad cadale Haweyn kulan ku yeeshey magaalada Muqdisho ayaa baaq nabadeed u direy beelaha ku dagaalamaya gobolka Shabeellaha Dhexe. Waxaan leenahay halajoojiyo colaada cadale. Waxaan idiinwadan fataxo gabdhaha abgaal. Waxaan maqalnay wax xun oo aan loo dulqadankarin. Guryaheyn kuma noqoneynmeyno ilaa aad nabad ka dhalisan. Dayactir iyo Dhimaha garoonka Diyaarada ee Xudur Maamulka dowlad gobeldka kofur galbeed oo bilabay dhismah iyo daycatirka garonkadiyaaradaha ee degmada  xudur caasiamda gobolka bakool  Wasiirka wasaarada duulista hwada iyo gadiidka dhulka  dowlad goboledka koofur galbeed Xasan Mudane cabdi nuur Xasan    ( Xasan aalbaro)   iyo Wsiirka wasaarada hoowlaha guud iyo guryeenta  cabdi cabdulahi  ( diktoor goo )  ayaa ka warbxiye dhismah garonka xudur  Dad tahriibayaal maxbiis ku ah dalka liibyo oo dalka dib loogu sooceliye Dowladda Federaalka Soomaaliya oo maanta Dalka Ku soo celisay 100 muwaadiniin oo laga soo daayay xabsiyada dalka Liibiya. Arintaan ayaa waxaa ka shqeey ergyaga arimah muhajiritna iyo caruruta iyo safirka Somalia u fadhiya dalka libaya. Qarkamid dadk dib loo soocleiye ayaa mujiye dareen wadniyed oo qiiro geliye dadka eraborka jogay. 52 xamar aya lakney 48 kalen Somali land iyo deganokale loo qaday.Support the show

dad ngo somalia somali laga muqdisho dalka wasiirka
Muqdisho Podcast
Meeydka Shiikh Ooyaaye oo Muqidshu Lagu Duugay iyp Qudbada Madaxweyne Dani uu ka Jediye Parlamka PL

Muqdisho Podcast

Play Episode Listen Later Oct 25, 2023 14:29


Shiikh ooyaaye oo aas weeyn loo sameye AUN Sheekh Maxamed Sheekh Ooyaaye oo kamid ahaa culimada Soomaaliyeed ayaa lagu aasay magaalada Muqdisho.  Aaska ayaa ka dhacay deeganka calada ee duleedka magalda muqdisho.  Aaska shiikha ayaa waxaa ka sooqeeybgaly kumanaan qofood oo ay kamid yahiin culmmaudiin, gancasto iyo siyaasiyiin. Madaxweynaha Puntland  Mudane Siciid Cabdulahi Dani ayaa Maanta furay kal-fadhiga 53-aad ee golaha Wakiillada dowlad gaobledka Puntland. Madaxweynaha ayaa qudbad dheer oo ka jadiiye shirka isga ka hadaly doorashoyinka Dowlada Hoose, iyo Doorasho qof iyo cod. Madaxweyne Siciid Cabdulahi dani ayaa dhaliilay dulanka kadhan Maamulka Qaatumo iyo Xadgudub ka dhan ah dasturka owood qeeybsiga iyo dorasahda. Support the show

lagu puntland soomaaliyeed muqdisho
SBS Somali - SBS Afomali
Agaasimihii Telefishinka Somalicable oo lagu aasay Muqdisho

SBS Somali - SBS Afomali

Play Episode Listen Later Oct 18, 2023 7:53


Allaha u naxariistee, agaasimaha ayaa ku dhintay qarax ka dhacay magaaladda Muqdisho.

lagu allaha muqdisho
Maamul Wanaag
Is-beddelka siyaasadeed ee Laascaanood

Maamul Wanaag

Play Episode Listen Later Oct 16, 2023 37:02


Is-beddel siyaasadeed ayaa ka dhacay magaalada Laascaanood ah caasimadda gobolka Sool. Tan iyo sanadkii 2007, Soomaaliland ayaa maamuleysay magaalada. Dibadbaxyo isku beddelay dagaal oo ka dhashay dilal ka dhacay magaalada ayaa billowday horraantii sanadkan. Muddo ayay magaalada ka jireen dagaallo iyo duqeymo ay dad badan ku dhinteen dad kalena ku dhaawacmeen sidoo kalena kumannaan qoys ku barakeceen. Dhawaan dagaal culus oo ka dhacay duleedka magaalada kadib waxaa gacan kuheynta gobolka Sool la wareegay ciidamada SSC Khaatumo. Hoggaamiyaha maamul cusub oo loo sameeyay SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) ayaa dhawaan yimid Muqdisho. Madaxa maamulka cusub oo si weyn loogusoo dhaweeyay Muqdisho ayaa la kulmay masuuliyiinta dowladda federaalka.Podcast-gan waxa ay Dr Cabdifataax Daahir iyo Mahad Waasuge ku falanqeynayaan is-beddelka siyaasadeed ee Laascaanood. Dr. Cabdifataax waa aqoonyahan horey usoo noqday xildhibaan katirsan baarlamaanka federaalka oo metelayay gobollada Soomaaliland. Waxa uu hadda cilmibaare ka yahay Jaamacadda Manchester. Contact Somali Public Agenda's Maamul Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host) · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!

Tubta Nabaada
Path to Peace (Episode 361): World Mental Health Day

Tubta Nabaada "Path to Peace"

Play Episode Listen Later Oct 6, 2023 16:49


[This show is produced in Somali only; English caption of the show context is down below] Todobaadkan #TubtaNabadda, waxaan kaga hadlaynaa xaaladda caafimaadka dhimirka ee Soomaaliya. Ka dib sannado badan oo xalaado colaadeed ah, falal argagixisanimo, shaqo la'aan iyo caqabado kale, caafimaadka dhimirka ayaa weli ah caqabad weyn oo dhanka caafimaadka ah oo weli ka jirta Soomaaliya. Sidoo kale waa qayb ka mid ah xaaladaha weli laga haysto fikrado kale ama aan si buuxda loo fahamsanayn ee dhanka caafimaadka ee Soomaaliya. Waxaa marti noogu ah Cabdullaahi Cabdiraxmaan oo ah Agaasimaha Fulinta ururka Hoggaanka Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo Dr. Idil Cawil Cilmi oo ku takhasustay caafimaadka dhimirka kana tirsan Xarunta Caafimaadka ee Daawa Ruux ee magaalada Muqdisho. Waxaan kala hadli doonaa siyaabaha kor loogu qaadi karo wacyiga iyo la dagaalanka fikradaha khaldan ee bulshada ee ku saabsan caafimaadka dhimirka. Barnaamijka waxa noo soo jeedinaya Cali Guutaale iyo Faa'iso Cabdi Warsame. Wac raadiyaha aad jeceshahay inta uu barnaamijku socdo maanta: Radio Mogadishu (2.30 p.m., 8.30 p.m.) Radio Kulmiye (2.30 p.m., 8.30 p.m.) Radio Baidoa (1.30 p.m., 9.00 p.m.) SBC Radio (1.20 p.m., 7.30 p.m.) Radio Garowe (2.30 p.m., 8.30 p.m.) Radio Cadaado (1.30 p.m., 8.30 p.m.) Radio Risala (2.30 p.m., 9.00 p.m.) Radio Dalsan (2.30 p.m., 8.30 p.m.) Radio Hiranweyn (1.15 p.m., 8.15 p.m.) Radio Galgaduud (2.30 p.m., 9.00 p.m.) Radio Kismaayo (2.30 p.m., 7.00 p.m.) Waamo Radio (8.00 p.m.) Isnaay Radio (7.00 p.m.) Sanguuni Radio (8.00 p.m. Axad) Beerlula Radio (8.30 p.m. Axad) Arlaadi Radio (8.00 p.m. Axad) Radio Daar-Dheer (8.30 p.m. Talaado) Radio Jowhar (2.00 p.m., 8.30 p.m.) Codka Caasimadda (2.00 p.m, 7.30 p.m) Waxaad sidoo kale ka helikartaa Podcast qaybtaan iyo qaybaha kaleba: iTunes: https://podcasts.apple.com/.../tubta-nabaada.../id1373615264 Stitcher: https://www.stitcher.com/show/tubta-nabaada-path-to-peace TuneIn: https://tunein.com/podcasts/Podcasts/Tubta-Nabaada-Path-to-Peace-p1120872/ -------- Si aad wax badan uga ogaato wararka iyo warbixinada Howlgalka Kaalmaynta QM ee Soomaaliya, booqo: Website: https://unsom.unmissions.org Twitter: https://twitter.com/UNSomalia Facebook: https://www.facebook.com/UNSOMALIA Flickr: https://www.flickr.com/photos/unsom/ SoundCloud: https://soundcloud.com/unsom-somalia/... Vimeo: https://www.vimeo.com/unsom ----- ----- This week on #TubtaNabadda, we discuss the situation of mental health in Somalia. Following years of conflict, terrorism, unemployment and other challenges, mental health continues to be a major health challenge in Somalia. It is also one of the least understood or most misunderstood areas of health in Somalia. Our guests are Abdullahi Abdirahman, the Executive Director of Somali Youth Leaders, and Dr. Idil Awil Elmi, a mental health specialist at the Dawa Ruux Health Center in Mogadishu. We'll discuss with them ways of raising awareness and fighting societal misconceptions around mental health. The programme is presented in Somali by Ali Gutale and Faiso Abdi Warsame. Call in your favourite radio station during the show today:

Muqdisho Podcast
Hogaamiyaha SSC KHATUMO Mudane Firdhiye ayaa lagu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho

Muqdisho Podcast

Play Episode Listen Later Oct 6, 2023 9:30


Support the show

lagu muqdisho
Tubta Nabaada
Path to Peace (Episode 356): Civic space in Somalia

Tubta Nabaada "Path to Peace"

Play Episode Listen Later Sep 1, 2023 15:11


[This show is produced in Somali only; English caption of the show context is down below] Todobaadkan #TubtaNabadda waxaan ku soo qaadaneynaa dood-cilmiyeedka bulshada rayidka ee dhowaan lagu qabtay Muqdisho oo uu soo qabanqaabiyay ururka Daryeelka Haweenka iyo Dhallaanka Soomaaliyeed ee SWCCA oo taageero ka helaya Qaramada Midoobay. Ka qeybgalayaasha dood-cilmiyeedkan oo ay ka mid ahaayen difaacayaasha xuquuqul insaanka, saxafiyiin, xildhibaanno iyo aqoonyahanno, waxa ay ka doodeen sidii loo ballaarin lahaa kaalinta Bulshada Rayidka ee Soomaaliya, iyadoo hadafku yahay in la dhiso kalsooni ka dhexeysa dowladda iyo shacabka. Qodobada la isla soo qaaday waxaa ka mid aha baahida loo qabo in kooxaha bulshada rayidka ay sii wadaan gudashadooda doorka muhiim oo lagu xaqiijinayo xaalad wanaagsan oo xuquuqul insaanka Soomaaliya. Barnaamijka waxaa soo jeedinaya Cali Guutaale iyo Fatxi Maxamed. Nala wadaag waxa aad ka fahansantahay xaalada bulshada rayidka ee Soomaaliya. Wac raadiyaha aad jeceshahay inta uu barnaamijku socda maanta: Radio Mogadishu (2.30 p.m., 8.30 p.m.) Radio Kulmiye (2.30 p.m., 8.30 p.m.) Radio Baidoa (1.30 p.m., 9.00 p.m.) SBC Radio (1.20 p.m., 7.30 p.m.) Radio Garowe (2.30 p.m., 8.30 p.m.) Radio Cadaado (1.30 p.m., 8.30 p.m.) Radio Risala (2.30 p.m., 9.00 p.m.) Radio Dalsan (2.30 p.m., 8.30 p.m.) Radio Hiranweyn (1.15 p.m., 8.15 p.m.) Radio Galgaduud (2.30 p.m., 9.00 p.m.) Radio Kismaayo (2.30 p.m., 7.00 p.m.) Waamo Radio (8.00 p.m.) Isnaay Radio (7.00 p.m.) Sanguuni Radio (8.00 p.m. Axad) Beerlula Radio (8.30 p.m. Axad) Arlaadi Radio (8.00 p.m. Axad) Radio Daar-Dheer (8.30 p.m. Talaado) Radio Jowhar (2.00 p.m., 8.30 p.m.) Codka Caasimadda (2.00 p.m, 7.30 p.m) Waxaad sidoo kale ka helikartaa Podcast qaybtaan iyo qaybaha kaleba: iTunes: https://podcasts.apple.com/.../tubta-nabaada.../id1373615264 Stitcher: https://www.stitcher.com/show/tubta-nabaada-path-to-peace TuneIn: https://tunein.com/podcasts/Podcasts/Tubta-Nabaada-Path-to-Peace-p1120872/ -------- Si aad wax badan uga ogaato wararka iyo warbixinada Howlgalka Kaalmaynta QM ee Soomaaliya, booqo: Website: https://unsom.unmissions.org Twitter: https://twitter.com/UNSomalia Facebook: https://www.facebook.com/UNSOMALIA Flickr: https://www.flickr.com/photos/unsom/ SoundCloud: https://soundcloud.com/unsom-somalia/... Vimeo: https://www.vimeo.com/unsom ----- ----- This week on #TubtaNabadda, we feature speakers from a civil society symposium, organised recently in Mogadishu by the Somali Women and Child Care Association (SWCCA), with UN support. The participants in the symposium – human rights defenders, journalists, parliamentarians and academics – discussed ways of expanding a pluralistic civic environment in Somalia with the goal of building trust between the state and citizens. Among the issues raised was the need for civil society groups to keep playing an important role in ensuring a better human rights situation in Somalia. The programme is presented in Somali by Ali Gutale and Fathi Mohamed. Share your understanding of civic space in Somalia. Call in your favourite radio station during the show today.

Somali Public Agenda
Kaalinta ururrada bulshada rayidka beelaha laga tirda badan yahay ee isku xirka barakacayaasha, haya'daha samafalka iyo dowlada

Somali Public Agenda

Play Episode Listen Later Aug 30, 2023 61:08


Gudaha Soomaaliya waxaa ku barakacay in ku dhaw 4 malyan muwaadiniin ah sababo la xiriira musiibooyinka dabiiciga ah, kuwa amni-darrada la xirriira iyo sababo la xiriira raadinta nolol iyo adeeg ka tayo wanaagsan midka ay heystaan. Tirada ugu badan ee barakacayaashaas ayaa ku sugan magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda. Sidoo kale, tiro badan oo barakacayaasha kamid ah ayaa la sheegaa in ay kasoo jeedaan beelaha laga tirada badan yahay, kuwaasoo dhibaatada barakaca ay u dheer tahay dhibaatooyinka bulshada ay kala kulmaan. Barakacayaasha kasoo jeeda beelaha laga tirada badan yahay ayaa culeysyo kala kulma helidda adeegyada asaasiga ah oo ay bixiyaan hay'adaha gargaarka iyo hay'adaha dowladda. Sidoo kale, dadkaasi waxa ay dhibaato kala kulmaan is-dhexgalka bulshada deegaannada ay kusoo barakaceen, gaar ahaan Muqdishu iyo hareeraheeda.  Mid kamid ah siyaabaha dhibaatooyinkaas loo xallin karo ayaa ah ururrada bulshada rayidka ah ee u dhaqdhaqaaqa beelaha laga tirada badan yahay in ay cayaraan kaalinta isku xirka baahiyaha dadkaas iyo hay'adaha gargaarka, kuwa dowladda iyo bulshada lagusoo barakacay. Podcast-gan waxaa lagu falanqeynayaa dhibaatooyinka ay kala kulmaan dadkaas barakacayaasha ah helidda adeegyada asaasiga ah, iyo kaalinta ay ka ciyaari karaan xal-u-helida arrimahaas ururrada bulshada rayidka ah ee u dooda beelaha laga tirada badan yahay. Waxaa marti ku ah Yusuf Cabdi Xasan oo ah agaasimaha hay'da Livelihood Relief and Development Organization (LRDO), oo ka mid ah haya'adaha bulshada rayidka ah ee u dooda beelaha laga tirada badan yahay. Podcast-gan waxaa iska kaashaday Somali Public Agenda, ReDSS (Regional Durable Solutions Secretariat), Danwadaag Consortium iyo USAID.Contact Somali Public Agenda's Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!

Maamul Wanaag
Hiigsiga Qarni-jirka Soomaaliya ee 2060

Maamul Wanaag

Play Episode Listen Later Aug 20, 2023 34:44


37 sano kadib, Soomaaliya waxaa u buuxsami doonto 100 sano oo dowladnimo ah. Dalka waxa uu xurnimo qaatay 63 sano kahor sanadkii 1960-kii. 30 sano oo ay dowlado rayid ah iyo mid militari dalka maamulayeen kadib, Soomaaliya waxa ay dowladdii ka burburtay sanadkii 1991. Dowladdii ugu horreysay ee aan kumeelgaar ahayn waxaa Muqdisho lagu dhisay sanadkii 2012. Waxaa madaxweyne ka noqday madaxweynaha hadda talada haya ee Xasan Sheekh Maxamuud.Madaxweynaha ayaa ku howlan Hiigsiga Qarni-jirka 2060. Waxaa hiigsigaas gacanta ku haya la-taliyaha Madaxweyneha ee arrimaha dhaqaalaha oo sido kale ah Agaasimaha Fulinta ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka Xasan Aadan Hoosoow.Qeybtan 30-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Xasan Aadan Xoosoow iyo Mahad Waasuge waxa ay ku falanqeynayaan hiigsiga qarni-jirka Soomaaliya ee 2060.Contact Somali Public Agenda's Maamul Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host) · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!

spa jirka soomaaliya muqdisho dalka
Somali Public Agenda
Kaltanka Bajaajyada ee A & B

Somali Public Agenda

Play Episode Listen Later Jul 26, 2023 28:17


Magaalda Muqdisho oo kasoo kabaneysa burburkii dagaallada, ayaa waxaa sanadihii ugu dambeeyay ka muuqday isbdello dhanka dhismeyaasha waddooyinka, guryaha iyo gaadiidka. Isbedelladaasi waxaa barbar socday culeysyo kala duwan oo isu-socodka dadka iyo gaadiidka la xiriira. Hadaba si loo xakmeeyo culeysyada kala duwan ee isu-socodka dadka iyo gaadiidka la xiriira, maamulka gobolka Benadir ayaa soo saaray go'aan mooto bajaajta magaalda ka shaqeysa loogu qeybiyay labada qayb ee A iyo B. Go'aankaasi inta uu hirgalay waxaa kasoo wareegatay muddo ku dhaw bilood. Podcast-gan waxaa lagu  falanqeynayaa go'aanka maamulka gobolka uu mooto bajaajta magaalda ka shaqeysa ugu qeybiyay A iyo B, iyo waxyaabihii ka dhashay, qorshyaasha xiga iyo guud ahaan culeysyada ku xeeran isu-socodka dadka iyo gaadiidka ee magaalada Muqdisho. Waxaa marti ku ah Cabdirashid Ibrahim Maxamed, oo ah Agaasimaha Guud ee Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Benadir, ahna Guddomiyaha Guddiga Dib-u-dhiska iyo Horumarinta Caasimadda.Contact Somali Public Agenda's Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!

spa muqdisho
SBS Somali - SBS Afomali
Muqdisho oo lagu furay xarun daawooyinka lagu kaydiyo

SBS Somali - SBS Afomali

Play Episode Listen Later Jul 19, 2023 10:16


Wararka maanta iyo Soomaaliya

lagu furay soomaaliya muqdisho
SBS Somali - SBS Afomali
Maxaa ka soo baxay kulanka wadatashiga?

SBS Somali - SBS Afomali

Play Episode Listen Later Jul 14, 2023 9:20


Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay kulan wadatashi ah oo ay ka soo qayb galeen madaxdii hore ee dalka iyo kuwa hadda talada haya.

maxaa muqdisho
SBS Somali - SBS Afomali
Booqashada Guterres ee Muqdisho

SBS Somali - SBS Afomali

Play Episode Listen Later Apr 12, 2023 9:33


Xoghayaha Guud ee QM Antonio Guterres ayaa Muqdisho booqday halkaasna kula kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

guterres muqdisho
Somali Public Agenda
Helitaanka Warqadaha Aqoonsiga ee Dowladda

Somali Public Agenda

Play Episode Listen Later Mar 9, 2023 26:27


Adeegyada ugu muhiimsan oo ay dowladuhu bixiyaan waxaa kamid ah in muwaadiniinta la siiyo dukumintiyada aqoonsiga dowladeed sida baasaboorrada, shahaadooyinka dhalashada, shatiga wadista baabuurta, iyo shahaadooyinka caddeynta dambi la'aanta. Aqoonsiyada dukumintiyada dowladeed ee Muqdisho laga bixiyo ayaa waaa bixiya hay'ado dowladeed iyo waaxyo hoos yimaada wasaaradaha amniga, gaadiidka, iyo sidoo kale dowladda hoose ee Muqdisho.Dadweynaha ku nool magaalada ayaa culeysyo kala duwan kala kulma helidda waraaqaha aqoonsiga oo ay dowladdu bixiso. Dhibaatooyinkaas waxa ay si gaar ah ugala kulmaan xafiisyada dowladda ee bixiya adeegyadan. Podcast-gan, Aweys Axmed iyo Maxamed Aadam ayaa ku falanqeynaya faallo ay dhawaan daabacday Somali Public Agenda oo ka hadleysay culeysyada lagu qabo helitaanka waraaqaha aqoonsiga ee dowladda.Contact Somali Public Agenda's Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!

Somali Public Agenda
Sababa iyo Xalka Culeysyada Isu-socodka Dadka iyo Gaadiidka Muqdisho

Somali Public Agenda

Play Episode Listen Later Mar 4, 2023 31:50


Magaalda Muqdisho waxaa sanadihii dambe ka muuqday isbedello dhanka dhismeyaasha waddooyinka, guryaha, gaadiidka, maalgashiga ganacisga, iyo adeegyada kale ee dadweynaha. Hase ahaatee, isbedelladaasi waxaa barbar socday culeysyo kala duwan oo isu-socodka dadka iyo gaadiidka la xiriira, kuwaasoo ay dadweynaha magaaladu la kulmaan. Dadweynaha magaalada ayaa dhibaato kala kulma in ay goobo isku dhaw oo gudaha magaalada ah isaga kala gudbaan. Somali Public Agenda (SPA) ayaa daabacday faallo falanqeyneysa caqabadaha ku xeeran isu-socodka dadka iyo gaadiidka ee magaalada Muqdisho iyo saameynta ka dhalan karta. Podcast-gan waxa Maxamed Aadan, oo ah qoraaga faallada iyo sidoo kale maamulaha doodaha iyo cilmibaare katirsan Somali Public agenda, iyo Abdishakur Cawil, oo ah cilmibaare arrimaha qorsheynta iyo maareynta dhulalka iyo magaalooyinka, ay ku falanqeynayaan culeysyada ku xeeran isu-socodka dadka iyo gaadiidka ee magaalada Muqdisho, saameynta ka dhalan karta iyo xalka.Contact Somali Public Agenda's Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!

SBS Somali - SBS Afomali
Waa sidee amaanka Caasimaddu?

SBS Somali - SBS Afomali

Play Episode Listen Later Mar 1, 2023 11:44


Waxaa caasimadda Muqdisho ku soo badanaya dilal iyadoo hay'adaha amaanka lagu dhaliilay inaysan waxba ka qaban amni darada ka jirta magaalada.

muqdisho
SBS Somali - SBS Afomali
Baroordiiq Muqdisho loogu sameeyey dadkii ku dhintay dhulgariirkii Turkiga iyo Syria

SBS Somali - SBS Afomali

Play Episode Listen Later Feb 10, 2023 6:40


Maamulka Gobalka Banaadir ayaa baroor diiq ugu sameeyey Magaalada Muqdisho dadkii ku geeriyooday dhulgariirkii Turkiga iyo Suuriya

syria muqdisho
Tubta Nabaada
Path to Peace (Episode 327): International Day of Women and Girls in Science

Tubta Nabaada "Path to Peace"

Play Episode Listen Later Feb 10, 2023 15:45


[This show is produced in Somali only; English caption of the show context is down below] Todobaadkaan #TubtaNabadda, waxaan ku bidhaamineynaa haweenka Soomaaliyeed ee ku lug leh cilmiga Sayniska iyio doorkooda ku aadan mustaqbalka dalka, iyadoo dunida ay u dabaaldageyso maalinta caalamiga ah ee haweenka iyo gabdhaha Sayniska. Wareysiga koowaad waxaan la yeelaneynaa Dr. Sacdiyo Cabdiraxmaan, bare cilmiga caafimaadka ee jaamacada Plasma ee magaalada Muqdisho, oo ka hadli doonta qiimaha waxbarashada sayniska ee haweenka iyo gabdhaha Soomaaliyeed laamaha cilmiga sayniska bartay iyo waxa loo baahan yahay in la sameeyo si gabdho badan loogu dhiirigaliyo in ay sii wadaan waxbarashadooda heerka sare. Waxaan sidoo kale wareysanay Sihaam Dhaqane, arday wax ka barta jaamacadda Zamzam, oo ka sheekeyneysaa go'aankeeda barashada shaybaarka caafimaadka iyo guulaheeda shaqis ee ay gaartay. Sihaam ayaa la wadaageysa dhageystayaasha waxa ay tahay in ay sameeyaan maamulka, odayaasha dhaqanka iyo waalidiinta Soomaaliyeed si ay u taageeraan in gabdho badan ay bartaan cilmiga sayniska. Barnaamijka waxaa daadihinaaya Cali Guutaale iyo Fatxi Max'ed Nala wadaag aragtidaada ku aadan haweenka iyo gabdhaha Soomaaliyeed ee cilmiga sayniska bartay iyo doorkooda ku aadan bulshada. Wac idaacadda aad ugu jeceshahay inta lagu guda jiro xilliyada hoos ku xusan maanta. Radio Mogadishu (2.30 p.m., 8.30 p.m.) Radio Kulmiye (2.30 p.m., 8.30 p.m.) Radio Baidoa (1.30 p.m., 9.00 p.m.) SBC Radio (1.20 p.m., 7.30 p.m.) Radio Garowe (2.30 p.m., 8.30 p.m.) Radio Cadaado (1.30 p.m., 8.30 p.m.) Radio Risala (2.30 p.m., 9.00 p.m.) Radio Dalsan (2.30 p.m., 8.30 p.m.) Radio Hiranweyn (1.15 p.m., 8.15 p.m.) Radio Galgaduud (2.30 p.m., 9.00 p.m.) Radio Kismaayo (2.30 p.m., 7.00 p.m.) Waamo Radio (8.00 p.m.) Isnaay Radio (7.00 p.m.) Sanguuni Radio (8.00 p.m. Axad) Beerlula Radio (8.30 p.m. Axad) Arlaadi Radio (8.00 p.m. Axad) Radio Daar-Dheer (8.30 p.m. Talaado) Waxaad sidoo kale ka helikartaa Podcast qaybtaan iyo qaybaha kaleba: iTunes: https://podcasts.apple.com/.../tubta-nabaada.../id1373615264 Stitcher: https://www.stitcher.com/show/tubta-nabaada-path-to-peace TuneIn: https://tunein.com/podcasts/Podcasts/Tubta-Nabaada-Path-to-Peace-p1120872/ ---------------------- Si aad wax badan uga ogaato wararka iyo warbixinada Howlgalka Kaalmaynta QM ee Soomaaliya, booqo: Website: https://unsom.unmissions.org Twitter: https://twitter.com/UNSomalia Facebook: https://www.facebook.com/UNSOMALIA Flickr: https://www.flickr.com/photos/unsom/ SoundCloud: https://soundcloud.com/unsom-somalia/... Vimeo: https://www.vimeo.com/unsom ----------------------- ----------------------- This week on #TubtaNabadda, we shine a spotlight on Somali women scientists and their role in the future of the country as the world celebrates the International Day of Women and Girls in Science. In the first part of the programme, Dr. Sadia Abdirahman, a lecturer at Plasma University, talks about the value of studying science, about Somali women and girls in the science field and what needs to be done to inspire more Somali girls to continue higher education. We also interview Siham Dhaqane, a student at Zamzam University, about her decision to study medical analysis and her personal achievements in this field. Ms. Dhaqane shares with the listeners what she would like the authorities, elders and parents in Somalia to do in support of more girls studying science. The programme is presented in Somali by Ali Gutale and Fathi Mohamed. Share your opinion about Somali women and girls in science and their role in the communities. Call in your favourite radio station during the show today.

Somali Public Agenda
Sare-u-kaca Kirada Guryaha Muqdisho

Somali Public Agenda

Play Episode Listen Later Feb 8, 2023 31:08


Magaalada Muqdisho ayaa aheyd magaalada ugu dadka badan Soomaaliya tan iyo markii magaaleynta xowliga ah uu ka bilowday sanadkii 1960-kii. Dagaalladii kala duwanaa ee tan iyo 1990-kii dhacayay iyo barakacii ka dhashay kadib, dad badan ayaa magaalada kusoo laabtay, oo ay ku jiraan qaar ka yimid dalalka dibadda, kadib markii ay al-Shabaab ka baxeen magaaladd sanadkii 2011.  Kusoo laabashada dadkii hore uga barakacay magaalada iyo kuwa cusub ee kusoo biiray waxaa ka dhashay in qiimaha dhulka iyo kirada guryaha uu sare-u-kac ku yimaado. Dhanka kale, dhaqaalaha dalka oo liita iyo dakhliga soo gala bulshada oo yar awgood, waxaa adag in qoysas badan ay guryo yeeshaan ama ay noqdaan dad si rasmi ah ugu negaada meelaha ay daggan yihiin. Somali Public Agenda ayaa daabacday faallo ku saabsan sare-u-kaca kirada guryaha Muqdisho. Podcast-ga arrimahaas ayaa lagu falanqeynayaa. Waxaa marti ku ah qoraaga faallada Maxamed Aadan oo ka tirsan Somali Public Agenda iyo Xasan Cabdi Xasan, oo ah cilmibaare arrimahan u dhuundaloola.   Contact Somali Public Agenda's Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!

spa mogadishu sare shabaab soomaaliya muqdisho
SBS Somali - SBS Afomali
Soomaaliya oo Muqdisho ku marti galisay shirka Dalalka Safka Hore.

SBS Somali - SBS Afomali

Play Episode Listen Later Feb 1, 2023 6:32


Soomaaliya aa Muqdisho ku qabatay shirka Dalalka Safka Hore, oo laba maalmood qaadanaya (31 Jan - 01 Feb) ayaa diirada lagu saaray sidii si wada jira looga hawlgali lahaa la dagaalanka argagixisada iyo mawaadiic kale.

hore safka soomaaliya muqdisho
SBS Somali - SBS Afomali
Cabdullahi Khadar oo ka faaloonaya shirkii culimaa'udiinka Soaliyeed ee Muqdisho ka dhacay.

SBS Somali - SBS Afomali

Play Episode Listen Later Jan 31, 2023 12:57


Shirka Culimada Diinta Islaamka ayaa dhawr maalmood ka socday Muqdisho, soona gabagaboobay. C/laahi Khadar oo ka mid ah aqoonyahanka qurba joogta ah ee lagu marti qaaday shirka ayaa Laanta Afsoomaaliga ee Idaacada SBS ay ka waraysatay shirka iyo waxa uu daaranaa iyo natiijooyinka laga filayo inay kasoo baxaan go'aamadii lagu heshiiyey. Kaga bogo wax badan oo shirka ku saabsan waraysigan.

kaga muqdisho
SBS Somali - SBS Afomali
Hawlgal amaan sugid oo Muqdisho ka bilowday.

SBS Somali - SBS Afomali

Play Episode Listen Later Jan 26, 2023 5:35


Qaar ka mida degmooyinka Gobalka Banaadir ayaa waxaa ka biloowday hawlgal amaanka lagu sugayo.

amaan muqdisho
Somali Public Agenda
Shaqaaleysiinta Dhallinyarada: Tayo-yarida Tacliinta Sare Miyaa Ka Qeyb Qaadanayso Shaqo La'aanta Dhallinyarada Muqdisho?

Somali Public Agenda

Play Episode Listen Later Jan 21, 2023 27:30


Soomaaliya oo leh mid kamid ah shucuubta ugu da'da yar adduunka ayaa haddana kala bar dhalinyarada ay da'doodu ka yar tahay 30-ka sano ay yihiin kuwo shaqo la'aan ah, kadib marka ay tacliinta sare dhammeystaan. Dhinaca kale, dalka waxa uu kasoo kabanayaa dagaallo sokeeye oo daba dheeraaday oo saameeyay tayada tacliinta sare.Dowladda federaalka Soomaaliya waxa ay si kumeelgaar ah u dhistay Guddiga Qaran ee Tacliinta Sare sanadkii 2019 si loo hagaajiyo tayada tacliinta sare. Hase ahaatee, guddigan ayaa weli ah mid aanay shaqadiisu miradhal ahayn marka loo eego heerka tayada tacliinta sare ee dalka ee hoos usii socota, halka heerka shaqo la'aanta dhallinyaradu ay sii kordheyso maalinba maalinta ka dambeysa. Podcast-gan oo ay marti ku yihiin  Maxamed Aadan, oo ah isku-duwaha doodaha iyo cilmibaare katirsan Somali Public agenda, iyo Farxaan Isaaq Yuusuf, oo ah agaasime ku xigeenka Somali Public Agenda waxaa lagu falanqeynayaa xiriirka ka dhexeeya  shaqo laáanta baahsan ee dhalinyarada tacliinta sare dhameysatay iyo tayada waxbarashada ay bixiyaan hay'adaha tacliinta sare ee Muqdisho.  Contact Somali Public Agenda's Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!

SBS Somali - SBS Afomali
Dibad bax looga soo horjeedo Alshabaab oo Muqdisho lagu qabtay.

SBS Somali - SBS Afomali

Play Episode Listen Later Jan 13, 2023 8:50


Dibad bax ka dhacay magaalada Muqdisho aayaa looga soo horjeeday Alshabaab. Madaxweynaha Soomaliya ayaa ka hadlay, isagoo dadweynihii isugu soo baxay lahadlay.

lagu muqdisho
SBS Somali - SBS Afomali
Shirka istratijiyada Gobalka Banadir

SBS Somali - SBS Afomali

Play Episode Listen Later Jan 11, 2023 5:13


Shirka istratiijiyada Gobalka Banaadir oo 3 bari Muqdisho ka soconaya.

muqdisho
Tubta Nabaada
Tubta Nabadda (Qaybta 321): Maalinta Caalamiga ah ee far-qorista dadka aragga la'

Tubta Nabaada "Path to Peace"

Play Episode Listen Later Dec 30, 2022 16:34


[This show is produced in Somali only; English caption of the show context is down below] Todobaadkaan #TubtaNabadda, martideena Xaawa Jaamaca guddoomiye ku xigeenka hay'adda qaranka ee dadka naafada ah iyo Cabdifitaax Kalgacan, wariye ka tirsan Idaacadda Goobjoog oo Muqdisho ka howlgala, ayaa ka sheekeynaya caqabadaha ay wajahaan dadka aragga la' ee Soomaaliya ayadoo loo dabaaldagayo xuska maalinta caalamiga ah ee far-qorsita dadka aragga leh. Braille waa hab qoraaleed calaamada alfabeeto ah ama xisaabeed loo isticmaalo lixdan iyo sadax dhibic oo mid walba ay u taagan tahay xaraf iyo tiro iyo xataa calaamado musik, xisaabeed iyo synis. Braille waxaa isticmaalo dadka arag la' iyo dadka argoodu liito. Barnaamijkaan Xaawa Jaamac, ayaa nala wadaageysa nolosheedii caruurnimada iyo dhibaatooyinkii ay wajahdo marka au adeeg ka doonaneyso xarumaha dadweynaha. Martida labaad ee barnaamijka waa Kalgacal oo ka hadlaya sida ay dadka aragga la' u heli karaan waxbarashada iyo Appska ay isticmaalaam bangiya. Nala wadaag waaya aragnimadaada taageerada dadka aragga la' ee qoyskiina ama bulshadiina. Wac idaacadda aad ugu jeceshahay wakhtiyadaan maanta. Radio Mogadishu (2.30 p.m., 8.30 p.m.) Radio Kulmiye (2.30 p.m., 8.30 p.m.) Radio Baidoa (1.30 p.m., 9.00 p.m.) SBC Radio (1.20 p.m., 7.30 p.m.) Radio Garowe (2.30 p.m., 8.30 p.m.) Radio Cadaado (1.30 p.m., 8.30 p.m.) Radio Risala (2.30 p.m., 9.00 p.m.) Radio Dalsan (2.30 p.m., 8.30 p.m.) Radio Hiranweyn (1.15 p.m., 8.15 p.m.) Radio Galgaduud (2.30 p.m., 9.00 p.m.) Radio Kismaayo (2.30 p.m., 7.00 p.m.) Waamo Radio (8.00 p.m.) Isnaay Radio (7.00 p.m.) Sanguuni Radio (8.00 p.m. Axad) Beerlula Radio (8.30 p.m. Axad) Arlaadi Radio (8.00 p.m. Axad) Radio Daar-Dheer (8.30 p.m. Talaado) Waxaad sidoo kale ka helikartaa Podcast qaybtaan iyo qaybaha kaleba: iTunes: https://podcasts.apple.com/.../tubta-nabaada.../id1373615264 Stitcher: https://www.stitcher.com/show/tubta-nabaada-path-to-peace TuneIn: https://tunein.com/podcasts/Podcasts/Tubta-Nabaada-Path-to-Peace-p1120872/ ---------------------- Si aad wax badan uga ogaato wararka iyo warbixinada Howlgalka Kaalmaynta QM ee Soomaaliya, booqo: Website: https://unsom.unmissions.org Twitter: https://twitter.com/UNSomalia Facebook: https://www.facebook.com/UNSOMALIA Flickr: https://www.flickr.com/photos/unsom/ SoundCloud: https://soundcloud.com/unsom-somalia/... Vimeo: https://www.vimeo.com/unsom ----------------------- ----------------------- This week on #TubtaNabadda, our guests are Hawa Jama, Deputy Chair of the National Disability Agency and Abdifith Kalgacal, a radio journalist in Mogadishu, talk about life and challenges faced by the visually impaired in Somalia ahead of World Braille Day. Braille is a tactile representation of alphabetic and numerical symbols using six dots to represent each letter and number, and even musical, mathematical and scientific symbols. Braille is used by blind and partially sighted people to read the same books and periodicals as those printed in a visual font. In the programme, Ms. Jama, shares her early life experiences as a blind person and the difficulties she encountered while accessing public services. Our second guest, Mr. Kalgacal, talks about access for the visually impaired to education and digital applications, such as those used by banks. The programme is presented in Somali by Ali Gutale and Faiza Abdi. Share your experience with supporting the visually impaired in your families and communities. Call in your favourite radio station during the show today:

Somali Public Agenda
Daadejinta adeegga waxbarashada ee gobolka Benaadir iyo muranka ka taagan

Somali Public Agenda

Play Episode Listen Later Dec 20, 2022 27:38


Somaaliya waxa ay qaadatay nidaam federaal ah, kaasoo hirgelintiisu ay si muuqata u socotay tan iyo sanadkii 2013. Hase ahaatee, gobolka Benadir oo aan maqaamkiisa weli la cadeynin ayaa adeegyada dadweynaha waxaa bixinayay wasaarado kala duwan oo heer federaal ah.  Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee dowladda federaalka ayaa billowday in ay adeegga waxbarashada ee gobolka Benadir u daadejiso Maamulka Gobolka Banaadir kadib is-afgarad labada dhinac ay ku kala saxiixdeen Muqdisho.  Guulo kooban ayaa laga gaaray u daadejinta maareynta waxbarashada ee maamulka gobolka Banaadir. Hase ahaatee, hirgelinta Is-afgaradka ayaanan si habsami leh u socon. Waxaa hareeyay dhibaatooyin inta badan ka yimid kharashaadka dugsiyada dowladda iyo maamulkooda. Khilaafka ayaa weli taagan iyadoo aan la xalin, inkastoo dhinacyadu ay sameeyeen dadaallo aan lagu guuleysan in lagusoo afjaro khilaafka.Somali Public Agenda ayaa dhawaan faallo qoto-dheer oo ku saabsan arrinkan daabacday. Waxa podcast-gan ay Farxaan Isxaaq Yuusuf oo ah agaasime ku xigeenka Somali Public Agenda iyo qoraaga faallada iyo Aweys Axmed ku falanqeynayaan nuxurka faallada. 

SBS Somali - SBS Afomali
Shir arimaha cafimaadka oo Muqdisho lagu qabtay.

SBS Somali - SBS Afomali

Play Episode Listen Later Dec 14, 2022 7:03


Shir arimaha caafimaadka looga hadlayey oo uu Ra'iisul Wasaare Xamse A Barre ka qaybgalay ayaa Muqdisho ka dhacay.

ra lagu muqdisho
Maamul Wanaag
Xulashooyinka lagu xallin karo maqaamka Muqdisho

Maamul Wanaag

Play Episode Listen Later Dec 10, 2022 57:31


Dastuurka Federaalka ee Soomaaliya waxa si kumeelgaar ah loo ansixiyey 10 sano kahor 1-dii Ogosto 2012. Sanadihii u dhexeeyay 2013 ilaa 2016, ilaa 4 dowlad-goboleed ayaa la dhisay balse maqaamka caasimadda weli lama caddeynin.Qodobka 9-aad ee dastuurka ayaa sheegaya in arrinta maqaamka caasimadda lagu xallin doono xeer baarlamaan, balse 10 sano kadib, baarlamaanka horumar weyn kama sameynin arrinkan. Maqaamka Muqdisho waxa ay kamid tahay arrimaha taagan oo dib u dhigaya qabya-tirka dastuurka iyo dhameystirka qaab-dhismeedka federaalka.Dhawaan Somali Dialogue Platform iyo Somali Public Agenda waxa ay wada daabaceen faallo qoto-dheer ee uu cinwaankeedu yahay ‘Xulashooyinka lagu xallin karo maqaamka Muqdisho'. Faallada waxa ay soo bandhigtay saddex xulasho oo midkood lagu xalin karo maqaamka Muqdisho. Podcast-gan oo aan iska kaashaneyno Somali Dialogue Platform waxaa lagu falanqeynayaa  nuxurka warbixinta iyo qaababka kala duwan ee loo qeexi karo maqaamka caasimadda. Waxaa marti ku ah Cismaan Muxudiin Macallin (Shaatax) oo madax u ah dallada ururrada bulshada rayidka ee SONSA iyo Iimaan Nuur Iikar oo horey usoo noqday guddoomiye kuxigeenka gobolka Benaadir. Contact Somali Public Agenda's Maamul Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host) · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!

Muqdisho Podcast
Amniga Magaalada Muqdisho.

Muqdisho Podcast

Play Episode Listen Later Nov 18, 2022 11:43


Dhagaystayaal kusoo dhowaada Muqdisho podcast, Caawa waxan halkan uga hadlayna maxay tahay sababta Magaalada Muqdisho nabad u noqon la'adahay, Barnaamij ka waxa igala qayb qaadanaya saxiibkay DALMAR, Support the show

muqdisho
Somali Public Agenda
Soo If-baxa Dhallinyarada Ciyaal Weerada ee Muqdisho: Sababaha iyo Xalka

Somali Public Agenda

Play Episode Listen Later Nov 17, 2022 33:41


Sanadka 2021, waxaa gobolka Benadir kasoo if-baxay kooxo dhallinyaro ah oo loogu magac daray Ciyaal Weero. Kooxahan ayaa si gaar ah uga howlgala degmooyinka ku yaalla daafaha magaalada Muqdisho. Ciyaal Weero waxa ay ku hubeysan yihiin hubka fudud, sida mindiyo, baangado, toorey, ulo iyo mararka qaarkood bastoolado iyo qoryaha darandooriga u dhaca. Soo if-baxa dhallinyaradan ayaa saameyn ku yeelatay shacabka Muqdisho, gaar ahaan amaanka oo ah adeegga ugu muhiimsan ee asaasiga ah ee ay dowladu siiso dadweynaha. Podcast-gan waxa ay Aweys Axmed iyo Maxamed Aadan ku falanqeynayaan sababaha keenay soo if-baxa Ciyaal Weero, saameynta ay ku yeesheen dadweynaha gobolka Benadir,  iyo tallaabooyinka ay tahay in la qaado si xal loogu helo Ciyaal Weero. 

Tubta Nabaada
Path to Peace (Episode 314): Democratic rights and #DirectElectionsInSomalia

Tubta Nabaada "Path to Peace"

Play Episode Listen Later Nov 11, 2022 15:49


[This show is produced in Somali only; English caption of the show context is down below] Todobaadkaan #TubtaNabadda, waxaan ku soo qaadaneynaa cododka wakiilada odayaasha dhaqanka, haweenka, dhalinyarada, dadka la sheego in laga tirada badan yahay iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee Muqdisho, Kismaayo, Baydhaba iyo Garowe oo qayb ka ahaa doodo ku saabsan doorashada tooska ah, si dadka ay u isticmaalaan xuquuqdooda dimuquraadiyadeed. Wakiiladaan waxa ay wadageen aragtidooda ku saabsan waxa ay uga dhigan tahay in qof walba oo Soomaaliyeed uu codkiisa dhiibto iyo waxa ay uga dhigan tahay iyaga gaar ahaan in ay gacan ka geystaan dhismaha baarlamaanka, dowladda iyo ugu dambeyn mustaqbalka dalka. Maanta waxaan idiin soo gudbineynaa codod qayb ka ahaa doodahaas. Barnaamijka waxaa daadihinaayo Cali Guutaale iyo Fatxi Max'ed. Nala wadaag aragtidaada ku aadan waxa ay kaaga dhigan tahay in aad awoodid dhismaha mustaqbalka dalka, iyadoo la marayo doorasho toos ah. Fadlan soo wac idaacadda aad ugu jeceshahay xilliyada barnaamijka la baahinayo ee hoos ku xusan: Radio Mogadishu (2.30 p.m., 8.30 p.m.) Radio Kulmiye (2.30 p.m., 8.30 p.m.) Radio Baidoa (1.30 p.m., 9.00 p.m.) SBC Radio (1.20 p.m., 7.30 p.m.) Radio Garowe (2.30 p.m., 8.30 p.m.) Radio Cadaado (1.30 p.m., 8.30 p.m.) Radio Risala (2.30 p.m., 9.00 p.m.) Radio Dalsan (2.30 p.m., 8.30 p.m.) Radio Hiranweyn (1.15 p.m., 8.15 p.m.) Radio Galgaduud (2.30 p.m., 9.00 p.m.) Radio Kismaayo (2.30 p.m., 7.00 p.m.) Sanguuni Radio (9.00 a.m.) Waamo Radio (9.00 a.m.) Isnaay Radio (9.00 a.m.) Beerlula Radio (9.00 a.m.) Arlaadi Radio (Arbaco 9.00 a.m.) Radio Daar-Dheer (9.00 a.m.) Waxaad sidoo kale ka helikartaa Podcast qaybtaan iyo qaybaha kaleba: iTunes: https://podcasts.apple.com/.../tubta-nabaada.../id1373615264 Stitcher: https://www.stitcher.com/show/tubta-nabaada-path-to-peace TuneIn: https://tunein.com/podcasts/Podcasts/Tubta-Nabaada-Path-to-Peace-p1120872/ ---------------------- Si aad wax badan uga ogaato wararka iyo warbixinada Howlgalka Kaalmaynta QM ee Soomaaliya, booqo: Website: https://unsom.unmissions.org Twitter: https://twitter.com/UNSomalia Facebook: https://www.facebook.com/UNSOMALIA Flickr: https://www.flickr.com/photos/unsom/ SoundCloud: https://soundcloud.com/unsom-somalia/... Vimeo: https://www.vimeo.com/unsom ----------------------- ----------------------- This week on #TubtaNabadda, we feature the voices of representatives of elders, women, youth, underrepresented groups and persons with disabilities of Mogadishu, Baidoa, Kismayo and Garowe who took part in discussions about direct elections as a way to exercise their democratic rights. These representatives shared their opinions on what it would mean to each eligible Somali to be able to cast their vote and what it would mean for them specifically to be able to contribute to shaping the parliament, government, and eventually the country's future. Today, we are bringing our listeners fragments of those discussions. The programme is presented in Somali by Ali Gutale and Fathi Mohamed. Share your opinion about what it would mean for you to be able to shape the country's future through direct voting. Call in your favourite radio station during the show today.

english peace soundcloud rights democratic vimeo somali mogadishu soomaaliya soomaaliyeed kismayo muqdisho baidoa
Radio Sweden Somali - Raadiyaha Iswiidhen
Wararka maanta ee Raadiyo Sweden

Radio Sweden Somali - Raadiyaha Iswiidhen

Play Episode Listen Later Nov 2, 2022 3:00


Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Deeymaha lagu leeyahay dhallinyarada ayaa si xawli ah u sii kordhaya, iyada oo ah xaalad si aad ah ugu badan haweenka dhalinyarada ah.Wiil dhallinyaraa ayaa booliisku qabteen ka dib dagaal gacan ka hadal ah oo ka dhacay guri ku yaal Dalsland. Booliiska ayaa xalay saqdii dhexe lagu soo wargeliyey dagaalka guriga ka socda, ka dib markii telefoon loo diray.Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayuu ciidanka ammaanku kor u qaaday ilaalinta waddooyinka iyo suuqyada wixii ka dambeeyey dhacdooyinkii qaraxyada ee sabtidii ina dhaaftay, halkaas oo ey ku geeriyoodeen dad boqol kor u dhaaftay in ka badanna ey ku dhaawacmeen.

SBS Somali - SBS Afomali
War-mutiyeedka Golaha Wadatashiga Qaran

SBS Somali - SBS Afomali

Play Episode Listen Later Nov 1, 2022 8:17


War-Murtiyeedkii ka soo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka oo lagu soo gabagabeeyay Muqdisho.

qaran muqdisho
Radio Sweden Somali - Raadiyaha Iswiidhen
Wararka maanta ee Raadiyo Sweden

Radio Sweden Somali - Raadiyaha Iswiidhen

Play Episode Listen Later Nov 1, 2022 3:40


Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Raysalwasaaraha Sweden Ulf Kristersson oo magaalada Helsinki kaga qayb galaya kulanka golaha waddamada waqooyiga Yurub, ayaa yiri Sweden waa inay u aragto haysashada Nato hub nukliyeer ah, in ay tahay sugnaan amni. Imtixaan kii hore ka casrisan iyo aqoonsiga oo aan wadaha taxiga magaciisa lagu qorayn ayaa ah labo isbaddel oo saamaynaya wadayaasha taxiyada laga bilaabo maanta oo ay tahay kowda bisha november, sida uu sheegay Hoggaanka gaadiidku.Qarax sabtidii ina dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho oo ey ku geriyoodeen 119 qof 10-an kalena la la'yahay, halka dhaawucu yahay 324 qof ayuu ku naf waayay Cabdullaahi Jaamac Cali oo isaga, xaaskiisa iyo caruurtiisu, ku dhaqnaayeen magaalada Borlänge wixii ka dambeeyey sannadkii 2015 kii.

SBS Somali - SBS Afomali
Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacada SBS oo booqatay barakacaayl ku sugan duleedka Muqdisho.

SBS Somali - SBS Afomali

Play Episode Listen Later Aug 19, 2022 10:59


Xaalad adag oo dhanka abaaraha ayaa ka jirta Geeska Afrika. Wariyaha Laanta Afsoomaliga ee Idaacada SBS Australia Cabdixafiid ayaa booqday mid ka mida goobaha ay fadhiyaan barakacaasha yimid duleedka Muqdisho.

muqdisho afka
Tubta Nabaada
Path to Peace (Episode 298): Access to health care in the cities

Tubta Nabaada "Path to Peace"

Play Episode Listen Later Jul 22, 2022 16:13


[This show is produced in Somali only; English caption of the show context is down below] Todobaadkan #TubtaNabadda, waxaan kaga hadlaynaa helitaanka adeegyada daryeelka caafimaad ee dalka Soomaaliya xilli dalka Soomaaliya uu wali la daalaa-dhacayo saamaynta abaaraha iyo COVID-19 iyo caqabadaha ka taagan helitaanka adeegyada caafimaadka. Waxaan waraysanay Asha Sawyar, oo ka tirsan Madaxda Hay'adda UN-Habitat. Waxay ka hadlaysaa saamaynta COVID-19 uu ku yeeshay magaalooyinka Soomaaliya iyo sida hay'adeedu uga jawaabayso baahiyaha daryeelka caafimaad ee soo wajahaya dadka saboolka ah iyo barakacayaasha. Waxay sidoo kale ka hadlaysaa Ms. Sawyer shaqooyinka ay wada fuliyaan iyaga iyo Gobolka Benadir iyo bahwadaagta kale ee caalamiga ah ee wax looga qabanayo caqabadaha helitaanka adeegyada caafimaadka ee ay wajahayaan dadka ku nool Muqdisho. Waxaan sidoo kale waraysanay Dr. Mohamed Adow, oo ah Agaasimah Caafimaadka ee Maamulka Gobolka Benadir oo ka hadlaya culaysyada caafimaad ee uu wajahayo Gobolka Benadir iyo sida ay u doonayaan inay wax uga qabtaan dhibaatooyinka caafimaad ee jira. Barnaamijka waxaa idin soo jeedinaya Cali Maxamed Gutaale iyo Fatxi Maxamed Axmed. Waxaad nala wadaagi kartaa fikirkaaga adoo soo wacayaa idaacadda aad jeceshahay: Radio Mogadishu (2.30 p.m., 8.30 p.m.) Radio Kulmiye KNN (2.30 p.m., 8.30 p.m.) Radio Baidoa (1.30 p.m., 9.00 p.m.) SBC Radio (1.20 p.m., 7.30 p.m.) Radio Garowe (2.30 p.m., 8.30 p.m.) Radio Cadaado (1.30 p.m., 8.30 p.m.) Radio Risala (2.30 p.m., 9.00 p.m.) Radio Dalsan (2.30 p.m., 8.30 p.m.) Radio Hiranweyn (1.15 p.m., 8.15 p.m.) Radio Galgadud (2.30 p.m., 9.00 p.m.) Radio Kismaayo (2.30 p.m., 7.00 p.m.) Waxaad sidoo kale ka helikartaa Podcast qaybtaan iyo qaybaha kaleba: iTunes: https://podcasts.apple.com/.../tubta-nabaada.../id1373615264 Stitcher: https://www.stitcher.com/show/tubta-nabaada-path-to-peace TuneIn: https://tunein.com/.../Tubta-Nabaada-Path-to-Peace-p1120872/ ------------ Si aad wax badan uga wararka iyo warbixinada Howlgalka Kaalmaynta QM ee Soomaaliya ee Soomaaliya: Website: https://unsom.unmissions.org Twitter: https://twitter.com/UNSomalia Facebook: https://www.facebook.com/UNSOMALIA Flickr: https://www.flickr.com/photos/unsom/ SoundCloud: https://soundcloud.com/unsom-somalia/... Vimeo: https://www.vimeo.com/unsom ------------ This week on #TubtaNabadda, we discuss access to healthcare services in Somalia's cities as the country grapples with the impact of drought and COVID-19 and other healthcare delivery challenges. We interview Asha Sawyer, a project manager at UN-Habitat, about the impact of COVID-19 on Somalia's cities and how her organisation is responding to healthcare needs, specifically among the urban poor and displaced communities. Ms. Sawyer talks about UN-HABITAT's collaboration with Benadir Regional Administration and international partners to improve universal health coverage for residents of Mogadishu. We also speak to Dr. Mohamed Adow, Director of Health and Human Services for Benadir Regional Administration, about the pressure on the healthcare system, how the administration plans to improve the situation and the services of health facilities in Mogadishu. The programme is presented in Somali by Ali Gutale and Fathi Mohamed. Share your views by calling in your favourite radio station during the show today at: Radio Mogadishu (2.30 p.m., 8.30 p.m.) Radio Kulmiye KNN (2.30 p.m., 8.30 p.m.) Radio Baidoa (1.30 p.m., 9.00 p.m.) SBC Radio (1.20 p.m., 7.30 p.m.) Radio Garowe (2.30 p.m., 8.30 p.m.) Radio Cadaado (1.30 p.m., 8.30 p.m.) Radio Risala (2.30 p.m., 9.00 p.m.) Radio Dalsan (2.30 p.m., 8.30 p.m.) Radio Hiranweyn (1.15 p.m., 8.15 p.m.) Radio Galgadud (2.30 p.m., 9.00 p.m.) Radio Kismaayo (2.30 p.m., 7.00 p.m.)

SBS Somali - SBS Afomali
Ciidamada Bilayska Soomaaliya oo go'aano amni soo saaray.

SBS Somali - SBS Afomali

Play Episode Listen Later Jul 13, 2022 7:56


Hawlgalo ay fuliyeen ciidamada Booliska Soomaaliya, kana fuliyeen Muqdisho, ayaa waxa ay shaaciyeen in ay go'aansadeen in go'aama ay soo saareen ay muhiim u tahay amaanka caasimada.

soomaaliya muqdisho
SBS Somali - SBS Afomali
Bilayska Soomaliya oo dadaala amaan sugida Muqdisho ka bilaabay.

SBS Somali - SBS Afomali

Play Episode Listen Later Jul 6, 2022 7:11


Ciidamada Bilayska Soomaliya ayaa dadaala amaan sugida ka bilaabay xaafada ka mida magaalada Muqdisho, kadib markii xaalada amaan daro ay xaafadaha qaar kasoo cusboonaatay.

amaan muqdisho
SBS Somali - SBS Afomali
Tacsi iyo baroordiiq loo qabtay dilkii Abwaan badal

SBS Somali - SBS Afomali

Play Episode Listen Later Apr 21, 2022 10:27


Xubno ka tirsan Jaaliyada Melbourne ayaa kulan ay isugu yimaadeen ka tacsiyeeyay dilkii Abwaan Badal Jaamac Xirsi oo dhawaan oo ay dhawaan kooxo hubaysan ku dileen magaalada Muqdisho.

badal muqdisho
Somali Public Agenda
Kaalinta uu Turkiga ku Leeyahay Bixinta Adeegyada Bulshada Muqdisho

Somali Public Agenda

Play Episode Listen Later Apr 6, 2022 83:14


Dhawaan waxa ay Somali Public Agenda daabacday warbixin iftiimineysa kaalinta hay'adaha Turkiga ee bixinta adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka iyo kaabayaasha Muqdisho gaar ahaan jidadka laamiga ah iyo dhismayaasha.Warbixinta waxaa wada qoray Farxaan Isaaq Yusuf oo ah agaasime ku xigeenka Somali Public Agenda, Mahad iyo Maxamed Sharif oo ah cilmibaare katirsan SPA.  Halkan ka dhageyso madal lagusoo bandhigay daraasadda laguna falanqeeyay xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga.

spa mahad halkan soomaaliya muqdisho
Maamul Wanaag
Kaalinta uu Turkiga ku Leeyahay Bixinta Adeegyada Bulshada iyo Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaale ee Muqdisho

Maamul Wanaag

Play Episode Listen Later Apr 4, 2022 44:48


Dhawaan waxa ay Somali Public Agenda daabacday warbixin iftiimineysa kaalinta hay'adaha Turkiga ee bixinta adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka iyo kaabayaasha Muqdisho gaar ahaan jidadka laamiga ah iyo dhismayaasha.Warbixinta waxa wada qoray Farxaan Isaaq Yusuf oo ah agaasime kuxigeenka Somali Public Agenda, Mahad iyo Maxamed Sharif oo ah cilmibaare katirsan SPA.  Contact Somali Public Agenda's Maamul Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host) · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!

SBS Somali - SBS Afomali
wararkii u danbeeyay ee Weeraradii ka dhacay Muqdisho

SBS Somali - SBS Afomali

Play Episode Listen Later Feb 16, 2022 10:14


Wariyaha SBS Somali oo mid ah goobaha weerarku ka dhacay ku sugnaa ayaa nooga waramay sida wax u dheceen iyo guud ahaan weeraradii xalay.

muqdisho
SBS Somali - SBS Afomali
Warkii Muqdisho ee Talaado - 28/12/2021

SBS Somali - SBS Afomali

Play Episode Listen Later Dec 30, 2021 10:27


M.weyne Farmaajo oo xilkii ka kahiyey Rooble. Rooble oo diidey. Labadooda oo mid dhinac u iclaamiyey shir iyo hoggaamiyayaasha maamul-goboleedyada xubnaha ka ah JFS oo ku kala qaybsamay

jfs muqdisho
SBS Somali - SBS Afomali
Wararka doorashada Soomaaliya

SBS Somali - SBS Afomali

Play Episode Listen Later Nov 24, 2021 11:38


Xildhibaanadii ugu horeeyay oo loo doortay aqalka hoose ee baarlamaanka ayaa lagu doortay magaalada Muqdisho waxaase soo baxay cabshooyin ku aaddan sida loo qabtay doorashada.

soomaaliya muqdisho
Subax Wanaagsan: Somali Breakfast Club
Abdishakur Mahmed Shidane "Shaksi" oo Somalia u guuray kana furtay ganacsi

Subax Wanaagsan: Somali Breakfast Club

Play Episode Listen Later Jun 10, 2021 65:42


Waxaa la hadalnay Abdishakur Mahamed Shidane oo ku magac dheer Shaksi. Waa ganacsade dhalin yar oo dalka dib ugu laabtay kana furtay shirkada lacagaha bixinta dadka u fududeysa iyo maqaayad mac maacan ee caasimada Muqdisho

Somali Public Agenda
Doorashada Soomaaliya: Ka laabashada muddo kordhinta, kaalinta raysal wasaaraha, iyo shirka la filayo in uu qabsoomo

Somali Public Agenda

Play Episode Listen Later May 18, 2021 25:41


1 dii May ee sanadkan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dib uga laabtay muddo kordhintii labada sano ahayd ee uu horey u sameeyay 12-kii April kadib markii uu madaxweynaha u jeediyey khudbad uu kaga codsanayo in dib loogu laabto heshiiskii 17-ka September ee doorashada dadban. Isbuucii ka horreeyay dib uga laabashada golaha shacabka ee muddo kordhinta, Muqdisho waxaa ka dhacay dagaallo u dhexeeyay ciidamo ka wada tirsan dowladda kaasoo ka dhashay muddo kordhinta. Kumannaan qof ayaana ku barakacay xiisaddaas ka dhalatay muddo kordhinta. Masuuliyadda hoggaaminta arrimaha doorashada iyo sidoo kale amniga doorashada waxaa lagu wareejiyey Raysal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Raysal wasaaraha ayaa ku guuleystay in ciidamadii ka hor yimid muddo kordhinta ay dib ugu laabtaan xarumahoodii. Waxa uu sidoo kale iclaamiyey in 20-ka bisha May uu dhici doono kulan u dhexeeya madaxda dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Benadir oo looga hadlayo arrimaha lagu muransan yahay ee doorashada. Podcast-gan, Cabdiraxmaan Caynte iyo  Maxamed Keynaan oo marti ku ahaa SPA Governance Podcast ayaa Mahad Waasuge la falanqeynaya wajiga cusub ee doorashada Soomaaliya, kaalinta raysal wasaaraha, natiijada la filayo in ay kasoo baxdo shirka la filayo in uu bilowdo 20-ka May,  casharrada laga baran karo doorashadii 2016 iyo arrimo kale oo la xiriira doorashada.   

spa soomaaliya rift valley institute muqdisho
MTV Somali Channel
Xaalada Muqdisho oo aad u kacsan.. Update

MTV Somali Channel

Play Episode Listen Later Apr 15, 2021 4:50


Muqdisho oo gashay jowi dagaal.. alaha sahlo xaalada

muqdisho
SBS Somali - SBS Afomali
Muranka doorashada iyo dibad baxyada Soomaaliya oo wali socda

SBS Somali - SBS Afomali

Play Episode Listen Later Mar 5, 2021 8:54


Wali waxaa lagu muransan yahay arimaha doorashada iyo dibad baxyo ka dhaca Muqdisho.

wali soomaaliya muqdisho sbs radio somali
SBS Somali - SBS Afomali
Wararka mudaharaadkii Muqdisho

SBS Somali - SBS Afomali

Play Episode Listen Later Feb 19, 2021 12:59


Iyadoo wali la isku hayo arimaha doorashada Soomaaliya ayaa waxaa Muqdisho ka dhacay mudaharaadyo rabsho wata.

soomaaliya muqdisho
Somali Book review
Book 5- Mogadisho Memoir by Hassan Abukar

Somali Book review

Play Episode Listen Later Jan 9, 2021 9:42


Gorfaynta dhigaalkii Xusuus qorkii Muqdisho ee Xasan Abuukar ku qoray afka ingiriisiga sanadkii 2015.

memoir muqdisho
Talk2Me - Ila hadal
Zakarie Hussien "Waxaan usoo joogay" #Season 1, Episode 13

Talk2Me - Ila hadal

Play Episode Listen Later Sep 11, 2020 40:02


Waxaa barnaamijka iigu marti ah maanta Zakarie Hussein oo aan kasoo wada shaqeyney idaacadii GBC ee magaalada Muqdisho. Zakarie ayaa ila wadaagaya wixii uusoo joogay mudadii uu xamar ka shaqeynay iyo wixii ugu yaabka badnaa. Available listening platforms Podcast Anchor https://anchor.fm/mohamed-ayaanle Spotify https://open.spotify.com/show/3rt0w7yKW4seLJqBbUo8PO Apple Podcasts https://podcasts.apple.com/us/podcast/talk2me-ila-hadal/id1483178280 Google Podcasts https://www.google.com/podcasts?feed=aHR0cHM6Ly9hbmNob3IuZm0vcy9mMzI5NmEwL3BvZGNhc3QvcnNz #Talk2mePodcast #WaxaanUsooJoogay Social media contacts: Facebook.com/MohamedAyaanle2 Twitter.com/mohamedayaanle Instgram.com/mohamedayaanle SnapChat: Ayaanle19 TikTok: MohamedAyaanle --- This episode is sponsored by · Anchor: The easiest way to make a podcast. https://anchor.fm/app --- Send in a voice message: https://anchor.fm/mohamed-ayaanle/message

Somali Public Agenda
Saameynta COVID-19 uu ku yeeshay jaamacadaha Muqdisho

Somali Public Agenda

Play Episode Listen Later Jul 18, 2020 25:53


Kadib markii lasoo tabiyay kiisaskii ugu horeeyay ee fayraska 16-kii Maarso, dowladda federaalku waxay qaadday tallaabooyin ay ku joojineyso faafitaanka caabuqa. Tallaabadii ugu horreeysay waxay ahayd in la hakiyo iskuullada iyo jaamacadaha maadaama ay yihiin goobo uu si xooggan ugu faafi karo fayraska. Raysal wasaaraha dalka Xasan Cali Khayre ayaa ku dhawaaqay 18-kii Maarso 2020 in labo toddobaad la hakinaayo waxbarashada, loona baahan yahay in la qiimeeyo sida xaaladdu isku baddeleyso. Iskuullada iyo jaamacaduhuna way qaateen amarka, laakiin kiisasku si isdaba-joog ah ayay usii kordhayeen.Podcast-gan waxa aan ku falanqeyneynaa nuxurka warbixinta aan daabacnay oo ka hadleysa saameynta uu COVID-19 ku yeeshay jaamacadaha Muqdisho.

Kulammada Avalites
TAARIIKHDA IYO XASUUSTA: AKHRISKA BUUGGA "KALAHAADKII MUQDISHO" | CABDILLAHI RAAGE

Kulammada Avalites

Play Episode Listen Later Feb 29, 2020 52:34


Naadiga Akhriska iyo Falanqaynta Doodaha ee Ogaal oo fadhigiisu yahay Boorama iyo Haayadda Dhaqan ee Avaliteis ayaa kulankan wadajir u qabtay 28 Feb, 2020. Cabdillaahi Raage, oo ka tirsan Avaliteis waxa uu muxaadaradan ku akhrinayaa buugga Yuusuf Maxammad Xayd ee Kalahaadkii Muqdisho indhaha labada fahan ee Xasuusta iyo Taariikhda. Wuxuna soo gudbinayaa dood buuga u arkaysa hanti ay tahay in lala falgalo, loona adeegsado sida taariikhda akaadamiga ahi u adeegsato dhukumentiyada qoran. Dhagaysi wacan.

muqdisho
Galka Baarista
Amni la'aanta Muqdisho

Galka Baarista

Play Episode Listen Later Jan 30, 2020 20:21


Amni la'aanta Muqdisho Haaruun Macruuf

muqdisho
SBS Somali - SBS Afomali
Melbourne Somali medical and sport team mets warm welcomes in Mogadishu . - Kooxda Jaaliyada Soomalida Melbourne iyo soo dhawayntii Muqdisho.

SBS Somali - SBS Afomali

Play Episode Listen Later Dec 4, 2019 9:00


Melbourne Somali medical and sport team mets warm welcomes in Mogadishu . - Kooxda Jaaliyada Soomaalida Melbourne (Australia) ee caafimaadka iyo ciyaaraha oo Muqdisho si wacan loogu soo dhaweeyay.

SBS Somali - SBS Afomali
The impacts rerouting flights have on businesses and residents of Kismayo - The impacts rerouting flights have on businesses and residents of Kismayo

SBS Somali - SBS Afomali

Play Episode Listen Later Sep 4, 2019 6:07


Saamaynta duulimaadyada diyaaradaha ee loo wareejiyay inay soo maraan Muqdisho ku yeelatay ganacsatada iyo shacabka degan Kismaayo - Saamaynta duulimaadyada diyaaradaha ee loo wareejiyay inay soo maraan Muqdisho ku yeelatay ganacsatada iyo shacabka degan Kismaayo

businesses impacts residents flights rerouting kismayo muqdisho sbs radio somali
SBS Somali - SBS Afomali
Somali President Appointed Omar Filish As The New Mayor Of Mogadishu - Madaxweynaha Soomaaliya Ayaa Cumar Filish u Magacaabay Duqa Magaalada Muqdisho

SBS Somali - SBS Afomali

Play Episode Listen Later Aug 23, 2019 5:05


Mogadishu got a new mayor after the previous mayor and the governor of Banadir region is been killed by a bomb inside his Office July 24 but, later on died in Doha Qatar Hospital - Madaxweyne Farmaajo ayaa Ayaa Cumar Filish U magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Banadir islamarkaan ah Duqa Caasimada Muqdisho , waxaa xilkaas ka geeriyooday Duqii Hore Eng. Yariisow oo xafiiskiisa Lagu Weeraray Qaraxii lagu dhawacay akdibna u geeriyooday

mayors appointed somali mogadishu soomaaliya muqdisho sbs radio somali
SBS Somali - SBS Afomali
Latest on Mogadishu suicide attack - Latest on Mogadishu suicide attack

SBS Somali - SBS Afomali

Play Episode Listen Later Jul 26, 2019 13:12


Wararkii u danbeeyay ismiidaamintii ka dhacay Muqdisho. - Wararkii u danbeeyay ismiidaamintii ka dhacay Muqdisho.

attack suicide mogadishu muqdisho sbs radio somali
SBS Somali - SBS Afomali
Interview with Abdiaziz Gurbiye on latest explosion hits Mogadishu. - Abdiaziz A Gurbiye, oon ka wareysanay qarixii oogu danbeeyay ee Muqdisho ka dhacay.

SBS Somali - SBS Afomali

Play Episode Listen Later May 24, 2019 11:16


Interview with Abdiaziz Gurbiye on latest explosion hits Mogadishu. - Abdiaziz A Gurbiye, oon ka wareysanay qarixii oogu danbeeyay ee Muqdisho ka dhacay.

interview hits explosion mogadishu muqdisho sbs radio somali
SBS Somali - SBS Afomali
Howlgalo Ay Fuliyeen Booliska Soomaaliya

SBS Somali - SBS Afomali

Play Episode Listen Later May 17, 2019 5:49


Warbixin Kooban oo kusaabsan Howlgalo ay fuliyeen Ciidanka Booliska Soomaliya ee magalada Muqdisho

security soomaaliya muqdisho sbs radio somali
SBS Somali - SBS Afomali
Sheekh Ali Wajiis on recent conference in Mogadishu and the role of religious leaders. - Sheekh Ali Wajiis on recent conference in Mogadishu and the role of religious leaders.

SBS Somali - SBS Afomali

Play Episode Listen Later May 9, 2019 10:47


Sheekh Cali Wajiis oo ka hadlaya shirkii dhawaan ka dhacay Muqdisho iyo doorka culumada. - Sheekh Cali Wajiis oo ka hadlaya shirkii dhawaan ka dhacay Muqdisho iyo doorka culumada.

conference mogadishu religious leaders muqdisho sbs radio somali
Tubta Nabaada
Path 2 Peace Episode 104: Helping and remembering survivors of terrorist attacks

Tubta Nabaada "Path to Peace"

Play Episode Listen Later Aug 24, 2018 17:07


Barnaamijka #TubtaNabadda wuxuu jirsaday 2 sano! Dhammaan dhagaysteyaasheenu way ku mahadsanyihiin sidii ay noola socdeen waxaanna rajaynaynaa inaan sii wadi doono inta laga mirodhalinayo yoolka ah in la helo #Soomaaliya oo nabad ah oo ay dhammaan muwaadiniinteedu ugu dhex noolaan karaan si ammaan ah. Todobaadkan Tubta Nabadda waxaan kaga hadli doonaa maalinta caalamiga ah ee lagu xasuusanayo dhibaneyaasha argagixisada. Waxaan waraysanaynaa Abdikani Ali Aden oo ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerarkii argagixiso ee 14 October 2017 ka dhacay magaalada Muqdisho. Wuxuu nala wadaagayaa sida dhacdani ay u saamaysay noloshiisa iyo midda qoyskiisa. Waxaan sidoo kale waraysanaynaa Khadar Ismail oo xubin ka ahaa Gurmad Qaran oo ahaa guddi kaalin hoggaamineed ka qaatay jawaabtii laga bixinayay masiibadii dhacday 14 October 2017. Ismail ayaa sidoo kale ka mid ah aas aaseyaasha Xarunta Hal-abaarka ee IRise oo kaalin ka qaatay jawaabta musiibada iyagoo adeegsanaya farsamada casriga ah. Ka dhageyso Radio Mogadishu, Radiokulmiye Knn, Raadiyo Baydhabo, SBC Radio, Risalah Radio, RadioCadaado iyo Radio Hiranweyn Beletweyne maanta. Ha hilmaamin in aad wici karto idaacadaha oo aad nala wadaagi karto aragtidaada ama qaybtaan hoose aragtidaada noogu reeb. Haddii uu ku dhaafay, halkaan ayaad ka dhageysan kartaa marwalba. Waxaad ka heli karta barnaamijka iyo qaybaha kaleba iTunes (apple.co/2xbk78c), Stitcher (bit.ly/2x9djbd) ama ka daaro (bit.ly/2kljcZJ).

Tubta Nabaada
Tubta Nabadda EP 102: Providing safe space for Somali youth

Tubta Nabaada "Path to Peace"

Play Episode Listen Later Aug 10, 2018 17:31


Todobaadkaan #TubtaNabadda, maadaama la xusaayo maalinta dhalinyarada caalamiga ah #YouthDay, waxaan diiradda ku saari doonaa sidii dhalinyarada ay ku heli lahaayeen goobo ammaan ah. #SafeSpaces4Youth waxaa noogu marti ah Cabdikaafi Max'ud Makaraan, guddoomiyaha dhalinyarada gobolka Benaadir, oo ka hadli doona goobaha ammaanka ah ee ay heli karaan dhalinyarada Muqdisho iyo barnaamijyada kale ee la meel mariyey si looga taageero dhalinyarada ku lug yeelashada dhaqdhaqaaqyada la xariira baahiyahooda kale duwan. Waxaa sidoo kale barnaamijka marti noogu ah Axmed Vision, oo ah nin dhalinyaro ah oo si weyn ugu ola oleeya dhalinyarada, wuxuuna ka hadli doonaa howlaha lagu abuurayo sare u qaadida goobo ammaan ah oo ay dhalinyarada leeyihiin #Somalia Axmed Cumar wuxuu sidoo kale nala wadaagayaa jaceelka uu u qabo ilaalinta xuquuqda dhalinyarada iyo caqabadaha jira. Waxaan sidoo kale barnaamijka ku xusi doonaa Max'ed Sheekh Cali, hal abuure dhalinyaro ah oo noloshiisa ku waayey howlaha naf-hurnimada ah ee uu dalkiisa u qabtay. Barnaamijka waxaa daadihinaayo Cali Guutaale iyo Faadumo Sheekh, waxaana istuudiyaha kula sugan Ibraahim Cali Muumin Awdaango oo majaajilo yar qax nooga siin doona. Ka dhageyso Radio Muqdisho, Radio Kulmiye, Radio Baidoa, SBC Radio, Radio Risaala, Radio Cadaado iyo Radio Hiranweyn Beletweyne maanta. Ha hilmaamin in aad wici karto idaacadaha oo aad nala wadaagi karto aragtidaada ku aadan ama qaybtaan hoose aragtidaada noogu reeb. Haddii uu ku dhaafay, halkaan ayaad ka dhageysan kartaa marwalba. Waxaad ka heli karta barnaamijka iyo qaybaha kaleba iTunes (apple.co/2xbk78c), Stitcher (bit.ly/2x9djbd) and TuneIn (bit.ly/2kljcZJ).

Tubta Nabaada
Tubta Nabadda Ep87 - Mogadishu making a comeback despite the challenges

Tubta Nabaada "Path to Peace"

Play Episode Listen Later Apr 27, 2018 17:54


Todobaadkan barnaamijka #TubtaNabadda waxaan kaga hadli doonaa guulaha uu gaaray maamulka gobolka Benaadir iyo caqabadaha soo wajahaya maamulka tan iyo markii xilka loo magacaabay Abdirahman Omar Osman(Eng. Yarisow). Waxaa barnaamijka marti noogu ah Abdirahman Omar Osman, duqa magaalada Muqdisho ahna Gudoomiyaha Gobolka Benadir. Wuxuu faahfaahinayaa qorsheyaasha gobolku ku doonayo inuu dhiso maamul tayo leh oo ka jawaabi kara baahiyaha dhanka ammaanka iyo bixinta adeegyada ay u baahanyihiin shacabka ku nool gobolka Benaadir. Waxaad sidoo kale maqli doontaan waraysi aan la yeelanay Diini Maxamed Diini oo ah Gudoomiyaha dalladda bulshada rayidka ah ee SOCENSA oo ka hadlaya waxyaabaha loo baahanyahay in la sameeyo si wax looga qabto baahiyaha ay qabaan shacabka Muqdisho.   Faadumo iyo Guutaale oo barnaamijka soo jeedinaya ayaa sidoo kale ka doodaya rajada dadweynaha gobolka Benaadir ay ku doonayaan in Muqdisho ay noqoto caasimad ammaan ah oo casri ah. Waxaan sidoo kale qaybta maaweelada ku maqli doonaa hees macaan oo ka hadlaysa haybadda Muqdisho. Ka dhageyso Barnaamijka Radio Mogadishu, Radio Kulmiye, Radio Baidoa, SBC Radio, Radio Risala, Radio Adado, Radio GoobJoog or Radio HiranWeyn Beletweyne maanta oo qayb ka noqo barnaamijka. Xasuusnow waad ka qayb gali kartaa adigoo wacaya idaacadaha nala wadaagayo aragtidaada. Haddii uu ku dhaafay barnaamijka halkaan ka dhageyso goor kasta!

Tubta Nabaada
Tubta Nabadda Ep70 - Somalia’s resilience & determined spirit keeps life going despite challenges

Tubta Nabaada "Path to Peace"

Play Episode Listen Later Dec 28, 2017 15:36


Barnaamijka #TubtaNabadda, waxaan Todobaadkan kaga hadlayna adkaysiga ay muujiyeen shacabka Soomaaliyeed oo wajahaya dhibaatooyin kale duwan oo ay ka mid yihiin abaaro, argagixiso , shaqo la’aan, deganaansho la’aan siyaasadeed iyo caqabado kale. Waxaan waraysanaynaa Mukhtaar Shiikh Xuseen Jimcaale, agaasimaha arrimaha bini'aadanimada ee Wasaaradda Gargaarka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Wuxuu ka hadli doonaa taageerada ay u baahanyihiin shacabka Soomaaliyeed si ay uga faa’iidaystaan awoodda adkaysiga iyo meelaha ay tahay in hortabin la siiyo. Waxaa istuudiyaha Muqdisho barnaamijka nooga soo jeedinaya Faadumo iyo Ali Gutale waxayna ka doodayaan awoodda adkaysiga shacabka Soomaaliyeed iyo wadajirka ay muujiyeen xilliyada adkaa ee ay soo mareen. Waxaa istuudiyaha kula sugan Subeida Mohamed Mukhtar, Xoghayaha Guud ee maamulka Gobolka Banadir oo ka hadlaysa waxyaabaha uu maamulka muhiimadda siinayo si loo xoojiyo adkaysiga shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Banadir. Dhagayso Radio Mogadishu, Radio Kulmiye KNN, Raadiyo Baydhabo, SBC Radio, Radio Cadaado, Radio Risaala, Goobjoog FM 88.5 ama Radio Beletweyne. Si aad fikradahaaga noola wadaagto, soo wac nambarada idaacadaha aad ka dhagaysanaysaan barnaamijka ama fallo noo dhaaf. Haddii uu ku seegay barnaamijku waxaad mar walba ka dhagaysan kartaa halkaan ........... On this episode of #TubtaNabadda, we discuss the #resilience which Somalis have shown in light of the challenges they face: drought, terrorism, unemployment, political instability and many others. We interview Mukhtar Sheikh Hussein Jimale, Director of Humanitarian Affairs at the Ministry of the same name. He discusses support needed by the Somali people to harness the resilience of its citizens and the areas that need to be prioritized. At the studio in #Mogadishu, Ali and Fadumo discuss the resilience of the Somali people over the years and how they engage in acts of solidarity when faced by challenges. They are joined by Subeida Mukhtar, Secretary-General of the Banadir regional administration, discussing the main priorities of her administration and the activities being put in action to maintain the spirit of resilience among the people of Banadir. Tune in to Radio Mogadishu, Radio Kulmiye, Radio Baidoa, SBC Radio, Radio Cadaado, Radio Risaala, Radio GoobJoog or Radio Beletweyne on Friday, Monday and Wednesday to listen to this episode and discover many other topics important for Somalis. Remember to call in and share your thoughts about the show, or leave us a comment below. In case you miss it on the radio, listen in here anytime!

IFIYE RADIO
Yurub Geenyo hees cusub Muqdisho 2017

IFIYE RADIO

Play Episode Listen Later Feb 14, 2017 7:24


hees muqdisho