POPULARITY
Ilaalinta habmaamus dhaqameedka shacabka Aboriginalka iyo Torres Strait Islanderka Australia waa talaabo muhiim ah oo hore loogu qaaday fahamka iyo ixtiraamka dadka taariqiyan leh dalkan aan ku nool nahay.
Halkaan waxaan kusoo gudbiyaa Hormarinta Qoyska Sida Dhiirigalinta Waalidiinta Tarbiyada Carruurta iyo Hormarinta Shaqsigabo.waad ilawadaagi kartaa Fikirkaada.Mahadasanid Dhageysigaada.Thanks,for your Listening
[This show is produced in Somali only; English caption of the show context is down below] Todobaadkaan #TubtaNabadda, waxaan ku xoseynaa maalinta caalamiga ah ee ka dhanka ah takoorka oo caalamka laga xuso sanad walba 1da bisha March. Waxaan si gaar ah uga hadli doonaan faquuqa lagula haweenka. Waxaan barnaamijka ku wareysanay Noel Kututwa, la taliye sare oo ka tirsan xafiiska Ilaalinta haweena ee UNSOM, oo ka waramay muhiimadda ay leedahay xuska maalintaan, waxaana weydiinay sida takoorka uu u saameeyey dhanka dhaqan-dhaqaale ee dalkeena Soomaaliya iyo sida dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka uga wada shaqeynayaan in wax laga badalo takoorka ka jira dalka. Waxaan sidoo kale wareysanay Farxaan Cumar Carte oo ah guddoomiyaha ururka haweenka gobolka Hiiraan, oo sheegtay in takoorka ka dhanka ah haweenka la joojin karo. Waxayna tilmaamtay in haddii lagu guuleysto qoondada haweenka ee boqolkiiba 30ka ah e golayaasha go'aan gaarista dalka ay wax weyn ka badali karto faquuqa haweenka ay kala kulmaan dhanka siyaasadda. Barnaamijka waxaa idinla socodsiinaya Cali Guutaale iyo Fatxi Max'ed. Waxaa heleysaa fursad aad uga falceliso barnaamijka oo aad aragtidaada nagula wadaagi karto adigoo wacaya idaacadda aad ugu jecshahay. Ka dhageyso barnaamijka Radio Muqdisho, Radio Kulmiye, Radio Baydhaba, SBC Radio, Radio Cadaada, Radio Risaala, Radio Dalsan, Radio HiranWeyn, Radio Galgaduud, Radio Garowe iyo Radio Kismaayo. Si aad qayb uga noqoto barnamaijka waxaad wici kartaa idaacadaha, oo nala wadaag aragtidaada. Hadii uu ku seegay barnaamijkan halkaan ayaad ka dhageysan kartaa wakhti walba. Waxaad sdoo kale ka helikartaa Podcast qybtaan iyo qaybaha kaleba: iTunes: https://podcasts.apple.com/ke/podcast/tubta-nabaada-path-to-peace/id1373615264 Stitcher: https://www.stitcher.com/show/tubta-nabaada-path-to-peace TuneIn: https://tunein.com/podcasts/Podcasts/Tubta-Nabaada-Path-to-Peace-p1120872/ -------------------------------------------------------------------------------------------- This week on #TubtaNabadda, we mark Zero Discrimination Day celebrated globally on 1 March every year. We particularly discuss discrimination against women. We interview Noel Kututwa, Senior Women's Protection Advisor in UNSOM, about the importance of marking this day every year, and we ask him how discrimination is negatively influencing Somalia's socio-economic sphere and how the Somali government and international partners are working jointly to change discrimination in the country. We also interview Farhan Omar Arte, the chairlady of HirShabelle's women association, who tells us how discrimination against women can be stopped and what achieving the 30 per cent women quota in Somalia's decision-making process can help change discrimination in society. In the studio, your hosts are Ali Gutale and Fathi Mohamed. You will listen to a poem about the relevance of radio by Liban Abdi Warsame. Tune in today to Radio Mogadishu, Radio Kulmiye KNN, Radio Baidoa, SBC Radio, Radio Cadaado, Radio Risala, Radio Dalsan, Radio Hiranweyn, Radio Galgadud and Radio kismaayo to be a part of it. Remember to call in and share your thoughts about the show, or leave us a comment below. In case you miss it on the radio, you can listen in here anytime. You can also get the podcast of this and other episodes of this show on: iTunes: https://podcasts.apple.com/ke/podcast/tubta-nabaada-path-to-peace/id1373615264 Stitcher: https://www.stitcher.com/show/tubta-nabaada-path-to-peace TuneIn: https://tunein.com/podcasts/Podcasts/Tubta-Nabaada-Path-to-Peace-p1120872/
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah