Haji Warsame Academy (House of Wisdom) is the home of Somali creativity , and is a global leader in advancing and elevating the work of Somali artists, traditional and contemporary.

Shir naagood oo shan dhaafey waa shar

Shiikh markiis yimaado, shariifku shubaakaduu ka baxaa

Sagaaro intey tub joogtey bey tub kale dayataa

Ruuxba dhiishuu ruxduu caanaheeda dhamaa

Roob magaalo ku hoorey ramaas soo bixin maayee laamiguu ku raftaa

Reerka meelan loo husan looma haatiyo

Rag waxaa ugu liita ciil kama baxe iyo calooshiisa la ciyaare

Rag waxaa ugu faan badan mar dhoof iyo mar duul

Rag waa raggii hore hadalna waa intuu yiri

Rag la'aani waxba Kuma yeeshee rag xumaa ku disha

Quruxi waa ishaada, qiimana waa ayaankaaga

Qof nool oo ku hortaagan lagama quusto

Qof aan waxa soo socda garan waxa jooga ma garto

Qawl nin weyn ka dhacay waa qolof geed ka dhacay

Ood qaadis Iyo jiidis waa Isla guri geyn

Ood is qabsatey maroodina wey qarisaa

Ninkii uurka daba Illaah baa arka, ninkii Isha dabana aadanaa arka

Ninkii tiisa daryeelaa tu kale ku dara

Ninkii talin jirey hadduu tago, midaan talin jirin baa yimaada

Ninkii dhagar qaba dhulkaa u dhaqdhaqaaqa

Ninkii belaayadaada raba bowdkaagu qori ka jabsadaa

Ninkaad Ari weydiisaneyso geel weydii

Ninkii aragiisu ku deeqo ayaa oontiisuna ku deeqdaa

Ninka aan hadalka sugin warrankana ma sugo