Ogaalka Ruuxda | Nazreen zallah

Follow Ogaalka Ruuxda | Nazreen zallah
Share on
Copy link to clipboard

Magacaygu waa Nasreen Sallah; waxaan aad u daneeyaa arimaha ku saabsan wacyiga ruuxda, cilmiyada la xidhiidhka bulshada, Qaangaadhnimada maskaxda, wax ka barashada khibradaha nolosha, wax-yaalaha ku saabsan ibnu-aadamtinimada, walaalnimada, is jacaylka, daganaan-shiyaha, noolaan-shiyaha iyo nabad gudeedka.podcastkan waxa aan idin kula wadaagi doonaa si qoto dheer qisooyinka noloshayda ee aan wax ka bartay iyo kuwa aan wax ka baran doono ee ogaalkiina wax ku dari doona. Waxa aan kaga hadli doonaa muhiimada ay leedahay in aynu noolaano xaqiiqadeena, in aynu aqbalno abuurkeena iyo in aynu baadi goobanno duwanaan-shiyaheena,  si aynu ugu noolaano nolol isku miisaaman, farxad leh, daganaanshiyo leh oo ilaahay raali ka yahay,  nafteenuna raali ku tahay. "Talo waliba waxay ka iman doontaa qalbigeyga".

Nazreen Zallah


    • Sep 4, 2024 LATEST EPISODE
    • monthly NEW EPISODES
    • 23m AVG DURATION
    • 31 EPISODES


    Search for episodes from Ogaalka Ruuxda | Nazreen zallah with a specific topic:

    Latest episodes from Ogaalka Ruuxda | Nazreen zallah

    EPO10: Way kuu hagaagaysaa ilaahay idamkiisa| Xasuusin iyo xasiloni.

    Play Episode Listen Later Sep 4, 2024 12:59


    Xasuusinta xalqadanWixii aydun waydeen ee aydun aadka uga war warteen waayidiisa wax ka cajiibsan oo aydaan filan karahayin baydun badalkeeda helaysaan ilaahay awoodiisa ee fursada waydiisashada, fursada baryada iyo fursada ducada il-bidhiqsi ha hallaynin.لَا تَدْرِي لَعَلَّ اللَّهَ يُحْدِثُ بَعْدَ ذَلِكَ أَمْرًMacquul ilaaha waxa muuqda iyo waxa qarsoon labadaba ogi in uu idiinka dambeysiin doono marxaladahii qadhaadhaa ee aydun marteen wax qurux badan oo aydun gudo ahaan ku xasishaan. Barraa idiinka wacnaan dontaa ilaahay idankiisa manta.

    EPO9: 9 Qodob oo kaa caawin doona ina aad xasiloonaato gudo ahaan| Xasuusin iyo xasilooni.

    Play Episode Listen Later Sep 3, 2024 12:05


    Xalqadan waxa aan kaga hadlay 9 qodob oo ka mida wax-yaabaha kaa caawin doona in aad xasiloonaato gudo ahaan.

    doona gudo xalqadan
    EPO8 Xasuusin iyo xasilooni| Ma tihid qofkii aad ahayd mudooyin kahor.

    Play Episode Listen Later Aug 6, 2024 14:12


    Xasuusinta maantaWaliga wax kaa dhacay caruurnimo iyo wax kugu dhaca  wakhtiyo kahorow midna ha ceebaysanin.Waayo Khasaare maaha waxkastoon guda ahaan ku farxad galinini. Balse waa khibrad, waa waaya aragnimo, waa aqoon iyo dabar ku celin doona oo arimaha aad soo aragtay naftaada kama yeeli doontid markaad qoonsato markale inay kugu soo laba laabtaan.haaday jiraan waxyaalo aad ka timid ama waxyaabo hore,  oo aad isu ciilayso dartoodi ogoow inaad nooshahay wakhti kale, da. kale, xaalad kale iyo marxalad oo aad aragti cusub joogto. Waxyaabaha aad yeelaysayna aad u yeelaysay wakhtigaa garaadkaagu intuu jiray eed ahayd. Maantana intii laga yimid oo aad kortay naf ahaan, maan ahaan maskax ahaan, da.ahaan iyo garaad ahaan intaba.

    EPO7 Xasuusin iyo xasilooni| Muhiim maaha in aad guursato!

    Play Episode Listen Later Jul 29, 2024 26:29


    Xasuusinta xalqadanMuhiim ma aha in aad guursato mar hadii saaxibadaa, intii kuu dhawayd iyo intii aad taqaanay ay guursadeen.

    EPO6 Xasuusin iyo xasilooni| Dadka wanaagsani waa arsaaq.

    Play Episode Listen Later Jun 19, 2024 14:22


    Xasuusinta maantaCidladu marar badan waxa ay ka fiicantahay la joogista aad hadana cidlada dareemaysid. Ha dooranin nolol aad nooshahay badh noolaanshiyo.

    EPO5 Xasuusin iyo xasilooni| Qaladaadka aynu galno iyo kuwa laynaga galo!

    Play Episode Listen Later May 28, 2024 11:34


    Xasuusinta maanta.Qalad hadii aad gasho qoomamo haysku dilin.Qalad hadii lagaa galana qoomamo haysku dilin. Waxka baro, waxka korodhso, doorana in aad hore uga socoto cafisna dalbato, ama aad adigu cafido.

    EPO4 Xasuusin iyo xasilooni| Nasriga iyo guusha cid gaar ahi malaha| وتلك الأيام نداولها بين الناس “.

    Play Episode Listen Later May 19, 2024 15:37


    Xasuusinta maantaHadii aad dareemayso dareen ah in aan laguu qadarin in aad maruun guul gaadho, ama aad dareemayso in riyo aad jeclayd aanay kuu dhaboobi-karahaynin oo ay wakhtigan kugu adag-tahay in aad rumayso,Halka dadka inbadan oo ka mid ahi ay xikmada ilaahay gaadheen waxaa aad adigu doonaysey ee aanad wali gaadhin.Xasuuso aayada 140 suurada aali cimraan.Ilaahay wuxuu leeyahay  “وتلك الأيام نداولها بين  الناس “Sidaasaanu maalmaha dadka ugu kala wareejinaynaa, ama sidaasaanu ayaamaha dadka ugu kala wareejinaa.Ogoow Nasriga iyo guusha cid gaar ahi malaha. Maalina adigaa leh, maalina qayrkaa maalmana waynu wada yeelanaynaa oo waa wax caadiya ee da.daal ilaahayna talo saaro. laga yaabee in ayaamaha soo socda rabbi kuu rumeeyo riyo aanad awoodaada waligeed suuraha galine

    EPO3 Xasuusin iyo xasilooni| Naftaada ka saamax doorashooyinkii qaldanaa!

    Play Episode Listen Later May 5, 2024 11:25


    Xasuusinta maantaMurugo hadii aad dagaal kaga soo baxday ku faro adayg  farxada , nabada iyo daganaanshiyaha aad heshay.Dooro deegaan munaasab ah iyo dad aad nabadaada ku ilaashato. Door xasuusta wacnaanta leh ee aan ku carqaladayn dooni .

    EPO2 Xasuusin iyo xasilooni| Dadka ka fagoow fogaanshiyo qurux badan.

    Play Episode Listen Later Apr 30, 2024 10:21


    Qofka aydun dhaqan ahaan is af-garan waydeen ama si uun aydun nolosha ugu sii wada midoobi kari waydeen  “واهجرهم هجرا جميلا “. Haajiraad qurux badan ka haajir ka fogaanshiyo qurux leh ka fagoow, masaafo  nadiifana u jirso.Xasuusinta xalqadan.Afkaagu ruuxii uu waangiisa tirinayay shalay, Maanta isla afkaagii yuu xumaantiisa tirinin.Dadka sikale, wakhti kale iyo waayo kaleba waydin kulmin doonaane. Salam.

    Xasuusin iyo xasilooni| Raali-galinta dadka.

    Play Episode Listen Later Apr 25, 2024 13:51


    Xasuusinta xalqadan Bani aadamka awoodiisa waa la xadiday, waala xadeeyay waana la xakameeyay. Wixii se aad iinsaan ka heli waydo ilaahay xagiisa ka doono, ilaahay xagiisa ka raadso, ilaahayna xagiisana ka baadi doono.Waa ilaaha iska leh sifada kamaalka, dhamaystirnaanta, iyo isleekaanshiyaha.Waa rabiga aan agtiisa waxba laga waayin, agtiisa waxba laynagu yeelin. Talo saarashadiisana badbaada aynu bidno oo aynaan ku hungoobin.Ugu dambaynWaxkaste aynu kala doono oo aynu hadana kala wayno ee wanaag ah, rabbi baa leh oo awoodooda bixiya, ee xasuuso.

    Maxaynu uga baahanahay in aynu garab kala helno? |Taageerada maskaxda iyo Qur.aanka | Mental support.

    Play Episode Listen Later Mar 22, 2024 30:25


    Fariimaha yar yar ee aynu helno ayaamaha aynu ugu baahida badannahay laabteena waxbay taraan oo meesha inagu bannaan ayay badh gufeeyaan oo dhaxan tiraan. Si taa la mid ah dadyowga aynu garabka erayadeena iyo wehelnimadeena ku siino ayaamaha nugeyl-koodana meel bay u buuxiyaan aanu garanahaynin ruuxa baahida u qaba mooyee ruux kale oo dibada ka taagani.Garab kala hela wakhtiyada adag

    Talooyin gabdhaha quseeya| gabadhyahay dhagayso.

    Play Episode Listen Later Mar 11, 2024 10:06


    Gabadhnimadu waa hal adayg-nimo iyo dhib qurux badan.

    12 qodob oo kaa caawin doona u diyaar garawga bisha ramadaan.

    Play Episode Listen Later Mar 3, 2024 16:49


    Waa 12 qodob oo aydun intiina badan garanaysaan laakiin aan jeclaaday in aan idin xasuusiyo si aydun ugu diyaar noqotaan gudo ahaan,  dibad ahaan, iyo guri ahaanba bisha barakaysan ee ramadaan. Waa xalqad dhalinyarta aad u quseysa iyo sidoo kale cidkaste oo danayneysaba.

    Waa maxay sababta aynu wax u raagsano, marka aynu helno wixii aynu raagsanayna uga xiiso dhacno helida kadib?

    Play Episode Listen Later Feb 21, 2024 21:21


    Xalqadan waxa aan kaga hadlay wax-yaalo dhawra oo quseeya qiimaynta wax-yaalaha aynu haysano,  u fiirsashada quruxda ay leeyihiin wax-yaalaha yaryari iyo jawaabo laba su.aalood oo wakhti hore la i waydiiyay.Eray waliba wuxuu ka yimid qalbigeyga dhagaysi wanaagsan.

    marka xalqadan
    Codka gudaha| الصوت الداخلي | Qalbiga iyo caqliga midkee go.aanka laga gaadhaa?

    Play Episode Listen Later Feb 12, 2024 24:38


    Xalqadan waxa aan kaga hadlay Codka guduhu waxa uu yahay, qaybihiisa, noocyada uu u kala baxo, saamaynta uu inagu yeelan karayo ee togan iyo saamaynta uu inagu yeelan karayo ee taban.Waxa aan kaga hadlay caqliga iyo qalbiga codadkooda, kala duwanaan-shiyahooda iyo go.aan qaadashada. ugu dambayn waxa aan kaga hadlay muhiimada ay leedahay in aad iska xakamayso codka gudaha ee taban, kana war-qabto xiliga iyo xaalada uu caqligaaga qaybta dahsooni kugu dafcinayo in aad is canaanato.

    laga xalqadan
    Garaadka caadifada|‎الذكاء العاطفي |xirfada fahamka iyo la dhaqanka naftaada iyo nafaha dadka kugu xeeran.

    Play Episode Listen Later Feb 4, 2024 29:35


    Xalqadan waxa aan kaga hadlay waxa loo yaqaan Garaadka caadifadaEmotional intelligence, garaadka caadifadu waa xirfada fahamka, la dhaqanka, maamulka, maaraynta, xakamaynta iyo af-garadka naftaada, nafaha dadka kugu xeeran ee ah dadyawga aad inta u badan la dhaqmayso  iyo sidoo kale xirfada fahamka iyo wacyi u yeelasha a nolosha. waxyaalo mawduucan quseeya ayaan kaga hadlay xalqadan dhagaysi wanaagsan.

    dadka xalqadan
    Maxaan ka bartay aayadaha ugu horeeya suuratul baqra| Muhiimada Qur.aanka

    Play Episode Listen Later Jan 22, 2024 24:03


    Ruuxdaada cibaadada iyo qur.aanka ku ilaali, marxalada dhalinyarnimadana  ilaahay xadhigiisa adkeeXalqadan  waxaan kaga hadlay faa.idooyinka qur.aanka. Waxaan kaga hadlay wax-yaalo aan  ka bartay aayadaha ugu horeeya suuratul baqra. Waxaan kaga hadlay marxalda dhalinyarnimada iyo dhibteeda, waxaan kaga hadlay toosnaanta, dhawrsoonaanta iyo hanuunkaba in rabbi cidda uu doono uu waafajiyo.

    Ka kabashada dhaawacyada caruurnimo| healing from childhood trauma.

    Play Episode Listen Later Jan 14, 2024 28:42


    Xalqadan waxa aan kaga hadlay 8 wax oo aasaas u ah ka kabashada dhaawacyada caruurnimo, sidoo kale waxa aan kaga hadlay labada dhaawac ee ina soo gaadhi karaya oo kala ah ka waynaanimo inagu soo gaadhi karaya iyo ka caruurnimo inagu soo gaadhi karaya.Waxaan kaga hadlay sida ay saamayn inoogu yeelan karayaan labaduba iyo sida uu uga saamayn xoogan yahay dhaawaca yaraanimo laynoogu gaystaa' dhaawaca waynaanimo inagu gaadha. Sidoo kale waxaan kaga hadlay sida ay tahay in aad dhaawacyadaa ula dhaqantid iyo sidoo kale talaabooyinka ugu horeeya ee ad kaga bogsan kartid.XasuusinHadii aad dareemayso in dhaawaca yaraanimo kugu soo gaadhay uu saamayn aad ah kugu hayo xad aad ka fakarayso in aad is disho ama aad dhimato fadlan dhakhtar, la taliye, ama qof aqoon  u leh oo therapy kuu sameeya la xidhiidh .

    Qaybteena caruurnimo iyo dhaawacyadii yaraanimo| Waa maxay qaybtaada caruurnimo | inner child

    Play Episode Listen Later Dec 23, 2023 39:46


    Xalqadan waxa aan kaga hadlay qaybteen caruurnimo [  inner child ]. الطفل الداخلي  Waxa ay tahay qaybteena caruurnimo iyo dhaqamada ama afcaasha lagu garto, Meelaha aynu kaga dhaqano iyo cida aynu kula dhaqmi kartno. Waxa kaloon kaga hadlay dhaawaca yaraanimo inagu soo gaadhaa sida uu nolosheena u saamaynayo sidoo kalena qaybteena caruurnimo uu u saamayn karayo.Xalqadan wax-badan baan ku sharaxay oo quseeya inner child oo aan ku rajo way-nahay in aydun ka faa.idi doontaan hal ama laba shay.Dhagaysi wanaagsan

    2023 dabiicadahan nabad galyee | shakhsiyada daciifka ah. ضعف الشخصية

    Play Episode Listen Later Dec 4, 2023 35:25


    Xalqadan waxa aan kaga hadlay 9 dhaqan ama 9 dabiicadood oo aynu yeelan karno, isla markaana aynu ku yeelan karno qofnimo jilicsan, daciifnimo shakhsiyadeed iyo nugayl qofnimo.Waxaan rajaynayaa in ay wacyi kugu dari doonto, sidoo kale wax kugu biirin doonto.Mahadsanidin.

    xalqadan
    3 shay oo kaa caawin doona inaad dareenkaaga fahanto | maamulka dareemada.

    Play Episode Listen Later Nov 25, 2023 30:04


    Xalqadan  waxa aan kaga hadlay Maamulka, maaraynta la dhaqanka iyo fahmida dareemada. Waxa aan kaga hadlay 3 shay oo kaa caawin doona inaad fahanto dareenkaaga, inaad la dhaqanto waxa aad dareemayso sidoo kalena aad maamusho.Fahamka dareenkaagu waxa uu kaa caawin doonaa in aad noolaato nolol aad la dhaqmi karayso naftaada, noloshaada iyo noolaan-shiyahaaga.

    doona xalqadan
    Jacaylka caqliga, jacaylka qalbiga iyo jacaylka isu miisaaman | ogaalka quseeya jacaylka Q2

    Play Episode Listen Later Nov 17, 2023 43:58


    Xalqadan waxa aan kaga hadlay 3 ka mid noocyada ay dadku isu jeclaadaan, oo kala ah jacaylka caqliga, jacaylka qalbiga iyo jacaylka isu miisaaman ee ah jacaylka ruuxda.Waxa aan kaga hadlay dadka caqliga iska jeclaada sifooyinkooda, dadka qalbiga iska jeclaada sifooyinkooda iyo dhibaatooyinka ay kala dhaxlaan mudada wada xidhiidhkooda, haday waalid yihiin, haday saaxibada yihiin, haday dadka guurka wadaagaya yihiin iyo haday dadka haasaawaya yihiinba.Waxa kaloon kaga hadlay marxalada jacayl ee isu miisaaman sida loo gaadhi karayo. 

    xalqadan
    Ogaalka quseeya jacaylka!!, waa maxay jacaylku? Muhiimada jacaylka.

    Play Episode Listen Later Nov 7, 2023 18:04


    Xalqadan waxa aan kaga hadlay wacyiga caamka ah ee ku aadan aragtideena dhanka jacaylka, ka bulsho ahaan. waxa aan kaga hadlay muhiimada jacaylka iyo sida guud waxa uu jacaylku yahay.Xalqadan xalqada xigta waxa aan idinkula wadaagi doonaa 3 nooc oo aynu jacaylka u dareeno, isu jeclaano ama dadku ay isu jeclaadaan. Waxa aan idinkula wadaagi doonaa kala duwanaan-shiyaha jacaylka iyo iinsaanku sida uu ukala dareemo aniga oo adeegsanaya maraaxisha wacyiga iyo qofka.

    xalqadan
    5 wax oo kuu fududeyn doona in aad naftaada barato.| muhiimada is-barashada.|know thyself|

    Play Episode Listen Later Oct 29, 2023 28:27


    Xalqadani waxa ay ka hadlaysaa;Fahamka guud ee is barashada, muhiimada ay leedahay is barashadu ama muhiimada ay qofka uleedahay in uu is bartaa, waxa kale oo aan kaga hadlay 5 wax oo samayntooda iyo yeelidoodu ay kuu fududayn doonto in aad naftaada barato hadii aad dabaqdo.way ka badan-yihiin laakiin 5 ayaan u arkaa in ay aasaas u tahay kolka aad doonayso in aad naftaada wax ka barato.

    Waa maxay sababta aad dareen ahaan u daalan-tahay? | Emotional exhaustion |

    Play Episode Listen Later Oct 20, 2023 29:39


    Xalqadani waxa ay kaa caawin doontaa in aad fahanto sababta aad maskax ahaan ama dareen ahaan u daalan-tahay.

    Ruux kaste oo dareen ahaan daalayoow, way kuu hagaagi doontaa ilaahay idankiisa❤️‍

    Play Episode Listen Later Oct 14, 2023 12:27


    Marar badan dibad ahaan ama jidh ahaan in aynu u daalno ayaa dhaanta gudo ahaan in aynu u daalno.Jidh ahaan marka aynu u daalno waxa aynu awood u yeelanaa in aynu gama.no, in aynu nasano iyo in aynu jiifka nafis ku dareeno, balse dareen ahaan hadaynu u tacabno'  hurdona inooma dhadhanto, jiifna kuma ladno, dhinaca aynu dhulka iyara dhignaana daalka inagama biiyo, fadhina nafis kuma dareeno.In-badan oo idinka mid ahina waa hubaanti in ay dareemayaan, ama ay hore u dareemeen kolka ay arini ku timid ee ay xalna waayeen, haba ka gudbeene.Xalqadan waxaan jeclaaday in qoraal ka mid ah qoraaladayda aan idinla wadaago haba yaraadee. Ruux-kaste oo daal gudeed, tacab dareen iyo nasiino la.aan gudeed dareemayoow way kuu hagaagi doontaa ilaahay idankiisa.Waan ku jeclahay

    Waa maxay wacyigu ? | Kala duwanaan-shiyaha qofka ogaalka leh iyo qofka aan ogaalka lahayn|"الوعي "

    Play Episode Listen Later Sep 29, 2023 54:06


    Wacyigu waa  urursiga khibradeed  ee isku gaadh gaadha ama isku biir biirsada ruuxa gudihiisa. Waa xaalada ay qofka afkaartu  caqligiisa ku kaydsanto, kadib ay afkaartaasi isu gadido khibrad.xalqadan ayaan kaga hadlay qaybo ogaalka quseeya dhagaysi wanaagsan.

    Dhibaatada dad isla barbar dhiga | comparison problem.

    Play Episode Listen Later Sep 23, 2023 34:53


    Isla barbar-dhiga dadkuWaa xaalad dahaadh ka saari karaysa qofka bi.ni aadamka ah duwanaan-shiyihiisa, ama quruxda wax-yaalaha uu haystaa ay leeyihiin.Waa marxalad ay tahay inta badan in aynu ka feejignaano, oo aynu la dagaalanno waayo waxa ay inta badan ka xayuubisaa, amaba shakhsiga ka qaadaa dhadhankii iyo macaankii uu ku heli lahaa ama ka heli lahaa intay fursaduhu u saamaxeen iyo wuxuu itaalkiisa taray ee uu awoodiisa qabsaday.Ruux-kaste quruxbaa  gudihiisa ah, hadii uu is aamino.Qof-kastena duwanaan-shiyaa dhexdiisa ah,kolka uu qofba, qofka kale uu u ogolaado in uu duwanaan-shiyihiisa dibada keenana wax-yaabo kala duwan oo qurux badan ayaa ka soo dhex baxaya.Kala duwanaan-shiyahaa wax qurxiya.

    Dhibaatooyinka dareemada la kaydsado' | [Cabir dareenkaaga] Express your feelings and emotions.

    Play Episode Listen Later Sep 15, 2023 33:54


    Dareen kaste oo aan laysku caabbiyin, laysku celinin, oo dibada hawshiisa laysaga soo saaro waa la illaabaa.Xalqadan waxa aan kaga hadlay  muhiimada ay leedahay in aynu dareenkeena cabirno, muhiimada ay leedahay in aynu tabashadeena isu gudbino, faa.idooyinka laga dhaxlo wax isu tabinta iyo dhibaatada ka timaada hadii aynu dareemada kaydsano, amaba aynu doorano in aynu isku cabudhino wixii aynu dareeno.Is caabinta, dareen isku celinta, ka baqashada in ruux jilicsan lagu moodo hadii aad tabashadaada sheegto, iyo ma ogolaanshiyaha ah dibada in aad keento dareenka hadba cidhiidhyaya laabtaada ayaa sababa in uu dareenka cuslaynaya gudahaagu  sii joogo oo uu wakhti badan kula walaaloobo xal la.aan.

    express feelings and emotions xalqadan dhibaatooyinka
    Ku lifaaqanka dareen ee xanuunka inna bida | التعلق | Attachment.

    Play Episode Listen Later Sep 6, 2023 41:04


    - Xalqadani waxa ay kaa caawin doontaa Fahamka guud ee ku lifaaqanka dareen ee xanuunka qofka bidi kara ilaa heer uu is waayo (Attachment ).- Waxa aan kaga hadlay wax-yaabaha aasaaska u ah amaba sababa in uu qofku wax jeclaado jacayl aan caafimaad qabin amaba uu dareen ahaan iyo afkaar ahaan si fudud wax, shay amaba cid ugu lifaaqmo illaa heer uu dhibaato ku muto.-  Cidda aynu dareen ahaan ku lifaaqmi karno illaa xad aynu is wayno, hadii ay tahay xaasaska, waalidka, walaalaha, dadyowga aynu sheeko wadaaga nahay, saaxibada amaba wax-yaabaha kale ee aynu si uun ula dhaqano haday shaqo tahay iyo hadii ay wax-kale tahayba.- Waxa kale oo aan kaga hadlay xalqadan Tusaalayaasha aad ku garan karto in aad jacayl caafimaad qaba wax jeclayn balse aad jacayl aan caafimaad qabin wax jeceshahay.- Iyo sida aad isu caawin karto, amaba aad u yeelan karto wacyiga quseeya jeclaan-shiyaha aan fayoobeyn ee aad naftaada ku dhibaateyn karto, dadka kalena dhib uugu gaadhsiin karto.

    HORDHAC

    Play Episode Listen Later Aug 16, 2023 5:09


    Noloshuba waa safar ay hareero yihiin tijaabooyin,  tijaabooyinkaas oo aynu leenahay doorashada aynu wax kaga baranayno iyo doorashada ah in aynu iska noolaano, oo aynu door-bidno in aynaan waxba uga fiirsanin wax-yaabaha qadarku inala kulminayo iyo wax-yaabaha sida joogtada ah inoo soo maraya wakhtiga noolaan-shiyaheena.podcastkan waxa aan idin kula wadaagi doonaa si qoto dheer qisooyinka noloshayda ee aan wax ka bartay iyo kuwa aan wax ka baran doono ee ogaalkiina wax ku dari doona.waxa aan idiinku soo gudbin doonaa wax-kaste oo ka qayb qaatay in aan xaqiiqadayda noolaado, wax-kaste oo ii fududeeyay in aan duwanaan-shiyahayga hanto iyo wax-kaste  oo ii  sakhiray in aan la xidhiidho xikmada qalbigeyga iyo isla caalamka gudahayga.waxa aynu si wada jir ah ugu dadaali doonaa in aynu ku noolaano nolol isku miisaaman dhanka jidhka iyo dhanka ruuxda  si aynu u helno nabad gudeed, daganaanshiyo iyo nolol wixii mashaakil ah xalkeeda la raadiyo, intii laga meeraysan lahaa in xaqiiqada la wajaho. 

    Claim Ogaalka Ruuxda | Nazreen zallah

    In order to claim this podcast we'll send an email to with a verification link. Simply click the link and you will be able to edit tags, request a refresh, and other features to take control of your podcast page!

    Claim Cancel