Listen to interviews, features and community stories from the SBS Radio Somali program, including news from Australia and around the world. - Ka dhagayso waraysiyo, warbixino iyo sheekooyinka jaaliyada barnaamujka idaacada SBS laanteeda Afsoomaaliga oo ay ku jiraan wararka Australia iyo kuwa caalamk…

Qoysaska ka walwalsan khiyaamooyinka ku saabsan deepfake-ga codka — sida qof iska dhigaya ilmahaaga ama qof kale oo qoyskaaga ah, oo lacag degdeg ah ku weydiisanaya — Mr Roberts wuxuu kula talinayaa, tallaabo sahlan oo ay ku badbaadi karaan. Waa inay samaystaan is-af-garasho ama password ay qoyska oo keliyihi isla og yihiin.

Mawlac diimeed oo Sydney ku yaalla oo horey amar loogu bixiyey in la xiro, ayuu golaha deegaanka ee Bankstown Canterbury sheegeen inay ka dhego-adaygeen.

Wararkii ugu dambeeyey ee Laascaanood iyo Abdillahi Sheekh-doon oo laga waraystay isagoo jooga Laascaanood.

Walxo qarxa oo laga helay xaafad ku taalla Camberra iyo kooxaha diimaha oo walaac ka muujiyey sharciga cusub ee lagu xakamaynayo hadallada nacaybka. Maraykan-kuna waxuu fiisayaasha ka joojiyey soo-galootida kasoo jeedda 75 dal.

Dowladda Australia ayaa ku dhawaaqday inay mudnaan siin doonto, macdano muhiim u ah kaydka istaraatiijiga ah ee dalka, oo qiimahoodu dhanyahay 1.2 bilyan oo doollar.

Cilmi-baaris cusub ayaa lagu ogaatay in xawliga ay geedaha cusubee Australia ku korayaan uu ka hooseeyo, xowliga ay geedaha da'da weyni ku dhimanayaan, taasoo abuurtay walaac ah inay geeduhu dabar go'aan.

Dambiyada cusub ee la xiriira hadallada naceybka ah iyo af-lgaadooyinka halista ahba, laguma dabbaqi doono, qofka soo xiganaya ama ka hadlaya qoraallada diinta, haddii ujeeddadu tahay waxbarid diimeed ama dood diini ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud ayaa ka hadlay sababihii ay dowladdiisu cilaaqaadka ugu goysey dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Aqalkiisii oo ku yaalla tuulada Longwood East, wuu ka badbaaday dabkii laakiin bakhaarkiisii , iyo qalabyadiisii shaqooyinka gacantase, dabkii baa leefay. Waxaa ruxruxay cabsi dhimasho, wuxuuna garawsaday inay la gudbooneyd, inuu goor horeba ka qaxo guriga.

Warka waxaa ka mid ah Danjire Kevind Rudd oo iska casiley xilka danjiraha ee uu Australia ugu fadhiyey Maraykanka iyo koox falastiiniyiin oo ay Israel taageerto oo dilay mas'uul ka tirsan kooxda Xammaas

Golayaasha deegaanka ee New South Wales ayaa yeelan doona awood xoog badan oo ay ku xiraan goobaha lagu baahiyo khudbadaha naceybka, ee dadka ku dhiirrigeliya fikradaha xagjirka ah.

Going camping is an incredible way to experience Australia's great outdoors whilst also taking a break from technology and daily routines. We unpack the benefits of camping, the preparation required, the equipment you should consider taking, and how to be a considerate camper. - Laga bilaabo xeebaha illaa dhulka baadiyaha ah ee outback-ga la yiraahdo, , Camping-ku waa hab sahlan oo raqiis ah, oo looga nasto cadaadiska nololeed, laguna raaxaysto quruxda dabiiciga ah ee Australia. Faa'iidadiisa, qalabka la sii diyaarsado iyo macluumaadka muhiimka ah ee la sii ogaado ayaanu kuu qeexaynaa.

Waa barnaamijkii Jimce, 9 January 2026 oo dhammays-tiran.

Ra'iisal-wasaare Anthony Albanese, ayaa ugu dambayn ku dhawaaqay guddiga awoodda leh ee Royal Commission si ay usoo baaraan arrimaha ku gadaaman weerarkii xeebta Bondi iyo Yuhuud-necaybka.

Warka Soomaaliya maanta waxaa ka mid shirweyne xisbiga Haybad Qaran uga furmay Muqdisho oo ay kasoo qayb galeen Madax hore iyo siyaasiyiin.

Waalidiinta carruurtooda u dira xarumaha xannaanada carruurta (childcare) ayaa hadda loo oggolaaday in kharashka xannaanada caruurta laga bixiyo 90 boqolkiiba, muddo saddex maalmood ah toddobaadkii, iyada oo aanan lagu xiraynin wax shuruud ah.

Victoria oo berri oo jimce ah laga mamnuucay shididda dab, kulaylaha daran awgii. Ingiriiskuna wuxuu sheegay inuu Maraykanka ka caawiyey qabashada markab nooca shidaalka ah oo lala xidhiidhiyey Venezuella iyo Iiraan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa'iil, Gideon Saar, ayaa booqasho ku tagay Somaliland, isagoo ballanqaaday in Israa'iil ay ka furi doonto safaarad, kaddib markii Israa'iil noqotay waddankii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa booqashadaas ku tilmaantay faragelin aan la aqbali karin oo lagu sameynayo arrimaheeda gudaha.

Culimada diinta ee Muqdishu ayaa iclaamiyey bannaan-bax looga soo horjeedo, waxa ay ku tilmaameen faro-gelinta Israel ee Soomaalia.

Boqolaal waraaqood oo ay ku qoran yihiin xogohii qarsoodiga ahaa, ee sidii ay u shaqayn jirtey xukuumaddii Jonh Howard 2005-tii ayaa hadda la sii daayey ama la fasaxay. Waxyaalaha ku qorannaan waxaa ka mid ah, digniino ku saabsan doorka ay ciidamada difaaca Australia ka qaadanayeen qulquladihii ka jirey dalka Afghanistan iyo sida ay Austraalia diyaar ugu ahayd masiibo cudur faafa

Waxaa la xaqiijiyay inay Australia tahay dalka ugu xasaasiyadda badan dunida. Sanboorka ayaa ku dhaca ku dhowaad 24% dadkaa Australia , halka xasaasiyadda cuntada laga qaadaanaa ay saamayso qiyaastii 7%. Australia ayaa sidoo kale ah waddanka ay ugu badan yihiin carruurta qabta xasaasiyadda cuntadu.

Wararka Talaado, waxaa ka mid ah, ninkii lagu eedeeyey weerarkii xeebta Bondi Beach oo loo wareejiyey xabsi ammaankiisu aad u adag yahay. Xaafadaha darafyada magaalooyinka waaweyn oo looga digey dab-dabkaymeedyo. Iyo M.weynaha Ukraine oo sheegay inay Ruushka ka dileen 35,000 oo askari bishii December.

Boqollaal malyan oo doollar ayaa weli Sydney ku sugaya inay dadkii xaq u lahaa soo dalbadaan. Hay'adda Revenue New South Wales ayaa haysa lacago kala duwan oo baadi ah, dadkii lahaana aanay soo dalbannin.

Waa barnaamijkii Jimcaha 2 January 2026 oo dhammays tiran

Xildhibaannada baarlamanka Soomaaliyeed ee kasoo jeeda Somaliland ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray shir ay yeesheen.

Baadigoob cusub oo dib loogu raadinayo diyaaraddii Malaysia Airlines ee number-ka duulimaadkeedu ahaa MH370 ayaa dib loo bilaabay Talaadadii, December 30 2025, in ka badan toban sano kaddib markii ay diyaaraddaasi luntay. Diyaaraddaas ayaa ka duushay magaalada Kuala Lumpur kuna sii jeedday magaalada Beijing, iyadoo ay saarnaayeen 239 qof.

Booliiska New South Wales ayaa xiray nin lagu eedeeyey qorsheyn toogasho goob dadweyne. Premier-ka New South Wales, Chris Minns, ayaa ka digey korodhka Islam-necaybka oo la sheegay inuu kordhay dhacdadii Bondi ka dib.

Khadka telephone-ka ee taageerada qaxoontiga oo loo la yiraahdo khadka Witness to War ayaa aad mashquul u noqday ka dib weerarkii dhowaan lagu qaaday xeebta Bondi Beach. Dowladda federaalkuna waxay ugu deeqday $3.6 million.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Ururka Carabta ayaa Israel ku cambaareeyey aqoonsigeeda Somaliland. Premier-ka New South Wales-na wuxuu shacabka ku war- geliyey inay habeenka sannadka cusub arki doonaan booliis hub culus wata.

Halkan ka dhegeyso: Warkii doorashada golaha deegaannada gobolka Benaadir ayaa ka mid ah barnaamijka jimcaha 26 December 2025 oo dhammaystiran.

Dadweynaha Australia ayaa loogu baaqay inay ka digtoonaadaan budhcadda Internetka xilligan lagu jiro ee waxa ugu badan laga iibsado online. Dalka Algeria ayaa Faransiisa ka dalbaday raalli gelin iyo magdhow ku saabsan dhibaatadii uu geystey muddo 130 sano ah oo uu addoonsanayey.

Doorashayoonkii golaha deegaannada Bendaadir oo ka qabsoomay Muqdisho iyo madax ka socota qaranka oo ka hadlay.

Baarlamaanka gobolka New South Wales ayaa ansixiyay sharciyo cusub oo lagu doonayo in lagu xaddido mudaharaadyada dhaca weerarro argagixiso. Sharciyada cusub ayaa mamnuucaya in mudaharaadyo la oggolaado ilaa 90 maalmood kadib marka uu dhaco fal argagixiso—iyadoo ay suurtagal tahay in mamnuuciddaasi ka hirgasho guud ahaan gobolka New South Wales oo dhan.

Kumanyaal qof oo Australiyaan ah ayaa laga yaabaa, inay qabaan dhiig-kar. Haddii aynu si kale u dhignana, laga yaaba in cadaadiska dhiigoodu sarreeyo, iyaga oo aan ogeyn—inkastoo ay suurto galba tahay inay soo mareen baaritaan dhakhtar. Daraasad cusub ayaa muujisay, in habka hadda loo cabbiro cadaadiska dhiigga, ama dhiig-karku, uu mararka qaar noqdo mid aan sax ahayn.

Siyaasaddaha Australia sannadkan 2025,, waxaa la yiraahdaa waxay ahayd, mid bilowgii horeba la sii saadaalin karayey iyo kuwo filanwaa noqdayba. Waxaa ka mid ahaa doorashadii bishii May, oo uu xisbiga Labor-ku dib ugu soo laabtay talada, isagoo guul ballaaran ku hantiyay, halka laba hoggaamiye oo mucaarad ah — Peter Dutton iyo Adam Bandt — ay labaduba lumiyeen kuraastoodii.

Dacwad dhinaca dastuurka ah ayaa laga yaabaa in laga gudbiyo, tallaabooyinka ka-hortagga mudaharaadyada ee laga hirgelinayo gobolka New South Wales, kaddib weerarkii argagixiso ee ka dhacay Bondi. Baarlamaanka gobolka ayaa dib loogu yeeray kulan socdey laba maalmood, si ay u ansixiyaan sharciyo xaddidaya mudaharaadyada, bartilmaameedsanaya hadallada naceybka isla markaana adkaynaya shuruucda lahaanshaha hubka.

Baarlamaanka gobolka New South Wales ayaa dib loogu yeeray si ay u fariistaan labada maalmood ee, 22-ka iyo 23-ka Diseembar, si looga doodo arrimo kala duwan oo kuwada jira hal sharci oo keliya, kuwaas oo daba socda weerarkii argagixiso ee ka dhacay Bondi.

Barnaamijkii Soomaaliga ee Jimce 19 December 2025 oo dhammaystiran. Xayaysiis waa laga reebay

Summer in Australia can be very hot, and as our climate continues to warm, heatwaves are expected to become more frequent and more intense. In this episode of Australia Explained, we cover what a heatwave is, why they pose such a significant risk to human health, who is at most risk, and how to best prepare to cope with a heatwave. - Xilliga xagaaga ee Australia aad buu u kululaan karaa, iyadoo isbeddelka cimiladuna sababayo in kulaylka darani soo noqnoqdo oo sii xoogeysto. Qaybtan barnaamijka Australia Explained, waxaan ku sharaxaynaa waxa uu yahay 'heatwave', sababta uu khatar weyn ugu yahay caafimaadka dadka, cidda ugu nugul saameyntiisa, iyo sida ugu habboon ee loogu diyaargaroobo oo loola qabsado.

Dowladda Australia ayaa dejin doonta barnaamij qaran oo cusub oo dib loogu soo iibsanayo hubka, kaddib dilkii 15 qof loogu geystey, weerar argagixiso oo ka dhacay xeebta Bondi Beach, Axaddii lasoo dhaafay.

Warkii Soomaali ee Jimce, 19 December 2025

Ka dib weerarkii naxdinta lahaa ee ka dhacay xeebta Bondi Beach, hay'adda New South Wales Health ayaa bilowday adeeg degdeg ah oo ku saabsan caafimaadka maskaxda. Dhakhaatiir iyo khubarada caafimaadka maskaxda oo si gaar ah loo tabo-baray ayaa laga hawl-geliyey xaafadaha Bondi iyo Coogee, iyaga oo shaqaynaya 8 subaxnimo ilaa 8 fiidnimo, maalmaha iyo toddobaadyada soo socda.

Dawladda Australia ayaa ku howlan soo saarridda sharciyo wax ka qabta faafinta necaybka, kala qaybsanaanta iyo xag-jirka, ka dib toogashadii xeebta Bondi.

Kooxaha Yuhuudda Ausralia ayaa Ra'iisal-wasaaraha ku boorriyey la dagaallanka nacaybka Yuhuudda, iyadoo ay dowlad-goboleedyaduna ka fiirsanayaan adkaynta ruqsadaha hubka, iyo inay dadka aan muwaaddiniinta ahayn ka mamnuucaan lahaanshaha hubka.

Warkii Soomaaliya ee Arbaca 17 December 2025

Golaha Qaranka ee Australia ayaa mar kale go'aansaday in si degdeg ah loo adkeeyo shuruucda lahaanshaha hubka, ka dib weerarkii argagixisada ee ka dhacay Xeebta Bondi ee ku taalla magaalada Sydney, halkaas oo nin haysta ruqsad hub, iyo wiilkiisu ay ku dileen ugu yaraan 15 qof.

Koox iskaa-wax-u-qabso ku shaqaysa ayaa soo aruursada baskeellada ama bushkleetiyada gabooba ee la tuuro, iyagoo dabadeed ka sameeya kursi taayiro leh oo ay isticmaali karaan carruurta curyaannada ahi. Hay'ado samo-fal oo caalami ah ayay u sameeyaan.

Hoggaamiyaha mucaaradka, Susan Ley, ayaa dowladda ku sheegtay inay ku fashilantay ilaalinta muwaadiniinta Yuhuudda Australia. Hoggammiyaha Jarmalka ayaa rajo ka muujiyey nabadaynta Ruushka iyo Ukraine.

Weerar argagxiso oo shalay galab lagu qaaday xeebta Bondi Beach ee Sydney ayaa illaa hadda la xaqiijiyey inay ku dhinteen16 qof oo midkood yahay cunug. Aabbe iyo wiilkiisa ayay booliisku sheegeen in lagu eedeeyey weerarka rasaasta ah.

Barnaamijkii Jimce 12 December 2025 oo dhammaystiran. Xayaysiis ma laha.

Connecting with Indigenous Australia can be daunting for a newcomer to the country. So, where do you start? We asked Yawuru woman Shannan Dodson, CEO of the Healing Foundation, about simple ways to engage with First Nations issues and people within your local community. - Haddii aad ku cusub tahay Australia, waxaa laga yaabaa inaad maqashay erayada “Country”, “Traditional Owners”, ama “First Nations”. Waa muhiim inaad ogaato waxa ay ka dhigan yihiin. Qaybtan Australia Explained waxaannu ku sharraxaynaa siyaabo fudud, oo aad ku bilaabi karto barashada bulshooyinka First Nations iyo dhaqammadooda