Podcasts about xalqadan

  • 11PODCASTS
  • 52EPISODES
  • 25mAVG DURATION
  • 1MONTHLY NEW EPISODE
  • Sep 3, 2024LATEST

POPULARITY

20172018201920202021202220232024


Best podcasts about xalqadan

Latest podcast episodes about xalqadan

Ogaalka Ruuxda | Nazreen zallah
EPO9: 9 Qodob oo kaa caawin doona ina aad xasiloonaato gudo ahaan| Xasuusin iyo xasilooni.

Ogaalka Ruuxda | Nazreen zallah

Play Episode Listen Later Sep 3, 2024 12:05


Xalqadan waxa aan kaga hadlay 9 qodob oo ka mida wax-yaabaha kaa caawin doona in aad xasiloonaato gudo ahaan.

doona gudo xalqadan
Xidhiidhada Nolosha Podcast
Tacadiga Narcissistic Abuse| Q-1aad

Xidhiidhada Nolosha Podcast

Play Episode Listen Later Jul 23, 2024 25:46


Fariin ii reeb :)Calaamado noocma ah ayaad ku garan kaartaa tacadiga loo yaqaano Narcissistic abuse? Muxuu kaga duwan yahay xidhiidhada kale ee aan fayoobayn ee loo yaqaano 'toxic relationships'. Xalqadan waxan kaga hadlay astaamaha iyo saamaynta tacadiga noocan ah.Dhagaysi wacan. https://www.instagram.com/xidhiidhadanoloshapodcast?igsh=emczMDAzMnEzemFp

Xidhiidhada Nolosha Podcast
Dabeecada Shaki - Abuurka| Gaslighting| Q-2aad

Xidhiidhada Nolosha Podcast

Play Episode Listen Later Jul 16, 2024 21:09


Fariin ii reeb :)In badan oo inaga midi kuma baraarugsanin dhibta ay leedahay dabeecadan loo yaqaano 'gaslighting'. Xalqadan iyo ta isbuuca soo soco taba waxaan kaga hadli doonaa saamaynta dabeecadani kuleedahay xidhiidhada iyo qofka noloshiisaba. Sido kale talo siin quseysa cid kaste si ay u arkaan haday dabeecadani tahay mid ka dhex muuqata xidhiidhada ay dadka la leeyihiin. Dhagaysi Wacan. https://www.instagram.com/xidhiidhadanoloshapodcast?igsh=emczMDAzMnEzemFp

Xidhiidhada Nolosha Podcast
Dabeecada Shaki - Abuurka| Gaslighting| Q-1aad

Xidhiidhada Nolosha Podcast

Play Episode Listen Later Jul 10, 2024 16:21


Fariin ii reeb :)In badan oo inaga midi kuma baraarugsanin dhibta ay leedahay dabeecadan loo yaqaano 'gaslighting'. Xalqadan iyo ta isbuuca soo soco taba waxaan kaga hadli doonaa saamaynta dabeecadani kuleedahay xidhiidhada iyo qofka noloshiisaba. Sido kale talo siin quseysa cid kaste si ay u arkaan haday dabeecadani tahay mid ka dhex muuqata xidhiidhada ay dadka la leeyihiin. Dhagaysi Wacan. https://www.instagram.com/xidhiidhadanoloshapodcast?igsh=emczMDAzMnEzemFp

Janaat  Podcast
EP -11 Waalidka iyo Ubadka

Janaat Podcast

Play Episode Listen Later May 19, 2024 33:56


Xalqadan waxa marti ku ah hooyaday macaanWaxaan kawada sheekaysanaynaa sida waalidku u xoojin karo inuu soo saaro ilmo baariya aduun iyo aakhirana anfac leh insha allahDhawrsan Nasir / Counseling psychologist ❤️

xalqadan
Janaat  Podcast
Ep-9 Sidee naftaada u caawinaysaa marka dhib kula kulmo

Janaat Podcast

Play Episode Listen Later May 7, 2024 30:02


Xalqadan waxaynu kaga hadlaynaa dhawr qodob- sidee loo xoojiya xidhiidhka alle- Sidee u caawin kartaa naftaada marka dhib dareemaysidDhawrsan Nasir/ counseling psychologist 

marka kula xalqadan
Janaat  Podcast
Ep-5 - Postpartum depression| depression ka dhalmada kadib | الاكتئاب بعد الولادة

Janaat Podcast

Play Episode Listen Later Apr 14, 2024 23:19


Xalqadan waxay inaga caawin doonta fahanka xanuunka depression ku dhaca hooyada dhalmada kadib  (postpartum depression)waxyaabaha sababa iyo sida loo daaweyo Dhawrsan Nasir / counseling psychologist 

postpartum depression depression depression xalqadan
Janaat  Podcast
EP-4 Depression | الاكتئاب | isku buuq( Qulub)

Janaat Podcast

Play Episode Listen Later Mar 24, 2024 23:00


Xalqadan waxaynu kaga hadlaynaa xanuunka depression ka waxyaabaha sababa iyo sida loola tacaali karo waxaan rajaynayaa inay caawiso xalqadani in baddan oo inaga mida Dhawrsan Nasir/ counselling psychologist Janaat podcast 

Janaat  Podcast
Teenager | سن المراهقة | Da,ada Qaangaadha (13-20 sano)

Janaat Podcast

Play Episode Listen Later Mar 15, 2024 29:01


Xalqadan  waxaynu kaga hadlaynaa is badala dhaca wakhtiga qaangaadh-ka ee 13-20 sano ,  waxaynu  kusoo qaadan doona   xogo iyo macluumad kaa caawin doona fahanka maxalada ay maryaan ubadkeena ku jira xiliganDhawrsan Nasir / counselling psychologist Janaat podcast 

Janaat  Podcast
Ep:2 Baahiyaha Nafsiga Ee aadanaha / Psychological needs / الحاجات النفسية

Janaat Podcast

Play Episode Listen Later Mar 9, 2024 20:00


Xalqadan waxaynu kaaga hadlaynaa da,a kasta baahiyaha nasfiyadeed ee ay leeday, si aynu ugu baraarugsanaano wakhtigaynu marayno maxa inoo muhiima oon ahayn cunto iyo cabitaan Dhawrsan Nasir counselling psychologist

Xidhiidhada Nolosha Podcast
Dhaqamada Xidhiidhada fayow Q-2aad

Xidhiidhada Nolosha Podcast

Play Episode Play 56 sec Highlight Listen Later Feb 27, 2024 22:18


Xalqadan waxaan kusoo gudbinayaa qaab ka ay tahay qofku inoo uga war hayo naftiisa iyo dhaqamadiisa xidhiidhada dhexdooda iyo sidoo kale su'aasha ay tahay in uu qofku  naftiisa waydiiyo marka ay noqoto xidhiidhadii hore uu ugu jiri jiray ee uu ku tilmaamo xidhaadho aan fayoobayn. Dhagaysi wacan. Facebook https://www.facebook.com/amaalhaybe.coachingInstagram https://www.instagram.com/p/CpHdlduoJwD/?igshid=YmMyMTA2M2Y=

xalqadan
Ogaalka Ruuxda | Nazreen zallah
Waa maxay sababta aynu wax u raagsano, marka aynu helno wixii aynu raagsanayna uga xiiso dhacno helida kadib?

Ogaalka Ruuxda | Nazreen zallah

Play Episode Listen Later Feb 21, 2024 21:21


Xalqadan waxa aan kaga hadlay wax-yaalo dhawra oo quseeya qiimaynta wax-yaalaha aynu haysano,  u fiirsashada quruxda ay leeyihiin wax-yaalaha yaryari iyo jawaabo laba su.aalood oo wakhti hore la i waydiiyay.Eray waliba wuxuu ka yimid qalbigeyga dhagaysi wanaagsan.

marka xalqadan
Ogaalka Ruuxda | Nazreen zallah
Codka gudaha| الصوت الداخلي | Qalbiga iyo caqliga midkee go.aanka laga gaadhaa?

Ogaalka Ruuxda | Nazreen zallah

Play Episode Listen Later Feb 12, 2024 24:38


Xalqadan waxa aan kaga hadlay Codka guduhu waxa uu yahay, qaybihiisa, noocyada uu u kala baxo, saamaynta uu inagu yeelan karayo ee togan iyo saamaynta uu inagu yeelan karayo ee taban.Waxa aan kaga hadlay caqliga iyo qalbiga codadkooda, kala duwanaan-shiyahooda iyo go.aan qaadashada. ugu dambayn waxa aan kaga hadlay muhiimada ay leedahay in aad iska xakamayso codka gudaha ee taban, kana war-qabto xiliga iyo xaalada uu caqligaaga qaybta dahsooni kugu dafcinayo in aad is canaanato.

laga xalqadan
Ogaalka Ruuxda | Nazreen zallah
Garaadka caadifada|‎الذكاء العاطفي |xirfada fahamka iyo la dhaqanka naftaada iyo nafaha dadka kugu xeeran.

Ogaalka Ruuxda | Nazreen zallah

Play Episode Listen Later Feb 4, 2024 29:35


Xalqadan waxa aan kaga hadlay waxa loo yaqaan Garaadka caadifadaEmotional intelligence, garaadka caadifadu waa xirfada fahamka, la dhaqanka, maamulka, maaraynta, xakamaynta iyo af-garadka naftaada, nafaha dadka kugu xeeran ee ah dadyawga aad inta u badan la dhaqmayso  iyo sidoo kale xirfada fahamka iyo wacyi u yeelasha a nolosha. waxyaalo mawduucan quseeya ayaan kaga hadlay xalqadan dhagaysi wanaagsan.

dadka xalqadan
Xidhiidhada Nolosha Podcast
Qaab - Xidhiidheed| Attachment Style

Xidhiidhada Nolosha Podcast

Play Episode Listen Later Jan 23, 2024 41:31


In badan ma maqashay Attachment style? Ma iskudayday in aad wax kaa fahantid qaab-dhaqameedkaaga xidhiidhada dhexdooda se ma rabtaa ama diyaar ma u tahay in aad si daacada naftaada wax uga ogaatid si aad u garan kartid daldaloolada aad leedahay shakhsi ahaan ee mararka qaar saameeyaa xidhiidhada aad dadka la leedahay?Xalqadan 1aad ee Season 2 dhagayso si aad u qaadid talaabada u horeysa ee kaa caawinaysaa kuuguna riixi doonta in aad isbadal la timaadid dhinaca xidhiidhada aad dadka kale la leedaahay.  Dhagaysi wacan. Sidoo kale ka faaidayso tababar (group coaching program) aan bilaabayo bisha February 3rd oo aad kuheli kartid qiimo dhimis 50% ah -  Halkan iska diiwangali  https://forms.gle/DaUFAFshGHov6ewz7Facebook https://www.facebook.com/amaalhaybe.coachingInstagram https://www.instagram.com/p/CpHdlduoJwD/?igshid=YmMyMTA2M2Y=

Ogaalka Ruuxda | Nazreen zallah
Ka kabashada dhaawacyada caruurnimo| healing from childhood trauma.

Ogaalka Ruuxda | Nazreen zallah

Play Episode Listen Later Jan 14, 2024 28:42


Xalqadan waxa aan kaga hadlay 8 wax oo aasaas u ah ka kabashada dhaawacyada caruurnimo, sidoo kale waxa aan kaga hadlay labada dhaawac ee ina soo gaadhi karaya oo kala ah ka waynaanimo inagu soo gaadhi karaya iyo ka caruurnimo inagu soo gaadhi karaya.Waxaan kaga hadlay sida ay saamayn inoogu yeelan karayaan labaduba iyo sida uu uga saamayn xoogan yahay dhaawaca yaraanimo laynoogu gaystaa' dhaawaca waynaanimo inagu gaadha. Sidoo kale waxaan kaga hadlay sida ay tahay in aad dhaawacyadaa ula dhaqantid iyo sidoo kale talaabooyinka ugu horeeya ee ad kaga bogsan kartid.XasuusinHadii aad dareemayso in dhaawaca yaraanimo kugu soo gaadhay uu saamayn aad ah kugu hayo xad aad ka fakarayso in aad is disho ama aad dhimato fadlan dhakhtar, la taliye, ama qof aqoon  u leh oo therapy kuu sameeya la xidhiidh .

Xidhiidhada Nolosha Podcast
Dib u eegid| Gunaanadka season 1

Xidhiidhada Nolosha Podcast

Play Episode Listen Later Jan 9, 2024 17:54


Xalqadan waxay tahay  qaab aad dib ugu eegi doontid isbadalka aad dareentay intii aan ku xidhnayd podcast kan waliba xidhiidh ka naftaada aad la leedahay iyo siduu isku badalay. Waxaad ka jawaabi doontaa 10 su'aalood oo taban doonaa qaybaha kala duwan ee noloshaada adoo wakhti naftaada siinaya wakhtina la qaadanaya. Dhagaysi wacan. Facebook https://www.facebook.com/amaalhaybe.coachingInstagram https://www.instagram.com/p/CpHdlduoJwD/?igshid=YmMyMTA2M2Y=

xalqadan
Ogaalka Ruuxda | Nazreen zallah
Qaybteena caruurnimo iyo dhaawacyadii yaraanimo| Waa maxay qaybtaada caruurnimo | inner child

Ogaalka Ruuxda | Nazreen zallah

Play Episode Listen Later Dec 23, 2023 39:46


Xalqadan waxa aan kaga hadlay qaybteen caruurnimo [  inner child ]. الطفل الداخلي  Waxa ay tahay qaybteena caruurnimo iyo dhaqamada ama afcaasha lagu garto, Meelaha aynu kaga dhaqano iyo cida aynu kula dhaqmi kartno. Waxa kaloon kaga hadlay dhaawaca yaraanimo inagu soo gaadhaa sida uu nolosheena u saamaynayo sidoo kalena qaybteena caruurnimo uu u saamayn karayo.Xalqadan wax-badan baan ku sharaxay oo quseeya inner child oo aan ku rajo way-nahay in aydun ka faa.idi doontaan hal ama laba shay.Dhagaysi wanaagsan

Xidhiidhada Nolosha Podcast
Kalsooni Dhisid Q-2aad

Xidhiidhada Nolosha Podcast

Play Episode Listen Later Dec 12, 2023 22:01


Waa maxay talaabooyinka (hab-dhaqano) ay tahay qofku inuu sameeyo si uu kalsoonida uu naftiisa kuqabo ay kor u kacdo? Xalqadan waxaad ku baran doontaa dhowr qodob oo kala duwan oo la xidhiidha qaybaha kala duwan ee nolosha iyo sidaad u noqon lahayd qof ku kalsoon awoodihiisa wakhtiyada adag iyo wakhtiyada fududba. Dhagaysi wacan. Facebook https://www.facebook.com/amaalhaybe.coachingInstagram https://www.instagram.com/p/CpHdlduoJwD/?igshid=YmMyMTA2M2Y=

waa xalqadan
Ogaalka Ruuxda | Nazreen zallah
2023 dabiicadahan nabad galyee | shakhsiyada daciifka ah. ضعف الشخصية

Ogaalka Ruuxda | Nazreen zallah

Play Episode Listen Later Dec 4, 2023 35:25


Xalqadan waxa aan kaga hadlay 9 dhaqan ama 9 dabiicadood oo aynu yeelan karno, isla markaana aynu ku yeelan karno qofnimo jilicsan, daciifnimo shakhsiyadeed iyo nugayl qofnimo.Waxaan rajaynayaa in ay wacyi kugu dari doonto, sidoo kale wax kugu biirin doonto.Mahadsanidin.

xalqadan
Ogaalka Ruuxda | Nazreen zallah
3 shay oo kaa caawin doona inaad dareenkaaga fahanto | maamulka dareemada.

Ogaalka Ruuxda | Nazreen zallah

Play Episode Listen Later Nov 25, 2023 30:04


Xalqadan  waxa aan kaga hadlay Maamulka, maaraynta la dhaqanka iyo fahmida dareemada. Waxa aan kaga hadlay 3 shay oo kaa caawin doona inaad fahanto dareenkaaga, inaad la dhaqanto waxa aad dareemayso sidoo kalena aad maamusho.Fahamka dareenkaagu waxa uu kaa caawin doonaa in aad noolaato nolol aad la dhaqmi karayso naftaada, noloshaada iyo noolaan-shiyahaaga.

doona xalqadan
Ogaalka Ruuxda | Nazreen zallah
Jacaylka caqliga, jacaylka qalbiga iyo jacaylka isu miisaaman | ogaalka quseeya jacaylka Q2

Ogaalka Ruuxda | Nazreen zallah

Play Episode Listen Later Nov 17, 2023 43:58


Xalqadan waxa aan kaga hadlay 3 ka mid noocyada ay dadku isu jeclaadaan, oo kala ah jacaylka caqliga, jacaylka qalbiga iyo jacaylka isu miisaaman ee ah jacaylka ruuxda.Waxa aan kaga hadlay dadka caqliga iska jeclaada sifooyinkooda, dadka qalbiga iska jeclaada sifooyinkooda iyo dhibaatooyinka ay kala dhaxlaan mudada wada xidhiidhkooda, haday waalid yihiin, haday saaxibada yihiin, haday dadka guurka wadaagaya yihiin iyo haday dadka haasaawaya yihiinba.Waxa kaloon kaga hadlay marxalada jacayl ee isu miisaaman sida loo gaadhi karayo. 

xalqadan
Ogaalka Ruuxda | Nazreen zallah
Ogaalka quseeya jacaylka!!, waa maxay jacaylku? Muhiimada jacaylka.

Ogaalka Ruuxda | Nazreen zallah

Play Episode Listen Later Nov 7, 2023 18:04


Xalqadan waxa aan kaga hadlay wacyiga caamka ah ee ku aadan aragtideena dhanka jacaylka, ka bulsho ahaan. waxa aan kaga hadlay muhiimada jacaylka iyo sida guud waxa uu jacaylku yahay.Xalqadan xalqada xigta waxa aan idinkula wadaagi doonaa 3 nooc oo aynu jacaylka u dareeno, isu jeclaano ama dadku ay isu jeclaadaan. Waxa aan idinkula wadaagi doonaa kala duwanaan-shiyaha jacaylka iyo iinsaanku sida uu ukala dareemo aniga oo adeegsanaya maraaxisha wacyiga iyo qofka.

xalqadan
Ogaalka Ruuxda | Nazreen zallah
Ruux kaste oo dareen ahaan daalayoow, way kuu hagaagi doontaa ilaahay idankiisa❤️‍

Ogaalka Ruuxda | Nazreen zallah

Play Episode Listen Later Oct 14, 2023 12:27


Marar badan dibad ahaan ama jidh ahaan in aynu u daalno ayaa dhaanta gudo ahaan in aynu u daalno.Jidh ahaan marka aynu u daalno waxa aynu awood u yeelanaa in aynu gama.no, in aynu nasano iyo in aynu jiifka nafis ku dareeno, balse dareen ahaan hadaynu u tacabno'  hurdona inooma dhadhanto, jiifna kuma ladno, dhinaca aynu dhulka iyara dhignaana daalka inagama biiyo, fadhina nafis kuma dareeno.In-badan oo idinka mid ahina waa hubaanti in ay dareemayaan, ama ay hore u dareemeen kolka ay arini ku timid ee ay xalna waayeen, haba ka gudbeene.Xalqadan waxaan jeclaaday in qoraal ka mid ah qoraaladayda aan idinla wadaago haba yaraadee. Ruux-kaste oo daal gudeed, tacab dareen iyo nasiino la.aan gudeed dareemayoow way kuu hagaagi doontaa ilaahay idankiisa.Waan ku jeclahay

Xidhiidhada Nolosha Podcast
Raaligalinta xad-dhaafka ah Q-3aad

Xidhiidhada Nolosha Podcast

Play Episode Listen Later Oct 10, 2023 12:39


Dabeecada loo yaqaano 'raaligalinnta xad--dhaafka ah' waa dabeecad ay dadka qaar muujiyaan taasoy hor mariyaan dadka kale baahidooda markastena isku dayaan in ay ilaaliyaan mashaacirta dadka kale.Xalqadan waxan kaga hadlay qaababka kala duwan ee uu qofku wax uga badali karo dabeecadan isagoo isku dayaya in uu noqdo qof ka war qaba dareemadiisa maarayn karaana markay soo if-baxa an. Dhagaysi wacan. Facebook https://www.facebook.com/amaalhaybe.coachingInstagram https://www.instagram.com/p/CpHdlduoJwD/?igshid=YmMyMTA2M2Y=

xalqadan
ALBAAQIYAT
Season 5~EP:6; barbaarinta iyo salaada التربية والصلاة

ALBAAQIYAT

Play Episode Listen Later Oct 1, 2023 37:52


Salaadu waa tirka labaad ee  diinteena  macaan wanaa qodobada ugu muhiimsan  barbaarinta caruurta .Xalqadan waxaan si faahfahsan uga hadlaynaa baahida ruuxiga ee ku abuuranta ilamaha marka la eegayo dhanka diinta iyo calamadaha kasoo if baxa ilmahaa marka uu soo galo da'an (7-9) Dhagaysi wanaagsan 

xalqadan
Mohamed Sharif
Sidee bu isticmaalka baraha bulshadu u naafeeya maskaxdeena?

Mohamed Sharif

Play Episode Listen Later Sep 28, 2023 8:23


Xalqadan waxan kaga hadlayaa sida uu u shaqeeyo alghorithm ka baraha bulshadu iyo sida uu maskaxdeena u naafeeyo

xalqadan
Ogaalka Ruuxda | Nazreen zallah
Dhibaatooyinka dareemada la kaydsado' | [Cabir dareenkaaga] Express your feelings and emotions.

Ogaalka Ruuxda | Nazreen zallah

Play Episode Listen Later Sep 15, 2023 33:54


Dareen kaste oo aan laysku caabbiyin, laysku celinin, oo dibada hawshiisa laysaga soo saaro waa la illaabaa.Xalqadan waxa aan kaga hadlay  muhiimada ay leedahay in aynu dareenkeena cabirno, muhiimada ay leedahay in aynu tabashadeena isu gudbino, faa.idooyinka laga dhaxlo wax isu tabinta iyo dhibaatada ka timaada hadii aynu dareemada kaydsano, amaba aynu doorano in aynu isku cabudhino wixii aynu dareeno.Is caabinta, dareen isku celinta, ka baqashada in ruux jilicsan lagu moodo hadii aad tabashadaada sheegto, iyo ma ogolaanshiyaha ah dibada in aad keento dareenka hadba cidhiidhyaya laabtaada ayaa sababa in uu dareenka cuslaynaya gudahaagu  sii joogo oo uu wakhti badan kula walaaloobo xal la.aan.

express feelings and emotions xalqadan dhibaatooyinka
BUUNDO
Episode 2: Xalqadda 2aad | Cabdalla Sh. Axmednuur | CFO Hormuud

BUUNDO

Play Episode Listen Later Aug 8, 2023 53:03


Xalqadan waxaan kula sheekaysanaynaa Cabdalla Sh. Axmednuur, Madaxa Maaliyadda ee Hormuud. Cabdalle marka hore waxa uu xalqaddan innagula wadaagayaa macluumaad muhiim ah oo ku saabsan suuqa shaqada.Intaas kedib waxa aan kala sheekaysanayaa suuqa shaqada ee Soomaaliya, fursadaha ka jira, caqabada ku horgudban dhallinyarada shaqo raadiska ah, waxyaabaha ay shirkahada waaweyn sida Hormuud ay uga baahanyihiin dadka shaqo-doonka ah iyo waxyaabo kale. Dhagaysi wanaagan!

soomaaliya xalqadan
BUUNDO
Episode 1: Xalqadda 1aad | Abdihakim Mohamed | CEO, Hadiid Industries

BUUNDO

Play Episode Listen Later Aug 6, 2023 36:40


Xalqadan waxaan kula sheekaysanayaa Cabdixakiim Maxamed, Aasaasaha Shirkadaha Xadiid.Safarka curineed ee Cabdixakiim waxaa ku jira casharo wax laga baran karo, yididiilo iyo xujooyin badhitaari kara qof kastę oo raba in uu curiyo hal-abuur guulaysta. Halkan kaga bogo qisada Cabdixakiim iyo sida uu u dhisay shirkad nooceedu innagu cusub yahay isla markaana uga dhigay ganacsi guulaystay oo saamayn wanaagsan ku yeeshay suuqa dhismaha ee Soomaaliya. Marka aad ka bogato, Kusoo biir Channel-keenna,  lanasii wadaag saaxiibbadaa. dhagaysi wanaagsan!

industries marka halkan soomaaliya xalqadan
ALBAAQIYAT
Season 4~EP:08 ; Samafal iyo awood isugu gaynta khayrka/ الإحسان والإتقان

ALBAAQIYAT

Play Episode Listen Later Jun 18, 2023 28:21


Samafalku waa xirfadahaa ugu qiimaha badan ee kasbashadooda nolosha qofka wax wayn kusoo kordhiso aduunyo , aakhriba Xalqadan waxaan ku eegayna sida loo kasabdo xirfada , faaidooyinka ay nolosheena uleedahay iyo samaynta ay kaga tagto qofka noloshiisa. Amal Abdilaahi 

xalqadan
Xidhiidhada Nolosha Podcast

Ma ku qanacsantahay halka aad maanta joogtid marka loo eego xidhiidhka aad naftaada la leedahay iyo ka dadka kaleba?  Xalqadan waxan kaga hadlay waxa ay tahay qanaacadu marka laga hadlayo  horumarinta habfikirka togan iyo siday qayb uga noqon karto horumarinta xirfadaha xidhiidhada. Dhagaysi wacan.Facebook https://www.facebook.com/amaalhaybe.coachingInstagram https://www.instagram.com/p/CpHdlduoJwD/?igshid=YmMyMTA2M2Y=

xalqadan
Xidhiidhada Nolosha Podcast
Dhisida dabeecadaha iyo dhaqamada fayow - Qaybtii 3aad

Xidhiidhada Nolosha Podcast

Play Episode Play 57 sec Highlight Listen Later May 23, 2023 20:41


Xalqadan waxad ka baranaysaa sida aad si malin le ah u dhisi kartid una horumarin kartid xidhiidhka aad la leedahay Ilaahay adoo j la imanaya camalo ama dhaqamo kooban iyo sida ugu fudud ee aad u joogtayn kartid. Sido kale, waxan kaga hadlay dabeecada loo yaqaano 'balaanqaadka nafta' taasoo qofka u saamaxda in uu wacyigiisu koro kobciyana hab-fikirka togan. Dhagaysi wacan. Facebook https://www.facebook.com/amaalhaybe.coachingInstagram https://www.instagram.com/p/CpHdlduoJwD/?igshid=YmMyMTA2M2Y=

sido xalqadan
Xidhiidhada Nolosha Podcast
Dhisida dhaqamada iyo dabeecadaha fayow - Qaybtii 2aad

Xidhiidhada Nolosha Podcast

Play Episode Play 44 sec Highlight Listen Later May 16, 2023 16:07


Xalqadan manta waa qaybtii 2aad ee dhisida dabeecadaha iyo dhaqamada fayow ee qofka u ogolaada in uu ku noolaado nolol uu cafimaad ka jidhkiisa iyo maskaxdiisaba uu daryeelayo kana war qabo si malin leh ah. Qayb ka dhig oo ku dadaal in aad dhaqamadan nolol malmeedkaaga kusoo kordhisid. Dhagaysi wacan. Facebook https://www.facebook.com/amaalhaybe.coachingInstagram https://www.instagram.com/p/CpHdlduoJwD/?igshid=YmMyMTA2M2Y=

xalqadan
Xidhiidhada Nolosha Podcast

Xalqadan waxan kaga hadlayaa dhowr qodob oo ah saamaynta kobcinta wacyigu ku leedahay qofka noloshiisa inta uu qofku ku gudo jiro in uu xidhiidh caafimaad qaba la yeesho naftiisa iyo dadka kaleba. Isbadal noocma ah ayaad filanaysaa inaad ku aragtid noloshaada markuu wacyigaagu kor u kaco sideebaanad u maarayn kartaa isbadalkaas.Dhagaysi wacan.Facebook https://www.facebook.com/amaalhaybe.coachingInstagram https://www.instagram.com/p/CpHdlduoJwD/?igshid=YmMyMTA2M2Y=

xalqadan
Xidhiidhada Nolosha Podcast
Xidhiidh-Nafeed; dhisida dhaqamada iyo dabeecadaha fayow

Xidhiidhada Nolosha Podcast

Play Episode Listen Later May 2, 2023 27:53


Xalqadan waxan kaga hadlayaa qaabka aad u adeegsan karto qoraalka (Journaling) si aad naftaada iyo mashaacirtaada (emotions) wax uga baran kartid.  Waxaan idinla wadaagay su'aalo aad naftaada tahay in aad waydiiso si malin le ah oo kaa caawinaya in aad wax ka badasho  dabeecadaha aan fayoobayn ee aad leedahay una dhistid dhaqamo iyo falcelimo fayow. Dhagaysi wacan. Facebook https://www.facebook.com/amaalhaybe.coachingInstagram https://www.instagram.com/p/CpHdlduoJwD/?igshid=YmMyMTA2M2Y=

journaling xalqadan
HEEGO WITH FATMA
#S2EP3xidhiidhka ka dhaxeeya soonka iyo cafimaadka

HEEGO WITH FATMA

Play Episode Listen Later Apr 14, 2023 21:11


Xalqadan waxa ka hadlaynaa soonka cid kasta ma u yahay cafimaad iyo qofka qaba xanuunka sonkorta sidaynu ula dhaqmayna xiliga ramadaanka

xalqadan
Xidhiidhada Nolosha Podcast
Qaab falcelimeed; Dabeecadaha iyo dhaqamada aan fayoobayn

Xidhiidhada Nolosha Podcast

Play Episode Play 56 sec Highlight Listen Later Apr 11, 2023 20:57


Xalqadan xidhiidhada Nolosha waxaan kaga hadlayaa saddex dabeecadood ama dhaqan oo aan fayoobayn oo dadka qaar muujiyaan xiliyada ay la soo darsaan wakhtiyo adag amaba isbadal  kuyimaado noloshooda. Dhaqamadan ama dabeecadahani waa qaar saamayn aan wanaagsanayn kuleh dadka cafimaadkooda maskaxeed  iyo xidhiidhada ay la leeyihiin dadka kale. Dhagaysi wacan. Facebook https://www.facebook.com/amaalhaybe.coachingInstagram https://www.instagram.com/p/CpHdlduoJwD/?igshid=YmMyMTA2M2Y=

xalqadan
Xidhiidhada Nolosha Podcast

Daraasado cilmiyaysan oo la sameeyay waxa la ogaaday xidhiidhka qofku la leeyahay naftiisu inay tahay halbeega lagu cabiro xidhiidhada kale ee noloshiisa ka tirsan. Xalqadan labaad waxaan kaga hadlayaa 'muxuu yahay xidhiidh-nafeed' muxuu se kaga duwan yahay qaabka aynu u dhisno xidhiidhada kale ee aynu la leenahay dadka kale. Dhagaysi wacan. Facebook https://www.facebook.com/amaalhaybe.coachingInstagram https://www.instagram.com/p/CpHdlduoJwD/?igshid=YmMyMTA2M2Y=

xalqadan
HEEGO WITH FATMA
#S2EP1-Waa maxay bisha ramadan? Maxayna bilaha kale kaga duwantahay

HEEGO WITH FATMA

Play Episode Listen Later Mar 27, 2023 18:30


Xalqadan waxaan kaga hadlaynaa bisha ramadaan fadliga ku jira iyo sidaynu uga faaidaysankaraynaa

Xidhiidhada Nolosha Podcast
Bar-bilaw - Noocyada xidhiidhada

Xidhiidhada Nolosha Podcast

Play Episode Listen Later Mar 21, 2023 10:16


Xalqadan koobaad  waxaan kaga hadli doonaa noocyada xidhiidhada nolosha loo qaybiyo iyo kuwa u muhiimsan.  Waxaan ugu talo galay in ay xalqadani noqoto bar bilowga kobcinta wacyigaaga ama  habfikirkaaga dhinaca xidhiihdada. Dhagaysi wacan. Facebook https://www.facebook.com/amaalhaybe.coachingInstagram https://www.instagram.com/p/CpHdlduoJwD/?igshid=YmMyMTA2M2Y=

xalqadan
ALBAAQIYAT
Season 2~EP:03: "MIISAAMIDA MICNAHA DUMARNIMO “

ALBAAQIYAT

Play Episode Listen Later Feb 13, 2023 50:45


Xalqadan waxaan kaga hadli doona miisamida micnaha dumarnimo ay leedahaay shirkii “ CEDAW “ iyo waxybihi kasoo baxay maxaa diinta ka wafaqsan maxaase kasoo hor jeeda dhagaysi wanaagsan ayaan idiin rajayanaya .

cedaw xalqadan
Fikradaha Xaliye
#SE05 EP 2 Nafaqada , Jirdhiska, Hurdada iyo Najiib Ali.

Fikradaha Xaliye

Play Episode Listen Later Nov 30, 2022 43:39


Xalqadan waxaa iigu marti ah Najiib Ali oo ah macalin Nafaqo iyo Jirdhis Xirfadle ah waxa aan ka waraystay Sidee Ninku si nolol Cafimaad leh ugu Noolaan Karaaisagoo isha ku haynaya Jirdhiska , Nafaqada cuntada, Hurdada , iyo nasashada. Ka mid noqo Ragga Isbadalka raba inay sameeyaan . Fariin iigu soo dir telgram ka ama instagram ka si aad uga mid noqotid ardayda. Telgram : @Xaliyeali Instagram : @Fikradaha_xaliyepodcast. Yaan Lagaa Buuxinin. Dhagayso Podcast-ga Fikradaha Xaliye. . Apple Podcast: https://podcasts.apple.com/us/podcast... Spotify: https://open.spotify.com/show/2BU8z6E... Google Podcast : https://podcasts.google.com/feed/aHR0... Anchor Fm : https://anchor.fm/fikradaha-xaliye Igala soo xiriir : Telegram: Xaliyeali Instagram: Fikradaha_Xaliyepodcast TIKTOK: Xaliye_Ali fikradahaxaliye@gmail.com Fikradaha Xaliye (Xaliye thoughts ) is a podcast created by {Abdisamad xaliye} a Somali journalist, producer, Entrepreneur, and Podcast Host. this podcast is all about having candid conversations with fellow men talking about relationships, marriages, finances, Mental health, and things men go through generally in life on a daily basis. our purpose is to enlighten, educate, and share life experiences with Somali men around the globe --- Send in a voice message: https://anchor.fm/fikradaha-xaliye/message

ALBAAQIYAT
Season 1~EP:03: XIDHIIDH AAN GOAYN

ALBAAQIYAT

Play Episode Listen Later Nov 20, 2022 29:16


Xalqadan sadexaad waxaynu kaga hadlaynaa salaada iyo ahmiyada ay u leedahay nolosha iyo saamaynta ay qofka bina aadamka ah ku leedahay noloshiisa aduunyo iyo mida aakhiro.

xalqadan
Maan kobciye
Saamaynta fikirka iyo sidaad isbedel u abuuri kartid

Maan kobciye

Play Episode Listen Later Aug 27, 2022 6:04


Xalqadan cusub aan kasoo jaray qaybta youtube isago dhamaystirana halkan ka daawo ( Youtube= maankobciye ) waxad ka baranaysaan sida ay isula shaqaynayaan hab fikirkaaga iyo hadafkaaga markaad hiigsanaysid haddaad qorto kuna celceliso waxad doonayso. Waxa daadahaynaaya aniga iyo ahmed darwiish.. Guulaysta dhamaantiin.

xalqadan
Tubta Nabaada
Taakulo Episode 33 | UN Women

Tubta Nabaada "Path to Peace"

Play Episode Listen Later Mar 10, 2022 16:09


[This show is produced in Somali only; English caption of the show context is down below] Maanta, waxaan idiin soo gudbinaynaa qayb cusub oo ka mid ah #Taakulo, oo ah barnaamij Radio oo aan idin kugu soo gudbino wararka iyo warbixinada ku saabsan shaqada qoyska QM ee Soomaaliya. Xalqadan waxaan wax badan kaga ogaan doonaa dadaalada lagu xaqiijinayo qoondada haweenka ee 30% iyo sida haweenku uga qaybgali karaan go'aan gaarista dalka. Waxaan waraysanay Sadiq Syed, oo ah Madaxa Hay'adda UN Women. Wuxuu ka hadlayaa sida QM ugu qareento ka qaybgalka haweenka ee arrimaha siyaasadda iyo taageerada QM ay siiso hanaanka lagu xaqiijinayo qoondada 30% ee haweenka laguna taageerayo xoojinta matalaadda haweenka. Waxaan sidoo kale waraysanay Batuula Gaballe, oo ah Gudoomiyaha Gudiga xaqiijinta qoondada haweenka oo ka hadlaysa dadaalada lagu xaqiijinayo qoondada haweenka 30% ee doorashada socota iyo waxyaabaha ay samaynayaan Dowlad Goboleedyada si loo xaqiijiyo qoondada haweenka. Barnaamijka waxaa idinla socodsiinaya Cali Guutaale iyo Fatxi Max'ed. Waxaa helaysaa fursad aad uga falceliso barnaamijka oo aad aragtidaada nagula wadaagi karto adigoo wacaya idaacadda aad ugu jeceshahay. Ka dhageyso barnaamijka Radio Muqdisho, Radio Kulmiye, Radio Baydhaba, SBC Radio, Radio Cadaada, Radio Risaala, Radio Dalsan, Radio HiranWeyn, Radio Galgaduud, Radio Garowe iyo Radio Kismaayo. Si aad qayb uga noqoto barnamaijka waxaad wici kartaa idaacadaha, oo nala wadaag aragtidaada. Hadii uu ku seegay barnaamijkan halkaan ayaad ka dhageysan kartaa wakhti walba. Waxaad sdoo kale ka helikartaa Podcast qybtaan iyo qaybaha kaleba: iTunes: https://podcasts.apple.com/ke/podcast/tubta-nabaada-path-to-peace/id1373615264 Stitcher: https://www.stitcher.com/show/tubta-nabaada-path-to-peace TuneIn: https://tunein.com/podcasts/Podcasts/Tubta-Nabaada-Path-to-Peace-p1120872/ -------------------------------------------------------------------------------------------- Today, we bring you a new episode of #Taakulo , the radio magazine that shares with you news and updates about the work of the United Nations family in Somalia. In this episode we find out more about the 30 per cent women quota in Somalia's political parliament and other decision-making processes. We interview Sadiq Syed, Head of UN WOMEN, about how the UN advocates for ensuring women's fair access to political spheres, the support the UN provides for the achievement of women's 30 per cent quota, and the UN's partners in support of women representation. We also interview Batulo Ahmed, Chairperson of the Goodwill Ambassadors, about the recent efforts to safeguard the 30 per cent women's quota in the ongoing elections and what Federal Member States are doing to materialize their pledges of achieving the quota. The programme is presented by Ali Gutale and Fathi Mohamed. You will have the opportunity to react to the show and share your thoughts by calling in your favourite radio stations! Tune in today to Radio Mogadishu, Radio Kulmiye KNN, Radio Baidoa, SBC Radio, Radio Cadaado, Radio Risalah, Radio Dalsan, Radio Hiranweyn, Radio Galgadud and Radio Kismaayo. You can also get the podcast of this and other episodes of this show on: iTunes: https://podcasts.apple.com/ke/podcast/tubta-nabaada-path-to-peace/id1373615264 Stitcher: https://www.stitcher.com/show/tubta-nabaada-path-to-peace TuneIn: https://tunein.com/podcasts/Podcasts/Tubta-Nabaada-Path-to-Peace-p1120872/

Ladnaan Podcast
# 33: Dhalinyarada iyo guurka - ma u baahan nahay inaan hagno?

Ladnaan Podcast

Play Episode Play 36 sec Highlight Listen Later Feb 15, 2022 52:07


Xalqadan waxaanu ka hadli doonaa dhalinyarada iyo guurka.  Ma u baahan nahay inaan hagno? Hadeey nooga baahan yihiina, sideen u hagnaa iney lamaane ku haboon doortaan?Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeyeWaxaan dhageystayaasheena weydiineynaa su'aal ah, miyeeynu u baahan nahay inaan soo saarno dating Somali App? Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: ladnaanpodcast@gmail.com

waa dhalinyarada xalqadan
Fikradaha Xaliye
Wixii aad soo aragtay Sheeg. #S2 E5

Fikradaha Xaliye

Play Episode Listen Later Nov 29, 2021 48:06


Soo dhawaada awoow. Xalqadan waxaan ku falanqeeyey muhiimadda ay raga u leedahay inay wadaagaan khibradahooda nololeed ,guur, xiriir, dhaqaale ,iyo sida in ragga kale aad ula wadaagto sheekadaada ay u badbaadinayso noloshooda, iyo sheekooyin la xiriira mawduucaas. YOUTUBE: https://www.youtube.com/watch?v=Cqpi6SFTMMU&ab_channel=FIKRADAHAXALIYE-PODCAST Listen to Fikradaha Xaliye Podcast on All Platforms. Produced: ELXA MEDIA & SEMA BOX Chopped by: Dan Aceda. GOOGLE PODCAST: https://podcasts.google.com/feed/aHR0... SPOTIFY: https://open.spotify.com/show/2BU8z6E... ........................................................................................................................ Fikradaha Xaliye (Xaliye thoughts ) is a podcast created by {Abdisamad xaliye} a Somali journalist, producer, Studio executive, Podcast Host, this podcast is all about having candid conversations with fellow men talking about relationships, marriages, finances, Mental health, and things men go through generally in life on daily basis. our purpose is to enlighten, educate, and share life experiences with Somali men around the globe. Listen Fikradaha Xaliye Podcast. ........................................................................................................................ Fellow dheh TikTOK geena : @XALIYE_ALI EMAIL: fikradahaxaliye@gmail.com. Like. Share. Subscribe. --- Send in a voice message: https://anchor.fm/fikradaha-xaliye/message

Fikradaha Xaliye
Haka war-warin Iskaabulo-Nimadaada. S2 EP4

Fikradaha Xaliye

Play Episode Listen Later Nov 22, 2021 32:36


Haka war-warin Iskaabulo-Nimadaada. S2 EP4. Ogaysiis : Podcast-gan iyadoo muqaal ah ka daawo Youtube.EP 2 is out now. https://www.youtube.com/channel/UC4cIx8mFsWiAQGrDlcEiAVg Soo dhawaada dhagaystayaal. Xalqadan waxaan ku falanqeeyey oo aan tooshka ku qabtay. Muhiimmadda Iskaabulonimada ay kuu leedahay Nin Ahaan. Fikradaha qaldan iyo beenta ku hareeraysan iskaabulonimada ee laguu sheegay. Hoggaaminta iyo diyaargarowga noloshaada. Isku finaanshaha . ujeedada noloshaada inta aad ku jirto iskaabulonimada. Ka faa'iidaysiga waqtigaaga. da'daada iyo culayska bulshada kaaga imaanaya ee guurka. lahaanshaha shaqo iyo xirfad aad leedahay si aad dhaqaale uga samayso. xoriyadda ay leedahy iskaabulonimada. Qodobadaas iyo kuwo kale ayaan ku lafa guray xalqadan. Dhagaysi wacan. Ogaysiis : Podcast-gan iyadoo muqaal ah ka daawo Youtube.EP 2 is out now. https://www.youtube.com/channel/UC4cIx8mFsWiAQGrDlcEiAVg .......................................................................................................................................................................... Fikradaha Xaliye (Xaliye thoughts ) is a podcast created by {Abdisamad xaliye} a Somali journalist, producer, Studio executive, Podcast Host, this podcast is all about having candid conversations with fellow men talking about relationships, marriages, finances, Mental health, and things men go through generally in life on daily basis. our purpose is to enlighten, educate, and share life experiences with Somali men around the globe. --- Send in a voice message: https://anchor.fm/fikradaha-xaliye/message

Ladnaan Podcast
Talooyin ay nala wadaageen waalidka keligii caruurtiisa korsanaya - Advices from single parents

Ladnaan Podcast

Play Episode Listen Later Jun 27, 2021 19:04


Xalqadan waxaan idiin soo bandhigi doonaa wareysi aan la yeelanay waalidiin ilmahooda keligooda korsanaya, caqabadaha ay la kulmeen iyo waxyaabaha u fududeeyay. Waxay kaloo waalidiintaan nala wadaageen talooyin aad iyo aad u wanaagsan oo uu waalid walba u baahan yahay. Dhageysi wacan.

Mohamed Sharif
Digrigii xubiga

Mohamed Sharif

Play Episode Listen Later Feb 27, 2021 19:44


Xalqadan waxa Marti Ku ah abwan cabdirahman haldhis oo aan halkan aad uga salamayo

xalqadan
Mohamed Sharif
Amusnan amakag leh

Mohamed Sharif

Play Episode Listen Later Feb 20, 2021 3:13


Xalqadan waxan idinkula wadagi doona amusnan amakag leh qisada bilowga nolasha dhoodan kuso dhawada podcastiga codka daaha

xalqadan