POPULARITY
Bishan Luulyo, waxaa mar kale Muqdisho ka bilowday shirar heer farsamo ah oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka. Shirarkan waxaa garwadeen iyo dhexdhexaadiyeyaal ka ah beesha caalamka, gaar ahaan Turkiga, Mareykanka, Ingiriiska, Midowga Yurub, iyo Qaramada Midoobay. Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saddex kooxood oo mucaarad ah ayaa kulamadan ku soo bandhigay aragtidooda ku aaddan hannaanka doorashooyinka, iyadoo dhinac walba uu soo bandhigay nooca doorashada ee uu doorbidayo.Qeybta 76-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge iyo Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda, Mohamed Abdirazak, oo hoggaaminaya guddiga wada-hadallada ee Nabad & Nolol, waxay ku gorfeynayaan xaaladda guud ee shirarka socda, doorka dhexdhexaadinta beesha caalamka, iyo nooca doorashada ee uu soo jeediyay guddiga Nabad & Nolol.Contact Somali Public Agenda's Maamul Wanaag Podcast· Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)· Email us at podcasts@somalipublicagenda.orgThanks for listening!
Halkan ka dhegeyso wararkii maanta oo Jimce ah naga soo gaarey magaalada Muqdisho.
Wararkii Soomaaliya ee maanta oo Arbaco ah, 8 July 2026, naga soo gaarey Muqdisho halkan ka dhegeyso.
Halkan ka dhegeyso wararkii Soomaaliya ee aannu Muqdisho ka helnay maanta oo jimce ah 3 July 2026.
Halkan ka dhegeyso wararkii Soomaaliya ee aannu maanta oo Jimce ah ka helnay Muqdisho
Soomaaliya waxa ay ku jirtaa marxalad siyaasadeed oo adag. Muddadii afarta sano ahayd ee dowladda federaalka waxa ay ku ekayd 15-kii May 2026, balse ka hor inta aanu waqtigu dhammaan ayaa wax-ka-beddel lagu sameeyay dastuurka. Dastuurka cusub waxa uu muddo-xileedka hoggaanka dowladda ka dhigay 5 sano, waxa ayna madaxda dowladdu sheegeen in uu u harsan yahay hal sano. Mucaaradka waxa ay kasoo horjeedaan wax-ka-beddelka lagu sameeyay dastuurka iyo muddo-xileedka la beddelay. Dibadbaxyo ay mucaaradku qorsheeyeen iyo dowladda oo is-hortaagtay ayaa cakiray xaaladda Muqdisho. 3-dii ilaa 4-tii June dagaal u dhexeeya labada dhinac ayaa ka dhacay Muqdisho. Hadda waanwaan ayaa socota. Qeybtan 74-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge iyo Cabdiraxmaan Caynte—Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Xaqsoor iyo Guddoomiyaha Midowga Xaqsoor iyo Haybad Qaran—waxay si qoto dheer u gorfeynayaan xaaladda dalka, asalka khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka, wadahadallada socda, iyo fursadaha lagu gaari karo xal waara. Contact Somali Public Agenda's Maamul Wanaag Podcast· Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)· Email us at podcasts@somalipublicagenda.orgThanks for listening!
Dagaalladii ka dhacay Muqdisho iyo wixii ay dhinacyadu ka yiraahdeen.
Warka Soomaaliya waxaa ka mid ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo amray in si ku-meel-gaar ah loo joojiyo burburnta iyo bannaynta dhulka danta guud ee Muqdisho.
dhegeyso warka Soomaaliya oo maanta oo Arbaco ah, 6 May 2026, naga soo gaarey Muqdisho
Warka Soomaaliya waxaa ka mid ah maanta, shirweyne lagu qabtay Muqdisho oo loogu yeeray 'Badbaadada Dowlad-goboleedkka Koonfur Galbeed' iyo mas'uuliyiin hore oo ka hadashay.
Soomaaliya waxa ay ku jirtaa marxalad doorasho. Dhawaan dadka ku nool Muqdisho ayaa qaarkood ka qeyb galay doorasho gole deegaan oo Muqdisho laga qabtay kadib muddo ka badan 55 sano. Maxaa casharro ah oo laga baran karaa doorashooyinkii dhacay kahor iyo kadib xornimadii dalka?Qeybtan 66-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & & Abukaate Maxamed Ciise Turunji, oo khabiir ku ah taariikhda & sharciyada buugaagna ka qoray, ayaa isla gorfeynaya casharrada laga baran karo doorashooyinkii dhacay muddadii u dhaxaysay 1954 iyo 1969.Contact Somali Public Agenda's Maamul Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host) · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!
Warka Soomaaliya maanta waxaa ka mid shirweyne xisbiga Haybad Qaran uga furmay Muqdisho oo ay kasoo qayb galeen Madax hore iyo siyaasiyiin.
Doorashayoonkii golaha deegaannada Bendaadir oo ka qabsoomay Muqdisho iyo madax ka socota qaranka oo ka hadlay.
Madax-weynaha Soomaaliya ayaa Muqdisho ku soo xidhay shirweynihii 6aad ee hoggaanka iyo hal-abuurka Soomaaliya. Taliyaha ciidanka asluubta Soomaaliyeed, Jeneraal Mahad Cabdirahmaan Aadan ayaa isna sheegay in ciidanka asluubta oo xaalad adag ku shaqeeya laga been sheegay.
Dowladda Soomaalia oo xallisay shaqo-joojintii laga sameeyey Airport-ka Aadan-cadde ee Muqdisho iyo Xiisadahii dagaal ee deegaanka Wanle-weyn oo shakhsiyaad loo soo xidhay.
Shixnad maandooriye ah oo lagu qabtay dekedda Muqdisho.
Doorashada qof iyo cod oo Muqdisho ka bilaabmi doonta bisha November.
Adeegga waxbarashada ee dalka, gaar ahaan, midka ka jira magaalada Muqdisho ayaa soo kabanaya. Sidaa oo ay tahay, waxaa la sheegaa tiro aad u badan oo caruurta magaalada ku nool in aysan aadin dugsiyada waxbarashada nidaamiga ah. Dhawaan waxaa la dabaacay daraasad ka hadleysa sababaha dhaliyay arrinkaas iyo sida lagu xallin karo. Qeybtan 38-aad ee Adeeg Wanaag podcast, Aweis Ahmed iyo Dr. Abdifatah Ismael Tahir oo hormuud u ahaa cilmibaarayaashii ka shaqeeyay daraasadda, waxa ay ku falanqeynayaan nuxurka daraasadda iyo waxyaabihii lagu ogaaday. Contact Somali Public Agenda's Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!
25-kii Agoosto ee sanadkan, waxaa Muqdisho ku heshiiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qeyb kamid ah Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed. Qodobada heshiiska waxaa kamid ahaa in ay xubnaha baarlamaanka federaalka doortaan madaxweynaha sidoo kalena ansixiyaan xilkana ka qaadi karaan raysal wasaaraha & in urur-siyaasadeedkii ka hela ugu yaraan 10% xubnaha baarlamaanka fadaraalka uu noqonayo xisbi qaranQeybtan 57-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge iyo Amb. Daahir Maxamuud Geelle oo oo kamid ah afarta xubnood ee heshiiska la galay dowladda federaalka, waxa ay ku falanqeynayaan nuxurka heshiiska iyo mustaqbalka doorashooyinka Soomaaliya. Contact Somali Public Agenda's Maamul Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host) · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!
Gogosha Wadatashiga Qaran ee uu fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddo socotay. Inkastoo gunaanadkii ay kasoobaxday in ay gogosha furan tahay, kulankii ugu ballaarnaawaxaa Muqdisho lagu qabtay 16-19 June, 2025. Hadda waxaasocda kulamo u dhexeeya dowladda federaalka & MadashaSamatabixinta Soomaaliyeed.Qeybtan 54-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge& Xasan Macallin Maxamuud oo ah Wasiirka Cadaaladda & Arrimaha Dastuurka iyo sidoo kale guddoomiyaha guddigamaamulayay gogosha ayaan ku gorfeynaya wadahadallada socdaee la xiriira arrimaha dastuurka & doorashooyinka. #SPAPodcasts #MaamulWanaagPodcast #MaamulWanaag #SomaliPublicAgenda #MahadWasuge #HassanMoallimContact Somali Public Agenda's Maamul Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host) · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!
16-19 June, 2025 waxa Muqdisho ka qabsoomay Gogosha Wadatashiga Qaran ee uu fidiyay madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud bishii Maarso ee sanadkan. Gogosha waxaa ka qeybgalay siyaasiyiin, ururro siyaasadeed, xisbiyo ka socday Puntland, iyo qaar ka mid ah ururrada bulshada. Intii ay gogoshani socotay waxaa looga hadlay ilaa 4 qodob oo kala ah: midnimada dalka, amniga, dhammeystirka dastuurka, dimuqraadiyadeynta iyo doorashooyinka. Gunaanadkii gogosha waxa lagasoo saaray war-murtiyeed iyo baaq. Qeybtan 53-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Agaasimaha Somali Public Agenda, Mahad Waasuge, iyo Feysal Axmed Warsame oo ah madaxii hore ee Dalladda Bulshada Rayidka ah ee Puntland, waxa ay ku falanqeynayaan gogoshaas iyo natiijadii ka soo baxday.Contact Somali Public Agenda's Maamul Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host) · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!
Dowladda federaalka ayaa dhawaan billowday canshuurta iibka, taas oo ka hirgashay suuqyada magaalada Muqdisho. Somali Public Agenda (SPA) ayaa daabacaday faallo qoto-dheer oo falanqeyneysa canshuurta iibka, shuruucda lagu saleeyay, habka loo qaadayo, iyo sidoo kale caqabadaha ku gedaaman hirgelinta canshuurta iibka.Qeybtan 26-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Aweys Axmed & Farxiya Maxamuud oo ah cilmibaare katirsan Somali Public Agenda & sidoo kale mid kamid ah qorayaasha warbixinta ayaa ku falanqeynaya nuxurka daraasadda & talooyinka lasoo jeediyay.Contact Somali Public Agenda's Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisahmedM (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!
Taliska qaybta guud ee ciidamada booliska gobalka Banaadir ayaa muqdisho kusoo bandhigay maandooriye kalagadisan oo boolisku soo qabtay, laguna gubay goob fagaara ah. Boolisku waxa ay sheegeen in maandooriyuhu uu sabab u yahay dhibaatooyin badan oo magaalada ka dhaca.
Sanadahii dambe waxaa kordhay bulshada qeybo ka mid ah oo is caddeynaya ama midabkooda doorinaya, iyagoo ujeedkoodu yahay in ay qurux dheeraad ah ka helaan. Dadka is caddeeya waxa ay adeegsadaan dawooyin la isku dardaray oo kiimiko ah. Arrintan ayaa noqotay mid bulshada qeybaheeda kala duwan saameyn weyn ku yeelatay. Qeybtan 23-aad ee Adeeg Wanaag Podcast waxaa lagu falanqeynayaa guud ahaan waxyaabaha sababa doorinta midabka qofka iyo dawooyinka ay adeegsadaan dadka is caddeeya. Waxan sidoo kale lagu falanqeynayaa wacyiga bulshada Soomaaliyeed ee ku aadan khatarta ka dhalan karta adeegsiga daawooyinka la isku cadeeyo iyo talooyin la xiriira dadka raba in ay iska joojiyaan adeegsiga dawooyinkan. Waxaa marti ku ah Dr. Fartuun Xasan Maxamed oo ah dhakhtarad ku takhasustay daryeelka wejiga, timaha iyo maqaarka, islamarkaana ka howgsha xarun caafimaad oo ku taalla magaalda Muqdisho. Contact Somali Public Agenda's Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisahmedM (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!
Dagaallada sokeeye waxa ay sababeen burbur iyo dayac ku yimid guud ahaan biyo-mareennada, bullaacadaha iyo goobaha biyaha lagu keydiyo ee magaalada Muqdisho. Waxaa ka dhashay in biyaha roobabku ay fadhiistaan wadooyinka, qaarkoodna ay burbur joogta ah u geystaan. Xaaladdan waxa ay dhalisay in bulshada caasimadda ay soo gaarto khasaare naf iyo maal isugu jira, bilicda magaaladana saameyn taban ayay ku yeelatay. Qeybtan 21-aad ee Adeeg Wanaag Podcast waxaa lagu falanqeynayaa sababaha ugu waaweyn ee loo aaneyn karo maareyn la'aanta biyo mareennada iyo bullaacadaha magaalada Muqdisho iyo cilladaha farsamo ee jira oo ay tahay in lagu baraarugo si loo mareeyo qulqulka biyaha ee magaalada. Waxaa marti iigu ah Eng. Yaxya Guuleed oo arrimhaasi si dhaw ula socday, islamarkaana qoraallo ka sameeyay.Contact Somali Public Agenda's Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisahmedM (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!
Adeegga madadaallada, gaar ahaan musalsallada, waxaa caan ka ahaa gudaha dalka musalsallada qalaad sida kuwa Meksikaanka, Carabta, Hindida, Turkida, Kuuriyaanka iyo qaar kale. Sanadihii dambe waxaa soo badanayay musalsallo ay sameynayaan shirkado maxalli ah, musalsalladaas oo qeyb weyn ka qaatay adeegga madadaallada ee ka jira dalka, islamarkaana ka tarjumaya nolosha dadka Soomaaliyeed. Qeybtan 21-aad ee Adeeg Wanaag Podcast waxaa lagu falanqeynayaa guud ahaan adeegga madadaallada ee ka jira dalka, gaar ahaan musalsallada shirkadaha maxalliga ah ay sameeyaan iyo kaalinta musalsalladan ee sare-u-qaadidda wacayiga iyo dhaqaalaha bulshada Soomaaliyeed. Waxaa marti ku Abshir Rageh oo ah director ama filim sameeye, kaasoo qoray islamarkaana sameeyay musalsallo maxalli ah oo aad loo daawaday sida Habboon oo sanadkii hore dhammaaday iyo musalsalka Dhaxal oo weli socda.Contact Somali Public Agenda's Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!
Idaacada SBS, Laanta Afsoomaaliga (Australia) ayaa waraysi kala yeelatay saxafi, qoraa C/raxmaan Sahal Yusuf arimaha shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee dhawaan Muqdisho ka dhacay.
Shirka wadatashiga qaranka Soomaaliya ayaa xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho ka furmay. Shirkan ayaa waxaa isugu yimid madaxda federaalka Madaxweyne Xassan Sh Maxamuud, Ra'iisul Wasaare Xamza C Barre, R/wasaare ku xigeen Saalax Axmed Jaamac iyo madaxweynayaasha maamulada kala ah Jubbaland, Garmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeele iyo maamulka gobalka Banaadir. Shirkan ayaa waxaa ka maqan madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni. shirkana ayaan la shaacin mudada uu soconayo.
Gorfeyn Podcast – Wargeysyadda Muqdisho - Abdirahman Diimow oo in ka badan 30 sano wargeysyada ku wareejinayay wadooyinka Muqdisho.See omnystudio.com/listener for privacy information.
Allaha u naxariistee, agaasimaha ayaa ku dhintay qarax ka dhacay magaaladda Muqdisho.
Gudaha Soomaaliya waxaa ku barakacay in ku dhaw 4 malyan muwaadiniin ah sababo la xiriira musiibooyinka dabiiciga ah, kuwa amni-darrada la xirriira iyo sababo la xiriira raadinta nolol iyo adeeg ka tayo wanaagsan midka ay heystaan. Tirada ugu badan ee barakacayaashaas ayaa ku sugan magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda. Sidoo kale, tiro badan oo barakacayaasha kamid ah ayaa la sheegaa in ay kasoo jeedaan beelaha laga tirada badan yahay, kuwaasoo dhibaatada barakaca ay u dheer tahay dhibaatooyinka bulshada ay kala kulmaan. Barakacayaasha kasoo jeeda beelaha laga tirada badan yahay ayaa culeysyo kala kulma helidda adeegyada asaasiga ah oo ay bixiyaan hay'adaha gargaarka iyo hay'adaha dowladda. Sidoo kale, dadkaasi waxa ay dhibaato kala kulmaan is-dhexgalka bulshada deegaannada ay kusoo barakaceen, gaar ahaan Muqdishu iyo hareeraheeda. Mid kamid ah siyaabaha dhibaatooyinkaas loo xallin karo ayaa ah ururrada bulshada rayidka ah ee u dhaqdhaqaaqa beelaha laga tirada badan yahay in ay cayaraan kaalinta isku xirka baahiyaha dadkaas iyo hay'adaha gargaarka, kuwa dowladda iyo bulshada lagusoo barakacay. Podcast-gan waxaa lagu falanqeynayaa dhibaatooyinka ay kala kulmaan dadkaas barakacayaasha ah helidda adeegyada asaasiga ah, iyo kaalinta ay ka ciyaari karaan xal-u-helida arrimahaas ururrada bulshada rayidka ah ee u dooda beelaha laga tirada badan yahay. Waxaa marti ku ah Yusuf Cabdi Xasan oo ah agaasimaha hay'da Livelihood Relief and Development Organization (LRDO), oo ka mid ah haya'adaha bulshada rayidka ah ee u dooda beelaha laga tirada badan yahay. Podcast-gan waxaa iska kaashaday Somali Public Agenda, ReDSS (Regional Durable Solutions Secretariat), Danwadaag Consortium iyo USAID.Contact Somali Public Agenda's Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!
Magaalda Muqdisho oo kasoo kabaneysa burburkii dagaallada, ayaa waxaa sanadihii ugu dambeeyay ka muuqday isbdello dhanka dhismeyaasha waddooyinka, guryaha iyo gaadiidka. Isbedelladaasi waxaa barbar socday culeysyo kala duwan oo isu-socodka dadka iyo gaadiidka la xiriira. Hadaba si loo xakmeeyo culeysyada kala duwan ee isu-socodka dadka iyo gaadiidka la xiriira, maamulka gobolka Benadir ayaa soo saaray go'aan mooto bajaajta magaalda ka shaqeysa loogu qeybiyay labada qayb ee A iyo B. Go'aankaasi inta uu hirgalay waxaa kasoo wareegatay muddo ku dhaw bilood. Podcast-gan waxaa lagu falanqeynayaa go'aanka maamulka gobolka uu mooto bajaajta magaalda ka shaqeysa ugu qeybiyay A iyo B, iyo waxyaabihii ka dhashay, qorshyaasha xiga iyo guud ahaan culeysyada ku xeeran isu-socodka dadka iyo gaadiidka ee magaalada Muqdisho. Waxaa marti ku ah Cabdirashid Ibrahim Maxamed, oo ah Agaasimaha Guud ee Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Benadir, ahna Guddomiyaha Guddiga Dib-u-dhiska iyo Horumarinta Caasimadda.Contact Somali Public Agenda's Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!
Wararka maanta iyo Soomaaliya
Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay kulan wadatashi ah oo ay ka soo qayb galeen madaxdii hore ee dalka iyo kuwa hadda talada haya.
Xoghayaha Guud ee QM Antonio Guterres ayaa Muqdisho booqday halkaasna kula kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Adeegyada ugu muhiimsan oo ay dowladuhu bixiyaan waxaa kamid ah in muwaadiniinta la siiyo dukumintiyada aqoonsiga dowladeed sida baasaboorrada, shahaadooyinka dhalashada, shatiga wadista baabuurta, iyo shahaadooyinka caddeynta dambi la'aanta. Aqoonsiyada dukumintiyada dowladeed ee Muqdisho laga bixiyo ayaa waaa bixiya hay'ado dowladeed iyo waaxyo hoos yimaada wasaaradaha amniga, gaadiidka, iyo sidoo kale dowladda hoose ee Muqdisho.Dadweynaha ku nool magaalada ayaa culeysyo kala duwan kala kulma helidda waraaqaha aqoonsiga oo ay dowladdu bixiso. Dhibaatooyinkaas waxa ay si gaar ah ugala kulmaan xafiisyada dowladda ee bixiya adeegyadan. Podcast-gan, Aweys Axmed iyo Maxamed Aadam ayaa ku falanqeynaya faallo ay dhawaan daabacday Somali Public Agenda oo ka hadleysay culeysyada lagu qabo helitaanka waraaqaha aqoonsiga ee dowladda.Contact Somali Public Agenda's Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!
Magaalda Muqdisho waxaa sanadihii dambe ka muuqday isbedello dhanka dhismeyaasha waddooyinka, guryaha, gaadiidka, maalgashiga ganacisga, iyo adeegyada kale ee dadweynaha. Hase ahaatee, isbedelladaasi waxaa barbar socday culeysyo kala duwan oo isu-socodka dadka iyo gaadiidka la xiriira, kuwaasoo ay dadweynaha magaaladu la kulmaan. Dadweynaha magaalada ayaa dhibaato kala kulma in ay goobo isku dhaw oo gudaha magaalada ah isaga kala gudbaan. Somali Public Agenda (SPA) ayaa daabacday faallo falanqeyneysa caqabadaha ku xeeran isu-socodka dadka iyo gaadiidka ee magaalada Muqdisho iyo saameynta ka dhalan karta. Podcast-gan waxa Maxamed Aadan, oo ah qoraaga faallada iyo sidoo kale maamulaha doodaha iyo cilmibaare katirsan Somali Public agenda, iyo Abdishakur Cawil, oo ah cilmibaare arrimaha qorsheynta iyo maareynta dhulalka iyo magaalooyinka, ay ku falanqeynayaan culeysyada ku xeeran isu-socodka dadka iyo gaadiidka ee magaalada Muqdisho, saameynta ka dhalan karta iyo xalka.Contact Somali Public Agenda's Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!
Waxaa caasimadda Muqdisho ku soo badanaya dilal iyadoo hay'adaha amaanka lagu dhaliilay inaysan waxba ka qaban amni darada ka jirta magaalada.
Maamulka Gobalka Banaadir ayaa baroor diiq ugu sameeyey Magaalada Muqdisho dadkii ku geeriyooday dhulgariirkii Turkiga iyo Suuriya
Soomaaliya aa Muqdisho ku qabatay shirka Dalalka Safka Hore, oo laba maalmood qaadanaya (31 Jan - 01 Feb) ayaa diirada lagu saaray sidii si wada jira looga hawlgali lahaa la dagaalanka argagixisada iyo mawaadiic kale.
Shirka Culimada Diinta Islaamka ayaa dhawr maalmood ka socday Muqdisho, soona gabagaboobay. C/laahi Khadar oo ka mid ah aqoonyahanka qurba joogta ah ee lagu marti qaaday shirka ayaa Laanta Afsoomaaliga ee Idaacada SBS ay ka waraysatay shirka iyo waxa uu daaranaa iyo natiijooyinka laga filayo inay kasoo baxaan go'aamadii lagu heshiiyey. Kaga bogo wax badan oo shirka ku saabsan waraysigan.
Qaar ka mida degmooyinka Gobalka Banaadir ayaa waxaa ka biloowday hawlgal amaanka lagu sugayo.
Dibad bax ka dhacay magaalada Muqdisho aayaa looga soo horjeeday Alshabaab. Madaxweynaha Soomaliya ayaa ka hadlay, isagoo dadweynihii isugu soo baxay lahadlay.
Shirka istratiijiyada Gobalka Banaadir oo 3 bari Muqdisho ka soconaya.
Shir arimaha caafimaadka looga hadlayey oo uu Ra'iisul Wasaare Xamse A Barre ka qaybgalay ayaa Muqdisho ka dhacay.
War-Murtiyeedkii ka soo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka oo lagu soo gabagabeeyay Muqdisho.
Xaalad adag oo dhanka abaaraha ayaa ka jirta Geeska Afrika. Wariyaha Laanta Afsoomaliga ee Idaacada SBS Australia Cabdixafiid ayaa booqday mid ka mida goobaha ay fadhiyaan barakacaasha yimid duleedka Muqdisho.
Hawlgalo ay fuliyeen ciidamada Booliska Soomaaliya, kana fuliyeen Muqdisho, ayaa waxa ay shaaciyeen in ay go'aansadeen in go'aama ay soo saareen ay muhiim u tahay amaanka caasimada.
Ciidamada Bilayska Soomaliya ayaa dadaala amaan sugida ka bilaabay xaafada ka mida magaalada Muqdisho, kadib markii xaalada amaan daro ay xaafadaha qaar kasoo cusboonaatay.
Xubno ka tirsan Jaaliyada Melbourne ayaa kulan ay isugu yimaadeen ka tacsiyeeyay dilkii Abwaan Badal Jaamac Xirsi oo dhawaan oo ay dhawaan kooxo hubaysan ku dileen magaalada Muqdisho.